Asbaabaha Dadka Caqliga Badani Ay U Jecel Yihiin Gooni U Joogga

dadks caqliga badani

Kelinimada (loneliness) waxaa lagu macneeyaa qofka oo bulshada ka fuquuqma. Dadku waxay ku nolaan nolol ay keligood yihiin iyaga oo aan dareemin cidlo ama iyagoo ku nool nolol ay bulsho badani ku hareeraysan tahay ayay haddane dareemi karaan kelinimo.

Daraasad lagu daabacay Joornaalka cilmu-nafsiga ee Biritan ayaa lagu sheegay in dadka fariidada ah aysan farxad badan ka helin marka ay dad badan ku dhex jiraan.

Daraasadu waxay tilmaamaysaa in dadka caqliga badani sababta ay u jecel yihiin gooni u joogga ay tahay inay badato farxadooda nolosha. Haddaba waa maxay xiriirka ka dhexeeya gooni u joogga iyo fariidnimada?

Dadka maskaxda badan waxaa lagu yaqaannaa in ay jeclaadaan gooni u joogga iyo in waqtigooda ay gaarkooda u qaataan.

Waa kuwaan sababaha dadka caqliga badani ay u jecel yihiin gooni u joogga:

Aragtiyaha:

Dadka caqliga badan waxay jecel yihiin inay dhinacyo badan wax ka eegaan, sida darteed si ka duwan sida dadka kale ayay u qiimeeyaan dhacdooyinka iyo waxyaabaha kale nolosha. Waqtigooda ugu badan waxay geliyaan inay wax bartaan oo ay koraan, sidaas darteed waxay faa’idaan aragtiyo ku aaddan nolosha taas oo qaabaynaysa hab fikirkooda. Tan waxay ku gaari karaan marka ay ka dhex baxaan buuqa dadka ayna waqtigooda geliyaan inay waxyaabo cusub kororsadaan.

Qorsheyaashooda ayay waqti u helayaan:

Dadka caqliga badan waxay jecel yihiin in ay gooni noqdaan oo hawlahooda qabsadaan ama ka fikiraan hadba qorshayaasha ay doonayaan. Waxay kaloo jecel yihiin inay si taxadar leh uga fikiraan go’aamadooda. Waxay raadiyaan wadooyin ay ku gaari karaan qayb kasta oo qosheyaashooda ka mid ah iyo sidii dedaalkoodu uu miro dhal u noqon lahaa. Dadka caqliga badan Waa dad hadaf u leh arrin kasta ay ku dhaqaaqaan, uma sameeyaan howlahooda hadaf la’aan iyo way iga qabatay.

Qiimaha naftooda:

Si kasta oo qofku u karti badan yahay, haddana wuxuu u baahan yahay in la dareensiiyo qiimahiisa. Si kastaba ha ahaatee, dadka caqliga badan waxay garanayaan kartiyahooda dadka kalena kama sugaan in ay u sheegaan qiimahooda. Waa dad aad iskugu kalsoon oo iska dhego tira hadallada xun xun ee lagu yiraahdo. Talo qiimo leh oo ay ka helaan saaxiibadooda u dhow ayaa ah waxa ay marmar raadiyaan.

Waxay ka caawisaa inay ogaadaan saaxiibadooda runta ah:

Dadka qaarkood waxay leeyihiin dad badan oo ay macrifo yihiin haddana waxay ku dhibtoodaan inay ogaadaan cidda ah saxiibadooda dhabta ah. Dadka caqliga badan waxay leeyihiin koox yar oo saaxiibbo ah wayna garanayaan cidda ay ku tashan karaan. Ma dareemaan inay u baahan yihiin inay kordhiyaan tirada asxaabtooda iyaga oo aan eegin tayada saaxiibtinnimada.

Akhriso: 6 Astaamood Oo Lagu Ogaado Saaxiibtinimada Runta Ah Ee Waarto

Waxay ka dhigtaa dad wax soo saar leh:

Dadka caqliga badan waxay leeyihiin anshax shaqo wayna raacaan marmarsiyo la’aan. Waxay qiimeyaan waqtigooda iyo wax soo saarkooda, waxayna ka helaan farxad guulaha ay gaaraan. Haa, waa dad macangag ku ah shaqada laakiin marka aysan shaqo hayn waxay door bidaan howlo ay wax akhrintu ka mid tahay si ay kor ugu qaadaan aqoontooda xilliyada firaaqada.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *