Sababaha Keena Cudurka Cagaarshoowga C (Hepatitis C) Iyo Dadka Halista Ugu Jira Inuu Ku Dhaco

Hepatitis C (Cagaarshoowga C):

Cudurkaan waa infekshan uu sababo fayrus, fayruskaan ayaa weerar kusoo qaada beerka wuxuuna sababaa in beerku caabuq ku dhaco. Dadka intooda badan wax calaamado ah kama soo muuqdaan, ama waxaaba la oran karaa dadka qaarkood ma oga in cudurkaan hayo iyo inkale ilaa inta beerka uu kasoo gaarayo dhaawac weyn.
Cudurka cagaarshoow wuxuu leeyahay qaybo badan qeybta cagaarshoowga C waxaa loo tix galiyaa inuu yahay midka ugu khatarta badan.
Waxaa la iskugu gudbin karaa in qofku taabto dhiig ka yimid qof kale oo cudurkaan qaba.

Astaamaha cagaarshoowga C:

Cudurkaan wax calaamado ah oo lagu garto majiraan ilaa uu ka gaarayo xaalad halis ah oo dhaawac wayn laga dareemayo beerka. Balse waxaa jiri kara calaamado yar yar oo dadka qaarkood isku arki karaan sida:

  • Daal
  • Lallabo ama cunto xumo
  • Calool xanuun
  • Midabka kaadidada oo mugdi noqda
  • Qandho
  • Murqo xanuun.

Saan horay u sheegnayba marka cagaarshoowga C uu qofka ku dhaco waxaa calaamadahiisu ay kasoo baxaan waqti danbe oo dhawr sano lagu qiyaasi karo. Waxaana kamid ah calaamdahaas;

  • Qofka oo si sahlan ku dhiig baxa
  • Maqaarka oo cun cuna
  • Dareere caloosha fariista
  • Lugaha oo barrara
  • Miisaanka oo hoos u dhaca
  • Wareer iyo isku dhex yaac xaga maskaxda ah oo mararka qaarkood dhaca

Sababaha cagaarshoowga C:

Cagaarshoowga C waxaa sabbaba fayrus loo yaqaano HCV

Fayruskaan waxaa la iskugu gudbin karaa taabashada dhiiga, hadii aad isticmaashid irbad ama sakiin uu isticmaaalay qof cudurka qaba waxaa sahal noqonaysa inuu cudurku adna kugu dhaco.

Yaa khatar ugu jira cagaarshooga C?

Cudurkaan oo ah mid si sahlan ku faafa waxaa jira dad badan oo halis ugu jira;

  • Hadaad tahay shaqaale caafimaad, siiba hadii ay ku mudday irbad qofqabo soo isticmaalay.
  • Hadii aad qabtid cudurka AIDs ka
  • Hadii aad isticmaashay qalab caafimaad oo si fiican loo nadiifin
  • Hadii aad tahay maxbuus
  • Hadii aad tahay qof xili hore laga badalay xubin jirkiisa kamid ah sida beerka
  • Ilmaha ay dhashay hooyo qabta Cudurkaan

Waa maxay dhibaatooyinka ka imaan kara xanuunkan?

Waxaa jira dhibaatooyin dhawr ah oo ka dhalan kara hadii Cudurkaan uu bukaanka hayo waqti dheer sida 20-30 sano

  • Cudurka loo yaqaan beer subag oo beerka ku dhaca kaasoo shaqada beerka daciifiya.
  • Inuu kansarka beerka kugu dhaco
  • Hadaan la dawayn cagaarshawga C wuxuu sababayaa in gabi ahaanba shaqada beerku istaagto ayadoo beerku noqonayo hawl gab.

Ka hortaga cagaarshoowga C:

Mar walba xusuusnoow kahor tagu wuxuu ka fiican yahay daweenta, sidaa daraadeed ka difaac naftaada cudurkaan adoo qaadanaya talooyinkaan;

  • Ka fogoow isticmaalka dawooyinka wasakhoobay ama dhacay
  • Iska ilaali isticmaalka qalabka caafimaadka oo horay loo soo isticmaalay sida, irbadaha, sakiinta, iyo wixii lamid ah
  • Sida diinteena suuban qabto galmada xaaraanta ah waxaa laga qaadaa cuduro halis ah, cudurka cagaarshawga C waxaa lagu kala qaadi karaa galmada sidaa daraadeed kafogoow galmada xaaraanta ah.

Talo Bixin:

Ugu danbaytii waxaa lagugula talinayaa inaad;

  • iska daysid isticmaalka daroogooyinka halista ah
  • Inaad ku dadaashid nadaafada cuntada iyo biyaha aad cabaysid
  • Inaadan qaadan dawo uusan dhakhtar kuusoo qorin sababtoo ah dawooyinka qaarkood uma fiicna caafimaadka beerka

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *