Baro Sida La Iskugu Caateeyo Quraac Ka Samaysan Boorash, Malab Iyo Muus

Waxaan akhristayaasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com la wadaagaynaa sida la iskugu caateeyo quraac ka samaysan boorash, malab iyo muus.

boorash-Boorashku (porridge) Waxaa laga sameeyaa sareen ( oats) quraacda ayuu u wanaagsanyahay waxuu dhisaa murqaha waxuuna yareeyaa xeyrta, marka aroortii la soo tooso oo aad u cunto quraac ahaan wuxuu kaa caawiyaa in aad mudo aadan gaajoon, boorashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay ku taliyaan khubarada miisaan dhimista si cayilka loo yareeyo.muus

-Moosku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood (SUGAR) oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano fiber waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jirka. Sidoo kale muuska waxaa ku jira B vitamins ay ka mid yihiin thiamine, riboflavin, niacin, folate and B-6 oo subaga iyo borootiinka u badala tamar ama energy taasoo u fiican miisaan dhimista.malab

-Malabka waxaa uu ka qeyb qaataa dhimista miisaanka jirka , tusaale hadii aad biyo diiran oo lagu daray liimo dhanaan aad cabtid aroor kasta ama aad ku darsato boorash waxay kaa yaraynaysaa baruurta.

Waxaad u baahantahay :

  • Koob barkiis oo caano ah (caano aan subag lahayn/fat-free milk)
  • 2 qaado ama malqacadood oo malab ah
  • koob barkiis boorash ah
  • 1 muus ah

 

Alaabta kor ku qoran baaquli ku wada rid  oo microwave-ka geli  adigoo u daynaya mudo 2 daqiiqo ah malabka gadaal uga darso kadibna isku walaaq , kadibna cungreen-banana-porridge

Si joogto ah ugu quraaco, way fududahay sida loo diyaariyo dhadhankeedu aad ayuu u macaanyahay, caafimaadkana way u wanaagsan cayilkana way ka dhimaysaa insha Allah

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *