Cunista Maskaxda Ariga Iyo Caafimaadka

Bismillah,

Maskaxda xoolaha meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa laga cunaa, iyadoo biyo lagu kariyay ama saliid lagu shiilay, dhadhankeedu waa sida birta oo kale, dad badanne ma jecla inay cunaan.

Maskaxda boqolkiiba 30% waxay ka koobantay dufan weliba nuuca loo yaqaano “DHA”, kaasoo muhiim u ah jirka bini’aadanka khaasatan dhinaca maskaxda, waxay maadadaan kobcisaa shaqada iyo firfircoonida maskaxda.

Diraasad lagu sameeyay dadka qaba xanuunka niyad jabka “Depression”, waxaa lagu arkay in maadadaan “DHA” ay aad ugu yar tahay maskaxdooda, taasoo loo fahmay kullamaa ay maadadaan maskaxda ku yaraato kullamaa unugyada maskaxda ay howlgabaan.

Maadadaan “DHA” waxay aad muhiim ugu tahay caruurta koraysa iyo hooyooyinka uurka leh.

Faa’iidooyin kale oo ay cilmibaarayaashu sheegeen ma jirto, inkastoo bulsho walba ay sheegto in faa’idooyin dheeraad ah laga helo laakiin ma ahan wax cilmi ku dhisan.

Ma jirtaa xanuuno iyo cudurro laga qaado cunista maskaxda?

Markii laga tago dufanka “DHA” ee faa’idada leh, waxaa kaloo maskaxda ka buuxa dufanka kolestaroolka kaasoo caafimaadka u daran sidaa darteed dadka dhiig-karka iyo kolestaroolka qaba waxaa looga digaa inay cunaan maskaxda xoolaha.

Waxaa kaloo jirta cabsi ku aadan in cunista maskaxda laga qaado xanuuno xoolaha kaga dhaco maskaxda khaasatan lo’da kaasoo loo yaqaano “variant Creutzfeldt-Jakob disease”, xanuunkaan oo aan wax daawo ah loo haynin illaa iyo hadda, laakiin weli xoolaha ariga laguma sheegin.

Ma jirtaa cunnoooyin kale oo laga helo karo maadadaan “DHA”?

Haa, DHA waxaa kaloo laga helaa kalluunka nuuciisa dufanka leh, ukunta inkastoo ay maadadaan ku yar tahay, cagaarka biyaha ka dul baxa ee “Algae” iyo burka / qamadiga lagu soo warshadeeyay maadada “DHA”

Talada SomaliDoc:

  • Haddii aad leedahay dhiig-kar, macaan iyo kolestarool ka fogow cunista maskaxda
  • Haddii wadne xanuun leedahay ama miisaankaagu sareeyo, ka fogow cunista maskaxda
  • Haddii xoolaha maskaxdiisa aad cunayso uu jiranaa, ka fogow cunista maskaxdiisa
  • Haddii aad maskaxda cuntid midka Ariga cun, kan lo’da ka fogow

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc.com

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *