Xanuunka Qumanka: Sababaha Keeno, Calaamadihiisa Iyo Qaabka Looga Hortagi Karo

Qumanka waa qanjirada ku yaala xaga danbe ee cunaha, waxa ay ka hortagaan cudurada soo weerara jirka waa difaaca ugu horreeya ee jirka intiisa kale. marka uu infekshan amaba caabuq haleelo dalqada waxaa loo yaqaanaa xanuunka Qumanka.

Qumanku waxa ay ku dhici karaan qof kasta,  in kastoo ay caruurta ay ubadan yihiin. astaamaha qumanka waxa ka mid ah oo lagu gartaa cunaha oo xanuuna, quman-ka oo barara iyo qandho. Xaaladaan waxay sabab u noqon kartaa in feyruska iyo bakteeriyada ay jirka si fudud ku galaan. Waxaa si fudud lagu baaraa oo lagu ogaada caabuqa qumanka. Marka la daweeyo astaamahana waxay ku baxaan muddo 10 maalmood gudaheeda.

Maxaa Sababa xanuunka qumanka

Qumanku waa difaaca ugu horeeya ee jirka,waxaa ku xareesan unugyada cad cad ee dhiiga oo ka hortaga in jirka ay soo galaan cudur sababa yaal sababi kara in jirka uu ka dhaco caabuq, lakiin qumanka qudhooda waxay unugul yihiin caabuqa kaga imaanaya ilma qabatada. Qanjaha oo barara waxaa keena fayrus sida hargabka  amaba caabuq ay bakteeriya keentay .

Astaamaha qumanka

Waxaa jira astaamo badan oo la xiriira caabuqan waxaana ka mid ah:

  • Laqitaanka oo dhib noqda
  • Cuna xanuun
  • Quman-ka oo barara
  • Lallabbo ama matag
  • Qoorta oo adkaata
  • Qandho iyo qarqaryo
  • Dhago xanuun
  • Dalqada oo dhibco cadaan ka soo muuqdaan
  • Cunno xummi

Xanuunka qumanka oo soo laalaabta wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka uu ugudbo xubnaha kale ee jirka ka tirsan sida wadnaha ama kilyaha.

Sidee Looga Hortagi Karaa

Caabuqa qumanka ku dhaca way sahlan tahay inuu faafo, si hoos loogu dhigo in ay jirkaaga soo weeraraan ilma qabatada, waxa haboon in aad ka fogaato dadka qaba caabuqa qumanka. Gacmahaagana si joogta ah u nadiifisid gaar ahaan kadib marka aad la kulanto qof qaba dhuun xanuun, qufac, hargab.

Hadii aad qabto qumanka ka fogoow dadka kale ilaa iyo mar danbe. Mar walba ha hilmaamin in aad dhaqtarkaaga kala tashatid xaaladaada cafimaad.

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *