Cabitaannada Sonkorta Badan Leh Ee Ay Dhaqaatiirtu Ka Digeen

Sonkortu kuma jirto cuntooyinka uu jidhku nafaqada ka helo, sidaas awgeed caadi ahaanba qofku uma baahna isticmaalkeeda. Dhinaca kalana baadhitaannada cilmi ee la sameeyey waxa ay muujiyeen in sonkortu ay dhaawac weyn u geysataa caafimaadka qofka. Waxaa ka mid ah in ay culays ku keento Beerka.

Daraasad ay jaamacadda Maraykanka ee Harvard samaysay ayaa lagu ogaaday in beerku uu sonkorta ula macaamilo sida Alkahoosha, waxa aanay sababtaa in dufan badani uu Beerka ku ururo, ugu dambaynta uu noqdo xaydh ama xanuunka beer subagga, waxa kale oo ay ku keentaa xanuunka macaanka, iyo in ay kor u qaado khatarta ah in qofka uu wadne xanuun ku dhaco.

Sonkortu waxa ay keeni kartaa dhiigkar, miisaanka oo kordha, gaar ahaan sonkorta ku jirta cabitaannada soodhaha leh.

Haddaba, cabitaannada sonkorta ugu badan laga helo ee ay dhakhaatiirtu ka digeen iyo xaddiga nooc kasta ku jiraa waa:

  1. Sharaabka khudradda ah ee warshadda: 4 illaa 9 Malqacadood
  2. Sharaabka tamarta (Energy): 10 malqacadood.
  3. Sharaabka soodhaha leh: 11 Malqacadood

Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *