Adeega Mybridge Ee iPhone Waa Macalin Horumariya Aqoonta Iyo Xirfadda Dadka Ku Shaqeeya Tiknoolajiyadda

Mybridge iphoneHaddii aad u haysatay in talefankaaga casriga ah shaqadiisu ay ku kooban tahay xidhiidhka degdegga ah, isticmaalka internet ka iyo bar-kulannada bulshada, sawir qaadista, wax-ka-beddelka sawirrada iyo ciyaaraha lagu maararroobo, waxaa hubaal ah in u baahantahay in dib aad ugu noqoto fahamkaaga arrintan la xidhiidha, waayo talefannada casriga ah waxaa ku jira adeegyo waxbarasho waxtar leh laga helo oo qaarkood lacag la’aan yihiin kuwo kalana lacag aad u jaban lagu furan karo.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa adeegga Mybridge oo ka mid ah adeegyada suurtogeliya in loo maro horumarinta xirfadaha tiknoolajiyaddu waxa uu qofka u fududaynayaa in uu wax badan ka barto samaynta, dhismaha, dib u habaynta iyo horumarinta baraha Internet ka (Websites ka), barashada luuqadda kombiyuutar ee barnaamijyada sida barashada HTML, Python, Jave iyo kuwa la midka ah ee arrintaas la xidhiidha, waxa uu qofku siinayaa qoraalo cilmiya, oo uu si aad u heer sarraysa ugu soo xulay si qofka akhriyaa uu uga barto hawlaha aynu kor ku soo xusnay.

Sidoo kale adeegga Mybridge waxa uu qofka siinayaa qoraallo iyo ilo waxbarasho oo faa’ido cilmiya u leh dadka shaqo raadiska ah, korna u qaadaya aqoontooda guud, gaar ahaan dhinacyada barashada gaadiid-wadista, dhismaha iyo aasaaska shirkadaha bilowga ah, maalgashiga, maamulka wax-soo-saarka. Waxa kale oo intaas dheer in qofku uu ka helayo wararka ugu muhiimsan ee dhinaca tiknoolajiyadda iyo farsamooyinka casriga ah.

Ugu dambayn barnaamijkan oo faa’idooyin badan u leh qofka adeegsada talefanka iPhone iyo aaladaha kale ee shirkadda Apple waxa uu qofku ku helayaa lacag la’aan uu si bilaa shuruud ah kala soo degi karo internet, culayskiisuna waa 64.7 MB oo keliya.

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *