CUDURKA QAWADKA (Tinea Versicolor): Waxyaabaha Sababa Iyo Qaababka Daaweyntiisa

Cudurka qawadkaQawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa nooc ka mid ah fangaska. Cudurkan wuxuu ku badan yahay dadka waa weyn , mana ahan cudur daran oo dhibaato caafimaad keena.

Qawadka wuxuu keenaa cuncun haddii la xoqana waxa uu isku beddelaa dhaawac, dabadeedna fangas ayaa gaaara jirka waxaana uu sababaa cudur kale oo loo yaqaan “Pityriasis versicolor”.

Qawadka waxaa keeni kara sababahaan:

  • Maqaarka jirkaagu waa nooca dufanka leh
  • Waxaad ku nooshahay dhulalka kulaylaha
  • Waxaad tahay qof dhidid badan
  • Difaaca jirkaaga ayaa hooseeya

Calaamadaha :

  • Baraha waxay noqon karaan kuwo cadaan, pink, guduud ama kafee ah.
  • Way ka khafiifsanaan karaan ama ka madoobaan karaan maqaarka ku hareeraysan
  • Baraha waxay kasoo muuqan karaan qeyb kasta oo jirka ka mid ah laakiin waxay caan ku yihiin qoorta, xabadka iyo dhabarka

Baaritaanka:

Waxaa jira cudurro ay qawadka isku ekaan karaan marka waa in la baraa, hababka baaritaanka waxaa ka mid ah in qolof laga qaado jirka dabadeedna la baaro.

Daawaynta:

Daawaynta qawad,ka waxaa ka koobnaan kartaa kiriim, boomaato iyo shaambooyin dila fangaska oo maqaarka la mariyo. Sidoo kale waxaa jira kiniiyaal loo qaato haduu qawadku aad u daran yahay.

Maareynta qawadka

  • Ka dheeroow waxyaabaha la mariyo jirka dufanka leh
  • Iska ilaali inaad qorraxda isku dhigto
  • Ha xiran dhar aad kuugu dhagan.
  • Xiro dhar ay hawadu ka gudbayso sida dharka suufka ka samaysan si ay u yareeyaan dhididka.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *