Ahmiyadda U Leeyahay Fitamiin C Iyo Astaamaha Lagu Ogaado Haddii Uu Jirka Ku Yaraado!

Ma u fiican yahay hargabka?

Difaaca jirkaaga wuxuu u baahan yahay fitamiin C si uu si fiican u shaqeeyo. Hasa yeeshee hadii la iska badiyo, wax saas ah ma caawiso. Waxaa laga yaabaa in fitamin C-gu uu yareeyo astaama hargabka, waa hadii aad qaadaney say inta uusan kugu dhicin ka hor.

Ka hortagga dhaawaca unuga

Fitamiin C wuxuu ka caawin karaa sidi aad jirka uga saari lahayd kiimikooyinka dhaawici kara unuga iyo DNA diisa. Waxay caadi kadhigtaa walxaha dhaawaca unugyada ee ku jira jirkeena ee ka dhasha wasakhda, sigaarka, iftiinka qoraxda. Fitamiin C-gu wuxuu caawiyaa qeybo badan oo ka mid ah jirkeena si ay u shaqeeyaan , iyo ka hortaga xanuunada alzheimer’s iyo kansar.

Dhisidda lafaha, maqaarka iyo murqaha

Jirkaaga waxaa isku haya bortiin la yiraahdo kolajin, kolajintu waa walax isku duuban oo dhista lafaha, carjawda, maqaarka, iyo murqaha iyo wadnaha. Waxaad u baahan tahay kolajin si maqaar cusub uu ukoro. Jirkaagu ma sameyn karo kolajin fitamin C la’aan

Maskax xoojiye

Waxaad u baahan tahay fiitamiin C, si jirkaagu uu u sameeyo hormoono muhiim ah,  oo kexeeya fariimaha kala duwan ee maskaxda.

Dhawridda araga

Fiitamiin A ga ku jira karootada/dabacasaha ma ahan midda kaliya ee aad u baahan tahay si aad u dhawrtid araga. Waxaa la aamin san yahay inaad u baahan tahay fiitamiin C, sababtoo ah wuxuu yareeya xumaanshaha murqaha.

Waxaa laga helaa miraha

Miraha inta badan laga helo waxaan ka mid ah burtuqaalka, bambeelmo, liin dhanaanta, istoroberi, babaayga, caana-naaska, qaraha, muuska, tufaaxa, waxaa fiican iney yihiin fareesh, sababtoo ah fitamin Cgu wuu burburaa hadii uu waqti dheer qaato ama la kululeeyo

Maxaa dhacaya hadii uu kugu yar yahay fitamiin C

Dadka aanan cunin cunto fiican ama isticmaalo dawooyinka qaar, waxay halis ugu jiraan inuu ku yaraado, sidoo kale xanuunada kansarka qaar iyo xanuunada kilyaha waa kuwo yareyn kara heerka fitamin Cga, astaamaha waxaa kamid ah, daal badan, baran, ama ciridka oo dhiigo, ilkaha oo jilca, kalagoysyo xanuun, maqaarka oo adkaada, boogta oo aan si fudud ku bogsan

Maxaa dhacaya hadii uu kaabato fitamiin C

Jirkaaga ma xamili karo fitamin Cgu xad dhaaf ah, wuxuu sababi karaa calool majiir, shuban sidoo kale wuxuu horseedi karaa dhagaxa kilyaha

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *