Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Kobciyo Rabitaanka Kulanka Gogosha

Cuntada waxay door weyn ka ciyaartaa nolosha aadanaha, waa shidaalka uu jirku ku shaqeeyo sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in qofka uu qaato cuntooyin nafaqo leh. Dhakhaatiirta waxay dadka kula taliyaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran oo nafaqo leh si sare loogu qaado caafimaadka. Qormadaan waxaan ku soo qaadanayna cuntooyinka kor u qaadaa rabitaanka galmada.

Rummaanka:

Rummaanka waa geed xambaarsan faa’iidooyin badan, ahmiyadda ay mirahaan leeyihiin waxaad ka garan kartaa inuu Alle kitaabkiisa kariimka ah uu ku xusay rummaanka sadax jeer. Rummaanka wuxuu ugu horeeyaa miraha u roon awood siinta ragga, waana arrin la hubo, wuxuu ku jiraa cuntooyinka beddeli karo daawada Viagra.

Toonta:

Muddo qarniyo badan ah ay toontu ahaan jirtay shayga ugu muhiimsan ee raggu ay u isticmaalaan in ay kordhiso isla markaana firfircooni geliso rabitaanka galmada, iyo sidoo kale in ay wanaajiso habka wareegga dhiigga ee qofka.

Shukulaatada madow:

Cunista shukulaatada madow waxay uroontahay galmada, waxay caawisaa  heerka hormoonnada serotonin iyo dopamine ee maskaxda, taas hoos u dhigta walwalka, islamarka kordhisa farxadda. Geedka cocoa eel aga sameeyo shukulaatada waxuu caawiyaa dejinta xididada dhiigga iyo qulqul wareegga dhiigga ee halbowlayaasha.

Qaraha:

Qaraha waxaa lagaa helaa Borotiinka nooca loo yaqaanno “citrulline” wuxuuna muhiim u yahay xididada dhiigga, wuxuu kordhiyaa qulqulka dhiigga iyo hammada.

Ukunta:

Waxaa ku jiro fiitamiinnada B6 iyo B5 kuwaas oo isku dheelitira hormoonnada lana dagaallama walwalka iyo isku buuqa. Cunista ukunta oo la joogteeyo waxay gacan ka geysataa xoojinta rabitaanka galmada.

Lohodka (oysters)

Lohodka waxa uu ka mid yahay cuntooyinka kordhiyo heerka hormoonka testosterone. Waxaa ka buuxo macdanta zinc oo ka qeyb qaadato soo saarista shahwada. Macdanta Zinc oo jirka ku yaraato waxay sababtaa kacsi darro iyo hammi yari.

Lowska almond:

Lowska nooca loo yaqaanno almond wuxuu u wanaagsan yahay timaha iyo maqaarka, wuxuu la dagaallamaa kolestaroolka xun, waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto waxaa ka mid ah, vitamin E, magnesium iyo fiber kuwaas oo gacan ka geysta wanaajinta galmada.

Mooska:

Wuxuu ku jiraa cuntooyinka ugu fiican ee subaxdii la cuno waxaa laga helaa tamar aad u badan. Waxaa ka buuxdo macdanta possium oo yaraysa waxyeellada milixda ku jirto cuntooyinka aynu cunno. Cunista badan ee milixda waxya yaraysaa in qulqulka dhiiggu uu gaaro xubnaha taranka iyo kacsiga sidoo kale waxay keentaa dibbiro.

Basbaaska:

Basbaaska waxaa ku jirto walxo la yiraahdo capsaicin oo ah waxa u yeela kuleylka, taas oo soo deysa hormoonka endorphin oo kordhiya kacsiga.

Tiinta (figs):

Tiinka waxaa ku jiro amino acids, wuxuu kordhiyaa kacsiga, waxaana lagu cabaa caanaha.

Afakaadhada:

Afakaadhadu waxa ay ka mid tahay noocyada khudradda ee ugu fiican caafimaadka, waxaa ka buuxo folic acid, Vitamin B6, potassium, iyo dufanka Omega-3, kuwaas oo la dagaallama kolesteroolka xu nee jirka.  Waxaa kaloo ka buuxo dufan ka qeyb qaata kordhintta hormoonka testosterone ee ragga,

Kalluunka:

Kalluunka waa cuntada ugu horayso ee laga helo saliida loo yaqaano “Omega 3” oo faa’ido badan u leh jirka iyo maskaxda. Noocyada kalluunka, sida salmon, sardines iyo tuna-da waxay door weyn ka ciyaaraan caafimaadka galmada. Waxaa fiican qofku ugu yaraan 3 cisho toddobaadkii inuu cuno kalluun waliba noocayada dufanka badan leh.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *