Cuncunka Qubeyska Kadib

Cuncunka qubeyska, xasaasiyadCuncunka la dareemo qubeyska ka dib waa arrin ay ka shegtaan dad badan, waana lagu kala duwan yahay sababta keento. Cuncunka waxaa ka dareemi kartaa meelo jirka ka mid ah ama jirka oo idil.

Asbaabaha keeni kara arrintaan:

  • Qubeyska biyaha kulul: biyaha kulul waxay dadka qaar u keenaan maqaarkooda qallayl dhakhso ah, waana sababta ugu badan ee loo dareemo cuncun qubeyska kulul ka dib.
  • Saabuunta ama shaambada oo la badalo, fadlan ka fogow in aad joogto u badasho waxyaabaha lagu qubeysto, maxaa yeelay waxaa ku jira waxyaabo kiimiko ka samaysan oo jirkaaga dhibsan karo.
  • Maadada “Laurrul Sulfate”: maaddo la yiraahdo “lauryl sulfate” oo laga soo saaro geedka qumbaha oo dadka qaar xasaasiyad ku qabaan, shirkado badan ayaa maadadaas ku soo daro waxyaabaha lagu qubeysto.
  • Biyaha aad ku qubeysatay haddii ay yihin kuwa milixa ama cusbada ku badan tahay waxay jirka ku reebaan dahaar yar oo cad oo keena cuncun badan.
  • Haddii aad xasaasiyada u nugushahay waxaad ka qaadi kartaa shukumaanada iyo marooyinka lagu tirtirto qaarkood. iska ilaali in aad ku tirtirato shukumaanda la carfiyay ama duugga noqday ama qof kale isticmaalay
  • Nafaqo darrida: haddii ay kugu yartahay macaadinta jirka qaarkisi u baahan yahay waxaad dareemi kartaa cuncun joogto ah, wuuna darnaan karaa markaa qubaysatid.
  • Haddii aad joogto u qubaysatid maalintii 3 jeer iyo waxii ka badan waxay jirka ku yaraysaa saliidii iyo dufankii eebe ugu tala galay ee qanjirrada soo saarayaan, taasina waxay keentaa kor qallayl iyo jeexjeex iyo xasaasiyad.
  • Haddii aad qabtid xasaasiyad guud oo aad dhibsatid biyaha kulul ama waxyaabo kalaba, sida dadka gacmaha jeexjeexmaan markay biyo muddo ku dhex jiraan oo kale.
  • Haddii aad qabtid xanuunka xasaasiayda biyaha laga qaado ee loo yaqaano “aquagenic pruritus” waa jirka oo difaac galo markii dhidid ama biyo qofka gaaraan, wuxuu qofak dareemaa cuncun siyaado ah laakiin jirka isma badalo, nabro ma yeesho mana gaduuto.

Sidee looga hortagi karaa cuncunkaan?

Fadlan raac talooyinkaan si aad u yarayso cuncunka qubeyska ka dib.

  • Ku qubeyso biyo qabow ama diiran, ka dheerow biyaha aadka u kulul
  • Ha isticmaalin shaambo ama saabuun aadan horay u isticmaalin haddii jirkaagu ay xasaasiayda u sahlan tahay
  • Haddii aad ka shakisan tahay in biyuhu ay culus yihiin ku rakibo musqushaada qalabka biyaha khafiifiyo
  • Markaa qubeysatid ka dib isticmaal saliid dabiici ah si aad kor qallaylka uga fogaatid, saliidaha aad marsan karto waa macsarada, saliid zaytuunka iwm
  • Ku dadaal caafimaadka maqaarkaaga adigoo ka ilaaliya inuu ku dhaawacmo cimillada kala duwan
  • Haddii aad dareemayso cuncun siyaado ah, si dabiici ah iskaga daawee adigoo ku tirtirta ama ku qubeysto biyo lagu qasay baking soda ama oatmeal-ka, waxaad kaloo meelaha ku cuncunaya marin kartaa liin dhanaanta, haddii aad heli kartid kareem laga sameeyay geedka dacarta waad marsan kartaa.

W/Q: Dr Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *