Arag Waxa Dhacaya Haddii Cunnada si Boobsiis Ah Loo Cuno

Markasta oo cunto u fariisanno waalidka waxay noo sheegaan inaan cuntada si tartiib ah u cunno, haddaba weligaa ma isweydiisay sababta? Cuntada oo si degdeg ah loo cuno waxaa laga qaadaa cillado dheefshiid, waxay keentaa in miisaanka si aad ah uu kordho, waxay kaloo kordhisa halista wadne xanuunka iyo cudurka sonkorowga.

Dadka qaar waxaa caado u ah inay si degdeg ah wax u cunaan, waxayna noqotay arrin iska caadi ah in boobsiis cunnada loo cuno dunida maanta ee xawaaraha ku socota ee la wada ordayo ee la wada mashquulsan yahay, Runtii waa caado xun oo u baahan in la iska gooyo.

Daraasad lagu sameeyay caruur cunnada si boobsi ah u cuna waxa lagu ogaaday in 60% caruuurtaasi ay cunnada iska badiyaan isla markaana ay khatar ugu jiraan in miisaan xad dhaaf ah uu koro, Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee dadka dunida badankoodu ka cawdaan muddooyinkan dambe, oo la socda qaab nololeedka casriga ah iyo caadooyin cunto qaadasho oo aad loo isticmaalo sida cunnada boobsiiska loo cuno.

Cuntada oo si degdeg ah loo cuno waxay sababtaa inuu qofka cuntada iska badiyo, Marka aad si tartiib ah cunnada u cunto waxay maskaxdaada siinaysaa waqti ay ku soo saarto dareenka dharagta, taasoo kuu sheegaysa inaad joojiso wax cunista. Laakiin marka aad si boobsiis ah u cunto maskaxdaadu ma helayso waqti ay ku soo saarto dareenkii dharagta waxay weli dareemaysaa gaajo, taasina waxay keenaysaa inaad cunnada iska badiso.

Cunnada oo si tartiib ah loo cuno waxay u roontahay caafimaadka dheefshiidka, waxayna ka hortagtaa cayilka badan. Sii akhri faaidooyinka laga helo cunnada oo si tartiib ah loo cuno.

Cirweynida:

Cunnada oo si tartiiib ah loo cuno waxay yaraysaa cirweynida. Maskaxda waxay ku qaadataa 15 illaa 20 daqiiqo inay soo saarto fariinta dareenka dharagta. Cunnada oo aad si tartiib ah u cunto waxay kaa ilaalinaysaa inaad cunnada iska badiso. waxaynaa kaa yaraynaysaa cirweynida ama amateetka.

Dheefshiidka:

Marka aad cunnada si wanaagsan u calaaliso si fudud ayaa loo shiidaa. Marka aad cunnada si degdeg ah u cunto waxay keentaa adigoo aan calaallin inaad laqdo, qaabkaan wuxuu sababayaa in jirkaagu uu nuugi kari waayo fiitaminnadii iyo macdanihii muhiimka ahaa. Cunnada oo aad si tartiib ah u cunto waxay horseedaysaa in dheefshiidkaagu cunnada si wanaagsan u shiido, nafaqooyinkii muhiimka ahaanaa ay jirkaaga galaan.

Xakamaynta miisaanka:

Markaad cunnada si tartiib ah u cunto waxay sababaysaa wax yar inaad cunto tan oo caawinaysaa inay kaa ilaaliso cayilka badan. Cunnada oo si dhakhso ah loo cuno waxaa la ogaaday inay kordhiso miisaanka. Buurnida Waxa ay dhaawacdaa quruxda guud iyo muuqaalka duleed ee qofka, laakiin waxaa ka sii daran in ay qofka ku keento xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha.

Sonkorowga:

Cunnada oo si boobsiis ah loo cuno waxay sababtaa isbedel joogto ah oo ku yimaada heerka sonkorta dhiigga waxa kaloo dhaca in Insulin ta uu ka jawaabi waayo jirkeenu (Insulin resistance) taas oo kicinaysa macaanka. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cunnada oo si degdeg ah loo cuno ay kor u qaado halista cudurka sonkorowga nooca 2-aad.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *