9 Waxyaabood Oo Ay Haboon Tahay In Dumarku Boorsada Ku Ritaan

Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa fikrado yaryar oo aad boorsdaada ku nidaamsan karto.

Xanjo: waa muhiim in xanjo ama nacnac yar yar aad ku sidato shandada, markasta oo aad dareento in afkaagu qalalay ama urtiisu is badashay waxay kuu noqonaysaa gargaar dagdag ah. Marka uu hargab kugu dhacana nacnaca vicks-ka leh waa lagama maarmaan.

Cream: waa muhiim in shandada uu kuu gu jiro cream, waa hubaal inaad u baahanayso wakhtiyo muhiima. Nooca aad u baahanysi waxaa kamida, mid aad marsato gacmaha, iyo mid aad marsato wajiga kadib markaad wayso qaadato iwm.

Tampons: aad iyo aad ayey muhiim u tahay in boorsada uu kuugu jiro Tampons, waa lagama maarmaan markasta, hadii aadan adigu markaa u baahnayn waxay u badan tahay inaad la kulanto gabdh walaashaaya oo baahi wayn u qabta markaa.

Lips: waa muhiim in boorsada uu kuugu jiro wax aad afka marsato uu subagleh, sida vaselin iwm. Dhul qabow hadii aad ku nooshahayna waad uga sii baahi badan tahay dadka ku nool dhulka kale ee cimiladiisu dhexdhexaadka tahay.

Qalin & notebook: waa lagama maarmaan, ku dadaal in shandadaadu ay markasta ku jiraan labadani. Waxaa laga yabaa in aadan u baahnayn imika, waxaase hubaala inaad la kulmayso mawqif aad ku badbaadin karto shay muhiima.

Udgoon: udgoonku waa shay muhiima hadii aadan xuduuda ka baxayn, sidaa darteed waa muhiim boosrada aad sidato in laga helo shay udgoon sida, parfume iwm.

Muraayad: muraayad yar oo aan culays keenayni waa lagama maarmaan iyaduna. Xijaabkaaga iyo wajigaaga inaad ku hagaajiso.

Daawo: hadii aad joogto u qaadato dawo waxaa hubaala in aad iyada xasuusanayso. Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in aad shandada ku sidato kiniinada kaargooyaha ah ee aan keenayn culayska, xasuuso hadii aadan adigu u baahan inaad la kulmi doonto qof aad ugu baahan markaas.

Hadii aad ilmo leedahay: waa muhiim in ilmahaagu uu boos ku yeesho si markasta oo uu is wasakheeyo aad diyaar ugu ahaato.

Guud ahaan: waxaa jira wax yaabo ku anfacaya marar badan, sidaa darteed xasuuso kuwan hadii ay ku anfacayaa. Caagad biyo cad aad ku qaadato, mobil phone, calendar aad ku qorato balamaha, waraaqda sanka la iska mariyo (lommeletter), cidiyo gur, gadhfeedh (shanlo), boorsada ay kuugu jiraan kaadhadh muhiimka ah iyo lacagtu. Guud ahaan wixii aad adigu ogtahay inaad u baahanayso.
Ugu danbayntii laba ku dadaal.

Haku qaadan shandada alaabo muhiim ah ama qaali ah oo hadii lagaa xado boorsada ku keenaya dhib wayn sida, lacag badan, dahab, waraaq ay kuugu qoran yihiin lanbarada sirta ah iyo wax kasta oo hadii lagaa xado aadan dib usoo celin karin. Waxaa muhiima iyaduna hadii ay kuugu jiraan boorsada kitab Quraan ama duco inaad xasuusato markasta oo musqusha galayso.

Xasuuso in aad markaad mudo joogtaba aad nidaamisa boorsadaada. Wax kasta oo aad ogtahay inaadan u baahnayn mid aad ubaahan tahay ku badalo. Waraaqaha aad wax kusoo ibsatay iwm ee aad ku iloowdo shanadadu waxay u keenaan nidaam daro iyo inay u eekaato shandad tacbaan ah J. Sidaa darteed waa lagama maarmaan inaad kala gurto si culaysku uga yaraado.

Waxaan kusoo gabogabaynayaa boorsada dumarku waa nooc kamida shakhsiyadaada, sidaa darteed ku dadaal inay shandadaadu ku matasho oo marka la arko boorsadaada la garto qofkaad tahay. Hadalada ay nimanku ka sheegaana dhag hadalada ay nimanku ka qoreen ama ka sheegaana dhag ha u dhigin, waayo haduu og yahay qiimaha ay leedahay mar hore ayuu samaysan lahaa isaguna mid.

WQ: Anisa Sh Ibrahim  

Xigasho: khadijahome.com

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *