7 Waxyaabood Oo Keena Bur-Bur Qoys, KA DIGTOONOW

bur-burWaxaynu halkanku soo qaadan doonaa waxyaabaha sababa in qoys wadajira oo nolol fiican kuwada nooli ay timaado inuu isa seego.Haddaba waxyaabaha sababawaxaa kamida:

1.Balbalaadhinta ceebaha iyo qarinta wanaagga: lamanayaasha qaarkood waxay arkaan oo kaliya lamanohooda ceebihiisa, waligoodna waxay caadaystaan inay bal-balaadhiyaan cebahaas, taasina waxay dilaysaa isjacaylkii iyo isu soo hilowgii lamaanahaas.

2.Isbar-bardhigid; Lamanayasha qaarkood waxay caado ka dhigtaan inay lamanohooda lasiman ama ka hoos mariyaan asxaabtooda iyo dadka kale, ama ay dhahaan hebel/hebla baa kaa fiican, ama sidaas buu reerkiisa ula dhaqmaa.

3.Wax kala qarsiga; Nolosha lamanahu kama madhnaato dhibaatooyin, soo noqnoqoshada dhibatadaas, iyo joogs ila’aanteeda haddii aanay lamaanuhu kawadahadlin arintaas waxay dhalisaa in la is naco oola kala dido, marka hadday dhibaato dhacdo waxaa wanagsan in lagu bilaabo wadahadal qabow.

4. Jees-jees iyo dareen dhaawac; Kujees-jeeska, lagujees-jeeso lamaanahaaga dhaqankiisa, ama muuqaalkiisa, ama sida uu ufekero waxay dhalisa dareen xumo iyo isnicid iyo inaan la’isu hiloobin oo aan la is jeclaan, Lamaanaha waxaa laga rabaa inay is ixtiraamaan, oo ay is tixgaliyaan.

5. Mashquulka badan; Lamaanaha midkood oo ka mashquula lamanihiisa kale gurigadhexdiisa, banaankiisa, asxaabta, shaqada iyo xananada caruurta iwm waxay lamaha kale dareensiisaa in aanu helin muhiimadii uu lahaa, marka waxaa muhiim ah inaad lamaanahaga siisid wakhti gaar idin ah.

6. Dhiirigalin la’aan iyo qiimeyn la’aan; waxa dhacda in labada lamaane mid walba uuleyahay yoolal uu hiigsanayo, uuna ubaahanyahay wax taageera oo dhiirri galiya, fahan la’aanta aanu fahmin midkood midka kale inuu dhiirrigaliyo, iyo inuu qiimeeyo baahidiisa, iyo inuu hankiisa hoos udhigo waxaa ay dhalisaa jeesjees, taasoo keenta in lakala caajiso, Waxaa lamaane walba loogabahanyahay inuu taageero, u howlgalo inuu lamaanihiisa kutaageero inuu kuguulaysto wuxuu hiigsanayo.

7.Masayrka badan; Masayrka badan waxaa laga yaabaa inuu dumiyo jiritaanka xidhiidhka qoyska, oo noloshu kabaxdo daganaan oo ay isubedesho hakki iyo walwal, waxayna dhalisaa su’aalaha shakiga, waxaana kuxiga male-xumo, natiijadiisuna tahay cadaawad iyobaqdin, waxaana qarsooma dhamaan calamadihii jacaylka iyo baahida, Lamaaha waxaa laga rabaa inaysan kabad-badin masayrka oo ay noqdaan kuwo aan kuxadgudbin masayrka, oo ay warka isu caddeeyaan, si ay uga fogaadaan shakiga.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *