Health

Faa’idooyinka Xulbada Ay U Leedahay Ragga Iyo Dumarka Iyo Qaababka Ugu Fiican….

faaidada xulbada,

Xulbadu waa mid ka mid ah geed daweedyada ugu qadiimsan caalamka, waxayna ka mid tahay dawo dhaqameedyada shiineeska iyo Hindidu ay muddo dheer isticmaali jireen. Cilmiga casriga ah ayaa qiray in xulbadu ay tahay geed daweed waxtar badan, waxa ay xambaarsan tahay nafaqooyin muhiim ah sida macdanaha potassium, magnesium iyo phosphorous, waxaa kaloo ku badan faybar iyo barootiin. Hadaba qormadeenaan …

Read More »

Naas Nuujinta Xilliga Soonka: Talooyin Ay Tahay Inay Raacdo Hooyada Ilmuhu Jaqo Ee Soomaysa

naas nuujinta soonka, hooyada ilmaha nuujisa,

Waxaa jira hooyooyin badan oo carruur jaqsiiya naaska, laakiin jecel in ay soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan, kuwaas oo warwar badan ka qaba in soonku raad ku yeesha caafimaadka hooyada ama caafimaadka ilmaha ay jaqsiinayso. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin caafimaad oo ay dhakhaatiirta takhasuska ahi u diyaariyeen hooyada ilmuhu jaqo ee doonaysa in ay soonto, kana warwarsan caafimaadka …

Read More »

5 Qaab Oo Loo Daahiyo Soo Shaac Bixidda Calaamadaha Gabowga

calaamadaha gabowga, gabow

La dagaalanka calaamadaha gabowga oo inta badan dadka ku bilowda da’da afartanaadku waxa ay ka mid tahay arrimaha kharashaadka ugu badan dunidu ku bixiso. Kiriimo, farsamooyin qurxineed iyo qalniinno dhammaantood lacago badani ku baxaan ayaa ay dadku kula tacaalaan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tallaabooyin ay khubaradu ku talinayaan in qofku u raaco dagaalkiisa ka dhanka ah gabowga, weliba …

Read More »

CATARACT: Symptoms, Causes And Treatment

eye cataract symptoms,

If you are over 60 years old and have noticed that your vision has become fuzzy or foggy, you may have cataracts. It’s a fairly common problem among older folks, and your eye doctor can treat it. What IS a Cataract? A cataract is an eye problem that typically develops when the lens present in your eye becomes foggy.  The …

Read More »

CALOOL ISTAAGA: Xaaladaha Keena Iyo Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo

CALOOL ISTAAGA, CALOOSHA,

Waxa aynu maanta taxanaheenii caafimaad ku gorfayn doonaa calool istaaga. Calool istaag waxa loo yaqaanaa marka uu qofku saxaroodo 3 goor ama ka yar todobaadkii. Calool istaaga ayaa ah xaalad caafimaad oo aad caan u ah isla markaana dadka intooda badan ugu yaraan mar uun soo marta/martay noloshooda. Calool istaagu waa astaan ka mid ah astaamaha cuduro kala duwani muujiyaan …

Read More »

Noocyada Gaas Calooleedka (Gastiriga), Dhibaatooyinkiisa Iyo Sida Ugu Haboon Ee Looga Hortagi Karo

gastiriga, gaas calooleedka, bakteeriyada caloosha, gaaska,

Cudurka ay soomaalidu u taqaano gastirig wuxuu ku bilowdaa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, iyo qeybta ugu horeysa ee xiidmaha yar yar ee loo yaqaano duodenum. Waxaa badanaa caabuqaan keena bakteriyada loo yaqaano H. Pylori iyo aashitada caloosha oo xaalufisa lakabyada maqaarka ee caloosha, taasoo sababta in xuubka jilicsan ee calooshu uu dhaawacmo kadibna qofku uu damqasho dareemo mar …

Read More »

Dadka Qaba Cudurka Macaanka Iyo Soonka

cudurka macaanka, soonka

Ramadaan Mubaarak. Akhriste, waxa aynu qormada maanta ku lafa guri doonaa mid ka mid ah cudurada lala noolaado kaas oo ah macaan ka. Macaanka ayaa noqda dhawr nooc oo ay ugu caansan yihiin Type-1 iyo Type-2. Nooca labaad ayaa ah kan aynu maanta faaqidayno. Noocan ayaa ah mid aan si rasmi ah ugu tiirsanayn qofku in uu qaato insulin. Waxa …

Read More »

SHUBANKA: Sababaha Keena, Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo

shubanka badan, caloosha,

Shubanka waa xaalad saxara jilicsan oo joogta noqoto, caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo. shuban waxaa lala xiriiriyaa amaba keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuno lagu sumoobay. Marka uu xanuunka shubanku raago sida caadiga ah waxa ay ka dhalataa cudur ama xanuun ku dhaca mindhicirada. Shubanka waa dhibaato ay la kulmaan dadka badankooda …

Read More »

Noocyada Xanuunka Qalalka, Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa

Xanuunka qalalka (epilepsy) waxaa sababa qalad ka dhaca habka dareemayashaa dhexyaalka ah, taasoo sababeysa in carqalad ay ku timaado shaqooyinka neerfayaasha, arintaan waxey dhalineysaa qallal, ama waqti kooban oo qofku dareemo dareeno kala duwan iyo in qofku uu si kumeel gaar ah u miyir daboolmo. Astaamaha qallalka waa kuwo si weyn u kala duwanaan kara inta badan, dadka qaar wuxuu …

Read More »

Habka Loo Maareeyo Raaxa La’aanta Ka Dhalata Laab Jeexa

LAAB JEEXA, LAAB DILAACA,

Maaraynta Laab Jeexa: Ma dareentaa laabjeex? Haday jawaabtaadu haa tahay, waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo inaad sameesid waa inaad isbadal ku samaysid waxa aad cunaysid iyo hab nololeedkaaga. Dib u habeyn ku samee waxa aad cuneysay Dooro oo cun cuntooyinka dufanku ku yaryahay. Tusaale ahaan hilibka digaaga wuxuu leeyahay maqaar dusha sare kaga dahaaran oo dufan badan u yeelaya …

Read More »

Calaamadaha Xanuunka Qaaxada Ama Dhaxanta (TB) Iyo Dadka Halista Ugu Jira

calaamadaha xanuunka qaaxada,

Waxa aynu qormadeena maanta ku falanqayn doonaa xanuunka qaaxada ama TB-da. Xanuunkani waxa uu ku dhici karaa badi xubnaha jidhkeena. Waxa aynu si gaar ah ugu eegaynaa qaybteenan maanta dhaxanta (pulmonary TB). Cudurkani waa mid ka mid ah kuwa laga bogsado isla markaana ku jira xanuunada ugu badan ee faafa, keenana dhimasho aad u badan. Cudurkani waxa uu aad ugu …

Read More »

Sida Loo Dheeraado Iyo Cuntooyinka U Fiican Kordhinta Dhererka & Joogga

sida loo dheeraado, dhererka,

Jacaylka uu aadamuhu u qabo dhererka waa arrin laga wada siman yahay rag iyo dumarba. Dadka qaar ayaa walaac ka qaba dhererkooda, waxay dareemaan khajilaad marka la weydiiyo cabbirka dhererkooda, haddii lagu foorjeeyo gaabnidoodana cuqdad ayaa gasha. Maxaa saamayn ku leh dhererkaaga? Gaabnida iyo dhererka waa arrin Alle u khaas ah oo hidde ahaan aad waalidkaaga uga dhaxashay. Daraasado lagu …

Read More »

Hababka Sare Loogu Qaado Quruxda & Caafimaadka Ilkaha

quruxda ilkaha, caafimaadka ilkaha,

Ilkuhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah jirka aadanaha kuwaas oo qabta shaqo aan xubnaha kale ee jirku qaban karin, ilkuhu waa xubnaha inoo sahla inaan wax cuno, waxay kaloo noo sahlaan inaan dhoola cadayno ama qosolno, sidoo kale ilkuhu waxay kaqayb qaataan quruxda qofka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis u maleeyaan in ilkuhu yihiin wax aan …

Read More »

Xanuunka Loo Yaqaanno Burunkiito, Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa

burunkiito, boronkiito,

Burunkiito waa caabuq ku dhaca labada dhuumood ee u dhexeeya hunguri cadaha iyo sambabada, kaas oo hawada gaarsiiya labada sambab. Waxaana loo qaybiyaa laba qeybood oo kala ah, midka koowaad oo ah midaan waqti badan aan qaadan (acute bronchitis) iyo kan labaad oo ah mid raaga muddo badan (chronic bronchitis). Dadka qaba xanuunkaan waxay caan ku yihiin qufac iyo xaako …

Read More »