Aqoontaa jaangoyneysa doodda… Gabadhu ma ka musuq yartahay ragga dhanka siyaasadda ?

Waxay aaminsanyihiin dad badani in dumarku xagga musuqa kaga yaryihiin ragga; waxay aaminsanyihiin in dumarku ku naaloodaan anshax wanaag ka sarreeya kan ragga , taasooy sabab u tahay habdhaqanka bulshada ku xididaystay ee baraya gabdhaha inay ku waynadaan daacadnimo, degganaan iyo wanagsanaan. Habdhaqanadaa soo jireenka ah ayaa ka dhigaya gabdhaha kuwo ku tilmaaman hufnaan, oo aad u ilaaliya danaha guud.

Haseyeeshee dadka qaarkii ayaa u arka aaminaaddaa mid si qaawan ugu xaglinaysa dheddigga/hablaha, oo waxaa dhacda inaysan gabadhu aqbalin laaluush ama danteeda gaarka ka hormariso tan guud. Isku soo duub e, daraasado ayaa si jaan go’an u sugay in dumarka oo ka qayb-gala awoodda (maamul iyo siyaasadba) ay tahay wadiiqo toolmoon oo lagula diriri karo musuqa.

Ma dhab baa in gabadhuhu ka musuqmaasuq yaryihiin ragga?
–?———————————————-

Siday xustay daraasad uu leeyahay Bangiga Dawliga ah uuna ciwaan uga dhigay “Musuqa iyo dumarka marka la joogo xukuumadaha”, waxay dumarku leeyihiin habdhaqan anshaxeed sarreeya?marka la joogo anshaxa toolmoon?waxayna u muuqataa inay aad u tixgeliyaan danaha guud oo siday koobtay daraasaddu: markasta ooy kor u kacdo ka qayb-galka dumarka ee dowladda [taasi] waxay si toos ah hoos ugu dhigaysaa musuqa. Sidaa darteed bay tirada dumarka ee siyaasadda marka dawladda la joogo waxay keentaa guulo waawaayn.

Arrintaa hordhaca ah waxaa sugtay iyaduna daraasad ay siidaysay Jaamacadda Rays ayna ciwaan uga dhigtay “ Musuqmaasuqa, Jinsiga iyo guud ahaan hayadaha”, waxay xogo ka ururisay waddamo kala duwan, si loo cabbiro guud ahaan inta ay le’egtahay ka qayb-galka gabadha samaynta musuqa iyo ogolaanshaheeda inuu dhaco musuqmaasuq.

Waxay tiri daraasaddu si guud wadamada dimuqraadiga ah oo heerka uu taagan yahay musuquna hooseeyo, gabadhu waa yartahay inay samayso musuq, sidoo kale waxaa yar inay u ogolaato inay musuq sameeyaan siyaasiyiinta ragga ah.

Waxay kaloo tilmaantay daraasaddu in dumarku dareemaan inay aad ugu xiranyihiin hiddaha iyo dhaqanka siyaasadeed ay leedahay bulshada ay ku dhex shaqaynayaan. Haseyeeshee waxay daraasaddu sugtay: in shaqaalaynta dumar badan dhanka siyaasadda, marka la joogo waddamada musuqu ragaadiyey aysan musuqa hoos u dhimayn, oo dumarka saamayntooda wanaagsani ahaanayso mid aad u kooban. Hayeeshee shaqaalayntooda dhanka adeegga bulshada wadamada uu yaryahay musuqoodu waxay si dhab ah u yaraynaysaa musuqa guud ahaan.

Waxaa muuqata in ka dhiidhinta dumarka ee musuqa aysan ku ekayn keliya siyaasadda, ee waxay u gudbaysaa qaybaha kale ee nolosha guud ahaan. Siday xustay Hayadda Daah-furnaanta Caalamiga ah, dumarka waa ku yartahay u banbixidda laaluushka marka la joogo hawlaha ganacsi.

Waxay daaha ka rogtay daraasad u-kuur-galid ah oo lagu sameeyey dadka gacanta ku haya hay’adaha iyo maamulayaal Jamhuuriyadda Joorjiya oo lagu baahiyey bogga Haydda Daah-furnaanta Caalamiga ah: Shirkadaha ay leeyihiin dumarku ama ay maamulaan waxay bixiyaan laaluush dhan 5% macaamilkooda dawladda kala dhaxeeya, halka ay taasu laba laamayso oo gaarayso 11% shirkadaha ay maamulaan ama leeyihiin raggu.

Dumarku waa dhibbanaha kowaad ee Musuqa
————————————–?———-

“Waxaa jirta aragti oranaysa dumarku waa u yaryihiin labada Jinsi ka-qayb-galka musuqa, maxaa yeelay waxay noqonayaan dhibbanaha koowaad” sidaa waxaa qabta Hay’adda Daah-furnaanta Caalamiga ah. Musuqu wuxuu keenaya kala-sooc ku salaysan Jinsiga sida waddamo badan ka taagan.

Bulshooyinka uu musuqmaasuqu ku jiro hab-raaca fulinta qaanuunka, waxay si taban u saamaysaa dumarka iyo dadka tirada yar, si-daran marka la joogo arrimaha guurka, furitaanka, korinta caruurta, madax-banaanida dakhliga, xad-gudubyada guriga iyo kufsiga; intaa waxaa dheer mushaharka iyo shaqada oon loo sinnayn.

Siduu xusay Bangiga Aduun-waynaha, gabadhuhu ma helin waxaan ahayn afar meelood oo saddex xuquuqda ninka ee qaanuuniga ah dhinacyada kala duwan ee dumarka ku leh saamayn toos ah dhaqaale ahaan, sida xorriyadda socdaalka, bilaabida ganacsiga, helidda mushaharka, guurka, taranka, maamulidda ganacsiga, maamulidda raasumaalka iyo helidda mushaharka markay hawl-gab gaaraan.

Waxay la ildaran yihiin dumarku musuqa si daran sabab la xiriirta xiriirka awoodeed ee aan isu dheeli-tirnayn oo u dhaxeeya dumarka iyo raga; musuqu wuxuu siyaadinayaa dhaqdhaqaaqa awoodeed, taasoo xadaynaysa in dumarku gaaraan hantida guud, xogaha iyo gaarista miiska go’aamada; waxaana arrintaa dhiirri-gelinaaya faquuqa bulshada, hiddaha iyo siyaasadda. Waxaa lagu tiriyaa qash-qashaad jireed, musuqa ugu badan ay gabadhu dhibane u tahay, waxaana keentay arrintaa adeegsi xumada awoodda si loo helo sadbursi ama faquuq Jinsi, waa sida laga soo xigtay Xarunta Daraasaadka Wilson ee Caalamiga ah.

Baahitaanka musuqu, wuxuu ka dhigayaa dunida in tobankiiba sagaal dumarka kamid ah inay la kulmaan dhibaatayn jinsi iyo kala sooc ku dhisan jinsi markay noqdaan hoggaamiyeyaal ama horgalo waa indha-indhayn ay samaysay Plan International. Waxay ku baahisay bogga Reuters.

Waxay noqonaysaa aragtida dhahaysa in dumarku ka musuq yaryihiin ragga miday dood dheeri ka istaagto, saasooy tahayna doodi kama taagna in kororka ka qayb-galka dumarka ee arrimaha bulshadu yahay mid laga maarmaan ah, si mushkiladdaa loo xalliyo, maxaa yeelay in la baaro xiriirka ka dhexeeya labada Jinsi iyo musuqa waa laga maarmaan si loo helo siyaasado iyo tallaabooyin looga takhalusayo musuqa.

W/Q: Fariida Axmed.
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraaca maqaalka:
Aljazeera

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *