Cibaadada fekerka By Ciise Wadani

Cibaadada fekerka/fikirka  –   Ciise Waddani

“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda cirarka iyo dhulyowga’iyagoo odhanaya’ rabiyow umaad abuurin xaq darro adaa ceeb ka hufane naga kor yeel cadaabka naarta”  Suuradda al-cimraan Aayadda/191

Waa maxay cibaadada fekerku

Cibaadada fekerku waxa ay ka mid tahay cibaadooyinka loogu dhawaado Alle wayne, waxay xoojisaa cabsida rabbi, waxay baraarujisaa dareenka basharka, waxay saxdaa khaladaad badan oo maskaxeed, waxay door weyn ka qaadataa fahanka awoodda Alle iyo nidaamka isku dhafan ee makhluuqa, waa sababta ay Nabi Muxamed soo saaristiisa ka hor dhamaan cibaadadiisu u ahayd ‘cibaadada fekerka’ xiligii uu ku sugnaa godka xiraa’ .

Waxa jira aayado kawniya iyo iyo aayado quraaniya, aayadaha quraaniga ah waa kuwa ku qoran masxafka ee dastuurka u ah nolosheena, aayadaha kawniga ahna waa makhluuqyadiisa xogtoodu dahsoontahay ama xajmigoodu weynyahay, Aayadaha quraaniga ah waxa laga akhriyaa carrabka aayadaha kawniga ahna waxa laga daalacdaa isha, carabka iyo ishuna waxay labaduba xogta u gudbiyaan qalbiga, sidaa awgeed isha iyo carabkuba waxay ka mid yihiin qalabka maskaxdu ku fekerto, waana ta keentay in akhriska iyo fekerka xidhiidh wayni ka dhexeeyo.

Midhaha cibaadada fekerka

Rasuulkeenu waxa uu inagu yidhi s.c.w “Ka fekera nimcooyinka Alle oo haka fekerina Alle” macnaha nimcooyinka iyo Aayaadkiisa kala duwan oo aad maskaxda ku rog-rogto ayaa ku garansiinaya jiritaanka Alle, jiritaanka Alle oo aad garatana midhaha ka dhalanaya ayaa ah in aad u dhawaato.

Aqoonyahan u dhashay jarmalka oo magiciisa la yidhaahdo Andreas von der Heydt ayaa maqaal uu ciwaankiisu yahay “Maxay waajib u tahay inad hesho wakhti aad ku fekerto ugu yaraan hal saac maalintii ? ” kusoo qaatay in maal qabeenada iyo dadka lagu tilmaamo guulaystayaasha nolosha aduunka sida Mark Zuckerberg iyo Bill Gates ay leeyihiin waxay ugu yeedhaan todobaadada fekerka! ama maalmaha fekerka! Taasoo micneheedu yahay inay maskaxda ka tuujiyaan farsamooyinka horumarka ee ku kaydsan maankooda, iyagoo hab fekerkooda tuul uga dhiganaya waxyaabo kala duwan sida socodka, jimicsiga, iyo akhriska, sidoo kele waxa tusaale noqon kara maal-gashadaha reer maraykan ee ugu guulaha badan dhinaca maal-gashiga mr Warren Buffett kasoo la cadeeyey inu wakhtigiisa 80% uu ku qaato akhris iyo feker.

Maxaa ka dhexeeya akhriska iyo fekerka

Dadka wax ka qora ahmiyadda akhriska 78% waxay faa,idooyinka akhriska kusoo daraan doorka uu ku leeyahay hab fikirka qofka, waxaana la odhan karaa wax akhrisku waa albaab kuu furaya in maskaxdaada ay ku dhex abuurmaan su,aalo aad iska weydiiso abuurka iyo dabeecadda, tasoo islaam ahaan ku jeclaysiinaysaa cidda ka danbeysey abuurka kala duwan ee layaabka leh iyo dabeecadda jiritaanka oo ah Alle s.w.

“Feker hadalkaaga ka hor, akhri fekerkaaga ka hor”  waa weedh halku dhig u ah qoraa  Fran Lebowitz, taasoo micneheedu yahay hadalka inta aanad jeedin waa in aad ka fekerto, halka fekeridda wanaagsani imanayso markad akhrido macluumaad kala duwan kadib,

Sidoo kele kutub badan ayaa laga dhex arki karaa in akhrisku door culus ka qaato kobaca fekeridda, fekeridduna door culus ka qaadato guusha iyo horu marka sida; think and grow rich, Thinkertoys, start with why,Think big, iyo kuwo kele oo aad u badan.

Sidee ayaad u fekeraysaa

Inagu sida aynu u fekerayno iyo waxa aynu ka fekerayno waxa aynu u daba fadhisanaynaa nusuusta sharciga ah iyo fariinta fekerka ku aadan ee inagusoo gaadhay hadalka Rabbi.

Kelmadda feker/fekeraya oo keliya waxay guud ahaan qur,aanka kaga sugantahay 18 aayadood/meelood, halkan kuma wada sharixi doono hase ahaatee tusaale ahaan;

 aayadda 176 ee suuradda al-acraaf iyo aayadda ka horeysaba Alle wuxu kaga waramay aqoonyahan reer banu israa,iil ka mid ahaa, waxaanu Ey ku tusaaleeyey kuwa aayaadkiisa beeniyay kadibna waxa uu aayadda Alle kusoo gabo-gabeeyey “U qeex sheekooyinka si ay u fekeraan”

sidoo kele aayadda 3 ee suuradda Ar-racdi iyo aayadda 2 ee ka horeysaba wuxu Alle kaga waramay macluumaad ku saabsan cirka, carshiga, dhulka, buuraha, wabiyada, iyo habeenka iyo maalinta is daboolaya ee sanqadh la,aanta isku daba maraya waxaanu Alle aayadda kusoo gabo-gabeeyey “Arimahaasi waxay astaamo u yihiin qolo fekeraysa”

sidoo kele aayadda 69 ee suuradda An-naxli Alle wuxuu inooga waramay inu qalbiga shiinida u waxyooday inay guryo ka samaysato buuraha, dhirta, iyo guryaha, kadibna ay cunto midho kala duwan soona matagto cabitaan kala midabo ah, kaasoo daawo u ah dadka waana midka aynu u naqaano malabka waxaanu Alle aayadda kusoo gabo-gabeeyey “Arinkaasi waxa uu astaamo u yahay qolo fekeraysa”

sidoo kele aayadda 21 ee suuradda Ar-ruum waxa uu Alle kaga waramay abuuritaankiisa lamaanaha si ay ugu degaan, dhexdoodana wuxu yeelay jacayl iyo naxariis, waxa aanu Alle aayadda kusoo gabo-gabeeyey “Arinkaasi waxa uu astaamo u yahay qolo fekeraysa”  .

Inagoo ka duulayna hadal haynta quraanka ee kuwa fekeraya waxa inoo muuqda in dhamaan waxyaabaha layaabka mudani aanay khusayn dadka bilaa fekerka ah, hadabo maaha intan oo keliya fariimaha la xidhiidha fekerka ee ku sugan qur,aanka laakiin qur,aanku waxa uu inagu dhiiri gelinayaa in aynu dhulka socono waliba baadhitaano sameyno si aynu waxyaabo qariiba ula kulano kana fekerno, tusaale ahaan;

“Waxa aad ku dhehdaa nabiyow dhulka socda oo eega siday noqotay kuwii xaqa beeniyay cidhibtoodu” Al-ancaam Aayadda 11

“Waxa aad ku dhehdaa nabiyow dhulka socda oo eega siday noqotay kuwii danbiilayaasha ahaa cidhibtoodu” An-namli Aayadda 69

“Waxa aad ku dhehdaa nabiyow dhulka socda oo eega sidu ku bilaamay abuurku” Al-cankabut Aayadda 30

Kuwa dhulka soconaya balse socodkoodu yahay caga daalis iyo madadaalo, ujeedo iyo fiiro ay ku cimro qaadanayaana aan lahayn waa kuwa uu sifeeyey qur,aankan soo socda.  “May dhulka socdaan oo qalbi yeeshaan ay wax ku fahmaan ama dhego ay wax ku maqlaan  arintu waxay tahay araga may beelin ee waxay beeleen araga qalbiga ee laabaha ku sugan” Ar-Xaj Aayadda 46

Sidoo kele waxa door muhima ku leh in aynu makhluuqa u dhug yeelano tusaale ahaan “Miyayna eegayn geela sidaanu u abuurnay” Al-qashiya Aayadda 17

Aayadaasi waxay ina faraysaa inaynu fiirino geela dabcan waana fiiro qalbiga ah iyo inad si xeel fog uga fekerto, sida in geela abuurkiisu kasoo jeedo shaydaanka oo xadiis kusoo arooray iyo inu leeyahy dhawr iyo labaatan mucjiso oo midiba mid ka darantahay, kuwaasoo ay ka mid yihiin inu yahay nimcoolayda keliya ee caaneheeda lagu noolaan karo cunto iyo biyo la,aan muddo dheer, midka keliya ee garan kara wadadii uu mari jiray hadii daad ama duufaan baabiiyo, midka keliya ee wax arki kara isagoo indhaha isku haya macnaha baalasha dhexdooda, inu yahay midka keliya ee lagu kala qaadan karo diyada, iwm . laakiin kuwa aan fekerayn keliya waxay u arkaan xoolo kurus leh.

Gebo-gebo: Caqligu waa deeq Alle oo waajibkoodu yahay inad ku fekerto kuna horumariso aragtidaada.

Qalinkii:  Hal-Abuur  Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *