Cunnooyinka Ay Haboon Tahay In Biyo Lagu Radiyo Kahor Inta Aan La Karin Iyo Sababta

Ma ogtahay in cunnada oo la radiyo ka hor inta aan la karin ay dhigto mid caafimaad iyo dhadhan macaan leh?

Cunnada oo la radiyo ka hor inta aan la karin waxa ay ka dhishaa bakteeriyadda iyo dulinka jirka cuduradda u keena, waxay yareysaa sunta, waxayna kordhisaa nafaqooyinka ku jira cunnooyinka qaar.

Cunnooyinka ay tahay in la radiyo ka hor intaanan la karin:

Digirta iyo misirta:

Noocyada digirta iyo misirtu waxay ugu horreeyaan cunnooyinka ay tahay in la radiyo ka hor inta aan la karin. Digirta iyo misirta oo biyo lagu radiyo waxay ay yareysaa asiidhka “phytic” iyo maadooyinka kale ee sababi kara cilladaha dheefshiidka. Sida oo kale, waxay yareysaa waqtiga ay ku bislaanayaan, waxayna fududeysaa shiidistooda.

Lawska:

Noocyo badan oo lawska ka mid ah sida ee almonds, cashews iyo walnuts waxaa ku jira walxaha shaqo joojinta ku sameeya dheecaan burburiyeyaasha ee loo yaqaanno “enzyme inhibitors”. Radintu waxay hoos u dhigaysaa xaddiga walxahaas. Waxayna fududaynaysaa
Waxay kaloo radintu jilcinaysaa lawska, taas oo ka dhigaysaa mid si fudud loo cuni karo.

Badarka:

Badarka sida qamadiga, boorashka (oats) iyo heedda waa in biyo lagu radiyaa ka hor inta aan la karin. Tani waxay yareynaysaa xaddiga asiidhka “phytic” iyo “enzyme inhibitors”. Waxay kaloo yareynaysaa waqtiga badarku ku bislaanayo, waxayna ka dhigaysaa mid jimicsan oo si fudud loo calaalin karo.

Bariiska:

Bariiska waa in la radiyaa ka hor inta aan la karin sababtoo ah waxaa ka yaraanaya maadada “arsenic” iyo walxaha kale ee sunta ee ku jira bariiska. Sida oo kale, radintu waxa ay yareynaysaa waqtiga uu karsamayo, waxayna bariiska ka dhigaysaa mid si fudud loo shiidi karo.

Ugu dambeyntii, radintu waxa ay caawisaa burburinta barootiinnada iyo kaarbohaydareetyada ku jira cunnooyinka qaar ee aan si fudud jirku u nuugi karin, waxayna fududeysaa cunno shiidista. Cunnada oo la radiyo ka hor inta aan la cunin waxa ay ka  dhigaysaa mid aan caafimaadka dhibaato ku ahayn, waxayna kordhinaysaa nafaqooyiinka iyo dhadhanka qaar badan oo ka mid ah cunnooyinka.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *