Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan & hadiyado loo keenay. Laba usbuuc ka dib ayay heleen casumaad laba ticket oo ah goob madadaalo oo qaali ah. Waxaa baqshada la socday warqad yar oo ay ku qoran tahay hal jumlad, “Bal garta qofka idiin soo diray.” Lamaanihi ayay ku riday arrintan xiiso …
Read More »Bulshada
XUSUUSIN YAR
Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu soo xaadiray ( yimid) aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin oday ahaa oo ay isgaranayeen ( isyaqaaneen) , su’aashuna waxa ay ahayd – Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ? Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa …
Read More »Ducada Hurdo La’aanta Iyo Soo Jeedka
Wuxuu leeyayahay asxaabiga la yiraahdo zayb binu thaabit RC Nebigii Ilaahay ayaan u sheegtay oo cabasho u gudbiyay anigoo ka cabanaya soo jeed igu dhacay oo habeenkii oo dhan waan galgalanayaa oo hurdadii baan raadinayaa, hurdo ma helayo. Markaas ayuu nebigu baray ducadii uu akhrisan lahaa ee uu uga bogsan lahaa cilladaas ama xanuunkaas. waana ducadaan: Ilaahow xidigihii waa dhaceen, …
Read More »Murti iyo Madadaalo
1. Kolki uu rabo inuu aamus ku yiraahdo haweenay, ninka caadiga ah wuxuu ku yiraahdaa “Naga Aamus” ninka caaqilka ah wuxuu ku dhahaa “Bushimahaaga aad bay u qurux badan yihiin marki aad isku qabato!” 2. Sida loo xusho saaxiib fiican sanadahan dambe; Haddii saaxiibkaa ku hilmaansiiyo mobile-ka in aad eegto waa saaxiib fiican, laakiin haddii aad mobile kaga mashquusho waa …
Read More »Hamaansiga iyo xikmadda ku jirta in afka gacanta lasaaro
Hamaansigu, waa hawlqabad iyo ficil aan doonis ku iman, ee mar qudha kusoo booda qofka, oo waadigaa is arkay, adigoo marqudha afka gacanta kula booday, ama haddaad kawahsatana waadigaa sidii libaax afka kala waaxay , ee ilaa gawsuhu ku muuqdeen Haaaaaaah………….. Hamanaasigu, waa neef-qaadasho dheer oo afka ah, oo ay hawo kabuuxsanto sanbabada, waxana inta ugu badan keena oo sabab …
Read More »Waa Maxay Jaceyl?
Goortii gabar yar isugu geyso energy-geeda oo dhan si ay Aabaheed u dhunkato; Taasi waa Jaceyl Goortii Xaas intay Shaah u kariso Saygeeda ka dibna kabato si ay uga dhadhamiso; Taasi waa Jaceyl Goortii Hooyo ay siiso wiilkeeda Doolshada “Cake” ugu wanaagsan; Taasi waa Jaceyl Goortii saaxiibkaa gacanta si adag kuu qabto si qoyaanka wadada aadan ugu siiban/kufin; Taasi waa …
Read More »Qaawanaan Qurux Maahan, Talo ku socota Dumarka
Quruxda dumarku ma aha dharka ay xirato, jismiga ay xambaarsan tahay, waxa ay dhabankeeda ku dhaashato, iyo habka ay u shanleysato timaheeda. Quruxda dumarka waa in ay ka muuqato gudaha indhaheeda, sababtoo ah taasi waa irridka Qalbigeeda. Quruxda dumarku ma aha bar (dhibic madow) oo dhabanka ku taal, qeyb jirka ka mid ah oo la baneeyo, balse quruxda dhabta ah …
Read More »Xikmado Xaqiiq Ah
1. Qofna ma aha qof dhameystiran oo ceeb ka saliim ah Dunidan. Hadii aad kaga fogaato dadka qaladaadkooda, waxaad weligaa keli ku ahaaneysaa Aduunka. Xukmi wax yar, Jeclow wax badan 2. Geesinimadu ma aha in aadan cabsan. Geesinimadu waa in aadan u oggolaan cabsidaada in ay ku joojiso 3. Mar kastoo aad is tiraahdo maanta maalin xun ayay ii tahay, …
Read More »12 Sumadood oo uu leeyahay Xidhiidhka Caafimaadka Qaba
Ma jiro xidhiidh dhan walba ka fayow oo ka bed qaba. xidhiidh walba waxa uu leeyahay dhaliilo iyo meel uu u nugul yahay, hayeeshee waxaa jira xidhiidh aad u caafimaad qaba oo ay yartahay iimaha uu leeyahay isla markaana noqda xidhiidh labada dhinacba ka miisaaman oo dhaabad adag leh. Halkan waxaa ku xusan 12 sumadood oo uu leeyahay xidhiidhka Faya-qabkiisu …
Read More »Ugaar ah Guurdoonka Ama gayaanka is raba.
Labada qof ee raba in ay xidhiidh hasaawe, oo ay nolol ku wadaagan sameeyaan waa in ay haasawahooda ku dhisaan qodobadan. 1. In ay yihiin laba qof oo madax bannaan (Qofna aannu qof kale ku xidhnayn ama sheeko wadaag la lahayn) Tusaale ahaan wiilku marka uu rabo in uu gabadh la haasawo waa in aannu inan kale haasawe la lahayn, …
Read More »Alle Talo Saaro mar kasta!
Lamaane markaa is guursaday ayaa ku socdaalay doon yar si ay magaaladoodi ugu noqdaan. Durbadiiba, dabeyl aad u weyn ayaa badi kicisay, doontina rogi rabtay. Ninku wuxuu ahaa nin adag oo karti badan wuxuu muujiyay deganaan & xasilooni, gabadhi ayaa baqday, quusna is taagtay. Iyadoo gariireysa ayay tiri, “miyaadan adigu baqeyn? Tan waxay noqonaysaa xilligi nolosheena ugudambeysay, maxaa doontan na …
Read More »Weedho Wacan oo Waxtar Leh
1. Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Marnaba ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub. 2. Haddii dhibic biyo ah ku dhacdo Haro, muuqeedi wuu lumayaa; Haddii ay ku dhacdo caleen geed Ubax ah, aad bay u iftaa; Dhibicdu waa isku mid; laakiin wehelka, halka ay …
Read More »Ubadkaagu Way Kuu Ekaanayaan
Kusoo dhawaada barnaamijka Xusuus qor dhakhtar ilkood ee ay soo diyaariyo Drs. Hibaaq Buubaal, qeybtaan ayay dhakhtaradu fariin ugu diraysaa waalid kasta. Daawasho wacan:
Read More »Qiso Aad Qalbiga U Taabaneysa
Wuxuu dhalay afar caruur ah, wuxuu ahaa nin dan yar ah. Wuxuu rafaad badan u maray siduu u korin lahaa, Waxbarashana u heli lahaayeen. Isagoo uurka ka gubanaya ayuu afka uga dhoolacadeyn jiray sii uga ilaaliyo inay wejigiisa murugo ka aqristaan. Maalmaha qaar waxa yar uu soo helo ayuu cunto ugu soo iibin jiray, isagoo u baahan ayuu ku oran …
Read More »Ka Faaidayso Xikmado Dhaxalgal Ah
1. Geedka waxaa lagu qiimeeyaa miraha ama harka uu bixiyo, bini’aadanka waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marnaba ma khasaaro; Qofka beerta aadaab & hab dhaqan wanaagsan wuxuu gurtaa miraha xushmada iyo jaceylka dadka u hayaan 2. Ka fogow Xanaaqa, adiga keliya ayay ku dhaawacaysaa. Maxaad la caroonaysaa? Hadii aad saxsan tahay looma baahna in aad carooto, hadii …
Read More »
Daryeel Magazine