9 Nooc Oo Dadka Ka Mid Ah Oo Ay Haboontahay Inaad Ka Fogaato Inaad Xiriir Jacayl La Samayso..!

1. Shaxaari ‘Player’
Ha u dhawaan qof shaxaari ah oo had iyo goor waxay mashquul ku yihin inay qof kugu dhinac wadaan intasna waxay waxay mashquul ku yihin siday ula shekeysan lahayeen boqolka qof ay gooni gooni u shukaansadan.

2. Ballanqaadka Ka Baqa
Dadka ka baqa inay wax ka balan qaadan sida waqtigay ku guursan lahayeen, taas waxey tusinaysa inay daciif yihin oo aanay go’aan goosan karin shaki daraadeed. Hadaba ha shukaansan dadka noocaas ah.

3. Shaqo Jecel
Dadka shaqo ku diinka ah ayana ka fagow waxay had iyo goor mashquul ku yihin shaqadooda oo marna uma helan waqti inay kula qaatan. ‘work hard, play hard’.

4. Dadka Maqane Jooge Jaceylku Ka Dhigo
Dadka shacuurta ama qiirada badan ayana ka fogow had iyo goor way maqanyihin oo wax aan saas u weynayn ayay shacuurtooda la jirta. Waana adagtahay sida ula yeelin laheed hadal furan.

5. Kuwa Caadi ahaan u Maqan
Haduu qofka shukaansanaysid wax badan kaa qarinayo sida meesha uu ku maqnaa/maqneyd waa calaamad ku tusinaysa iney qof ka qiimo badan la socdaan oo adi ku meel gaartay tahay. Laga yaabe inay qof qabaan oo ka qarinayan.

6. Qofka Sheekada Jaceylka u Yaqaan ‘Drama Lover’
Qofka saan ah ayaa ugu daran oo wuxu ka badbadiyaa waxayaabo iska caadi ah sida qaabka u labisatid ama kalmadaha isticmaashid. Daqiiqado yar gudahood ayaa is arkaysa adoo ku dhex jira muran saacado socda oo ka bilaabmay sababta shaah habeen barki u cabeysid.

7. Caqli Ciyaal
Dabcan waa jecelnahay ciyaalka laakinse waa madax faluuq inaad shukaansatid qof wali waalidkiis amraan oo waa adkanaysa sidad sheeko rasmi ah ula yeelan laheed. Maxaa yeelay waalidkiis ma jeclo in ilmahooda soo baado. Yuusan kula tagin muuqaalka qofka iyo lafweynida.

8. Qalin Shubato ‘Gold Digger’
Saxiib saan ah dabcan waa leedahay waa kan wiil ama gabar ha ahaade, waa ku dantooda oo kaliya tahay inay lacagtada isticmaalaan. Wax kasta ayay ku sameynayan intay lacag ka helayaan markay ka wayanan kuma yaqanin. Ayeeyada maka maqli jirtay ‘Heblo waa Qaalmo Shubato’ hadaba waqtigan waxa jira ‘Hebel waa qalin shubte’.

9. Danaystaha Jaceylka
Danaystaha jaceylka waa sida qofka iibiya alaabta la isticmaalo oo dantooda kaliya waxay tahay inay ka gadan alaab

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *