7 Arrimood Oo Haboon Inay Gabadhu Ku Dadaasho Si Ninkeedu Uga Maarmo Xaas Kale

kula guursan
Hadii aad tahay mid aan dooneynin in saygeedu uu la guursado mid kale oo kula tartanta jaceylka saygeeda iyo daryeel kiisaba, waxaan kugu waanineynaa in aad raacdo talooyinkan, taas oo ka reebeysa saygaaga in uu ku fikiro mid aan adiga ahayn xitaa hadii ay ahaan lahayd in uu ku fikiro hal maalin!

-Noqo mid ku kalsoon nafteeda: U muuji saygaaga in aad tahay mid ku kalsoon nafteeda iyo in aad tahay mid ad-adag una dulqaadan kartaada dhibaatooyinka ee leedahay nolosha xaaska ah isla markaana waa in aad dareen siisaa in aad tahay mid dhawrsoon dooneysana in ay hormariso nolosheeda sidoo kalena waa  in aad u soo bandhigtaa in badan oo badan.

Noqo mid samir badan: Ninku ma iloobo haweeneyda samirka badan ee u dul qaadata dhibaatooyinka kala duwan kalana qeyb gala cadaadiska mararka qaar noloshiisa kusoo kororta. U muuji inaad marwalba garab taagantahay, kuna dhiirageli siduu hamigiisa u gaari lahaa adigoo marwalba tusinaya naxariis iyo kalgacayl.

-Waa in aad daryeeshaa naftaada mar waliba: Waxay moog yihiin aysanba ogeen in badan oo dumar ah daryeelka naftooda ka dib marki la guursado iyada oo ay sabab u tahay taasi mas’uuliyada cusub isla markaana kala duwan, laakiin hadii aad dooneysid in uusan saygaaga ku fikirin in uu guursado mid kale, waxaa kugu waa jib ah in aad ka fikirto naftaada maxaayeelay in aad ka fikirto naftaada ayaa waxay ka dhigantahay in uu saygaaga u arko in aad wali tahay mid fulisa awaamirtiisa.

-Ha noqonin mar walba mid raacda saygeeda: U muuji saygaaga marar qaar in aad kaga hor imaado arimaha qaar waxaa laga yaabaa in ay tahay mid qaldan, waana in aad kala naqaashtaa arimaha qaar oo ah mid aanan sax ahayn, waxaan sidoo kale kugula talineynaa in aadan ka ogolaanin saygaaga in uu kula dhaqmo sida uu doono.

-Qadarin: Wuxuu u baahan yahay sayga mar walba qadarintaada, iyada oo aan kugula talineyno in aad ku guubaabiso in uu guul ka gaaro shaqadiisa oo aad mar walba garab istaagto si uu u soo bandhigo in badan.

-Kal-gaceyl: Kula dhaqan saygaaga si kal-gaceyl ah ugana dhig marba marka ka danbeesa wax yaabaha yar-yarka ah kadis sida in aad u dirto fariimaha kal-gaceylka ah aadna ugu dirto mobeelka maalintii oo dhan, u suubi raashinka uu jecelyahay, u keen hadiyad ka tarjumeysa kal-gaceylkaaga, amaba in aad isku raacdaan casho dibada ah.

Diyaarin: Iska ilaali oo waliba si adag isaga ilaali diyaarinta iyo nadaafada guriga waana in aad ka fikirtaa misaaniyada guriga iyo daryeelka caruurta adigoon  ku haleyn saygaaga, taasi waxay cadeeneysaa in hadii aad suubiso intaasi oo idil uu saygaaga hadii uu ku soo wareego aduunka oo idil uu san ka soo heleenin xaas adiga oo kale ah.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *