9 Calaamadood Oo Lagu Garto Haddii Lamaanahaaga Aanu Wax Jacayl Ah Kuu Qabin

Marka aad ku jirto xiriir jaceyl oo lamaanahaagu uu wax walba ku hurayo islamarkaana uu had iyo jeer ku dedaalayo sidii uu kuu farxad gelin lahaa, run ahaantii waa nolol farxad badan, wax walbana way kula qurux badnaanayaan, balse markaad aragto lamaanahaaagi ku jeclaa oo aan danaynayn la joogaaga, la sheekaysigaa iyo inuu waqti kula qaato, waa qalbi jab.

Mararka qaarkood waxaa dhici karta in lammaanahaagu uu ficil ama erayo ku muujiyo inuusan wax jacayl ah kuu qaabin, balse kawaran haddii  lamaanahaagu aanu rabin inuu ku dhaawaco sidaas darteed uuna kuu sheegin ama kuu muujin in aanu ku jeclayn, hagaag, waxaa jira tilmaamo kuu caddeynaya in lamaanahaagu uusan wax jaceyl ah kuu hayn, sii akhri tilmaamahaas.

Mustaqbalkiinna kama fakaro:

Haddii lamaanahaagu uusan mustaqbalkiina iyo midka caruurtiinna uusan ka hadlin aahmiyadna uusan siinin ogoow inuu doonayo in xiriirkiinnu soo afjarmo.

Kuuma muujiyo wax jacel ah:

Xiriirka caafimaadka qaba, lamaanayayaashu si joogto ah ayay kalgacal iskugu muujiyaan, waxay sameeyaan waxyaabo midba midka kale uu ku tusinayo jacaylka uu u qabo sida inuu howl u qabto ama la qabto, mahad celinta, ammaanta. Dhageysiga iwm. Haddii lamaanahaagu uu samayn jiray arrimahaas islamarkaana uu joojiyo ogow inay tahay calaamad diginin ah.

Waqti kulama qaato:

Haddii lamaanahaagu uusan rabin inuu waqti kula qaato ama markasta uu kula joogo uu kugu caajiso, ama uu egyahay qof xanaaqsan, ama markasta oo aad isku daydo inaad waqti wada qaadataan uu marmarsiyo keeno, waxaad ogaataa inuusan wax jaceyl ah kuu qabin.

Wuu iska kaa ilaaliyaa:

Waa mid ka mid ah caalaamadaha ugu waa way ee lagu garto hadii lammaanahaaga uu doonayo inuu xiriirkiina soo afjaro. Tusaale marka aad qolka ugu soo gasho inuu iska dhigo qof hurda oo kale, ama badanaa uusan taleefanka kaa qaban marka aad wacdo.

Waxaad had iyo goor isku dagaashaan sabab la’aan:

Waa hubaal in lammaane kasta oo qoys ahi ay marayaan waqtiyada qaar uu khilaaf soo dhexgalo, waxa uu noqdaa khilaaf fudud oo isagu is xalliya iyo mid u baahda in ay si rasmi ah uga wada hadlaan xalna u raadiyaan, waxa kale oo uu noqon karaa khilaaf faraha ka baxa oo u baahda in cid kale soo farageliso ama keenaba in qoysku burburo. Haddii xiriirkiinu uu gaaro heer aad wax walba isku qabsataan ama aad isku dagaashaan sabab la’aan markasta, ogow inay tahay calaamad diginin ah oo muujinaysa in xiriirkiinnu soo afjarmayo

Waxaad dareentaa cidlo lamaanahaaga oo kula jooga:

lamaanahaaga uu iska kaa indho tiro, oo aan dhageysan hadalkaaga islamarkaana iskaga muushquulsan taleefanka waa caalamad kale oo lagu garto in jacaylkii uu kuu qabay uu dhamaaday.

Kulama sheekaysto:

Lammaanahaaga oo aan jeclayn la sheekaysigaaga waa calaamad wayn ku tusinaynsa inuusan ku niyad samayn guurka iyo la noolashaaga. Xittaa hadaad sheeko la bilowdo hadalka ayuu kuu soo gaabainayaa, Qofka ku jecel inuu hadba mowduuc cusub furo si uu kuula sheekaysto.

Wuxuu raadinayaa xiriir kale:

Furaha xiriirka wanaagsan wuxuu ku fadhiyaa daacadnimo iyo is-aaminaad. Haddii lammaanuhu is khiyameeyaan waxay guul-darro ku tahay ujeeddooyinka xiriirkoodu u dhisan yahay. Hadiid aad aragto lamaanahaaga oo xiriir kale raadinaya waxay astaan u tahay inuusan jacayl kuu qabin.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *