Bakteeriyada Gaastriigga Keenta Ee Helicopter Pylori

Infekshanka H.pylori ayaa ah mid ka mid ah waxa sababa gaastriigga, boogaha caloosha iyo mindhicirada

Infekshanka H.pylori wuxuu dhacaa marka noocyo geermis ah ama bakteeriyo ah oo loo yaqaan Helicopter pylori ay ku dhalato caloosha. Waxayna arintaan badanaa dhacdaa xilliga caruurnimada. Caabuqa ay sababto h.pylori wuxuu sababaa xanuunka loo yaqaan boog calooleedka, ama boogta xiidmaha iyo boogta caloosha oo soomaalidu u taqaan gaas.

Dadka badankoodu ma ogaadaan in ay qabaan infekshanka h.pylori, sababtoo ah kuma keento xanuun. Hadii aad isku aragtid calamadaha gaaska, dhakhtarkaagu wuxuu ku qasban yahay inuu kaa baaro bakteeriyada h.pylori. Hadii aad qabtid infekshanka h.pylori waxaa lagu dawayn karaa dawooyinka loo yaqaan qalajiyaasha

Maxaa sababo infekshanka H pylori?

Wali ma cada sababta dhabta ah ee keenta infekshanka h.pylori. Balse waxaa la og yahay in bakteeriyada h.pylori saamayn badan ku lahayd nolosha aadanaha kumanaan sano kahor. Infekshanka ay sababto bakteeriyadan waxaa la iskugu gudbin karaa siyaabo badan oo ay kamid tahay, dhunkashada afka la iska dhunkado, waxaa sidoo kale la iskugu gudbin karaa saxarada dadka oo si khaldan ugu dhex mil mata cuntada iyo biyaha dadku isticmaalaan, iyo dadka oo aan gacmaha iska nadiifin markay suuliga isticmaalaan.

Bakteeriyada h.pylori waxay saamayn wayn ku yeelataa xuubka caloosha waxayna soo daysaa dheecaano dhex dhexaad ka dhigi kara aashitada calooshu soo dayso oo aad u awood badan. Dheecanada H.pylori soo dayso iyo aashitada calooshu waxay dhaawac u gaystaan xuubka jilicsan ee caloosha, dhaawacaas oo ugu danbayn keenaya in xiidmaha iyo calooshu yeeshaan boog aan waqti yar ku bogsoon karin.

Astaamaha infekshankaan

Dadka badankoodu ma dareemaan astaamo lagu garan karo infekshanka h.pylori. Balse marka infekshanka h.pylori noqdo mid caloosha ama xiidmaha boog ku sameeya, markaas ayaa dadka badankoodu dareemaan calaamado ama astaamo run ah. Astaamahaas waxaa kamid ah:

calool xanuun khaas ahaan marka calooshu marantahay ama wax yar kadib marka qofku cunto cunno. Xanuunkaas waxaa lagu qeexi karaa mid marna tagaya marna soo laabta. Hadii qofku qaato dawooyinka yareeya aashitada caloosha badanaa astaamahu way yaraadaan.

  • Daaco badan
  • Lalabo ama matag
  • Abateedka oo yaraada
  • Miisaanka oo yaraada
  • Afka oo ura

Sidee looga hortagi karaa H pylori

Ka hortagu wuxuu mar walba ka fiican yahay dawaynta. Hadii aad doonaysid inaad kahortagtid H.pylori raac qodobadaan.

  • Dhaq gacmahaaga markaad kasoo baxdid suuliga, iyo intaadan cuntada bilaabin. Sidoo kale bar ilmahaaga sida loo dhaqdo gacmaha loona dilo germska.
  • Ha cabin hana cunin cunto ama biyo aan nadiif ahayn
  • Sifiican u kari cuntada ciiriinka ah
  • Iska ilaali inaad cuntid cuntooyinka ay kariyeen dadka aan dhaqin gacmahooda

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *