6 Qodob Oo Keeni Kara In Doonista Jinsiga Ah Ee Ama Hamadu ay Ka Tagto Ragga

Qormadaan waxa aan ku soo qaadanaynaa 6 arrimood sababi kara in hamiga kacsiga ee ragga uu hoos u dhaco.

Niyad jabka:

Niyad jabka waa xaalad caafimaad oo u baahan in il gooniya lagu eego, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay xanuun lala tacaali karo iyadoon loo isticmaalin dawo, balse hadii heerkiisu siyaado ama qofka niyad jabsan gaaro heer uu xataa noloshiisa halis galiyo waxaa lagama maarmaan ah in loo xaliyo qaab baaritaan caafimaad ku salaysan. Niyad jabku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu daran ee sababa inuu yaraado rabitaanka galmada ee ninka. Dawooyinka loo qaato niyad jabka ayaa iyaguna sababa in hammada ay hoos u dhacdo. 

Heerka hormoonka testosterone oo hoos u dhaca:

Inkasta oo hormoonka Testosterone oo kaliya uusan ahayn waxa udub dhaxaadka u ah rabitaanka galmo ee raga, haddana yaraanshiyahiisa ayaa hoos u dhigeysa awoodda galmo iyo dhammaystirnaanshaha baahida loo qabo galmada.

Rabitaanka oo hoos u dhaca iyo kacsiga oo yaraada ayaa ah dhibaatooyinka imaan karo marka shaqada hormoonkan ay yaraato, haddaba si arrintan loo xalliyo waa muhiim in la daweeyo sababta keentay. 

Raggu marka ay da’da 40-ka gaaraan waxaa hoos heerka hormoonka testosterone ee jirkoodu uu soo daayo taas oo hoos u baahida loo qabo galmada.

Kaliya hoos u dhaca hormoonkaan waa mid ka mid ah calaamadaha tabaryarida raganimada, sidoo kale waxaa jira xaalado kale oo dhalin kara dhibaatadaan, sida walwalka, hurdo xumida, xanuunada joogtada ah, dhammaan waxa ay samaynayaan tabar yarida ragga.

Welwel shaqo:

Hadii ninku uu ka welwelsan yahay shaqada, waxay hoos u dhigi kartaa danaynta kulanka gogosha. Hadaba waxaa fiican in haweeneydu ay ninkeeda kaga wareysato culeysyada shaqada ka haysta meel ka baxsan qolka jiifka islamarkaana ay la taliso oo ay u muujiso inay garab taagan tahay taasi waxay ka yareynaysa welwelka.

Sigaar Cabbista:

Caafimaadka shaqsiga ayaa ah mid muhiimad balaaran ku fadhiya waxaana wadamo badan ay ku bixiyaan miisaaniyad aad u fara badan si loo helo bulsho caafimaad qabta. Cabida sigaarka ayaa saamayn balaaran ku leh caafimaad qabka qofka, waxaana lala xariirayaa inuu sababo xanuuno tiro badan oo qaarkood ay adag tahay in la daweeyo. Sigaarku waxuu kaloo waxyeelo balaaran u geystaa dadka lagu ag cabbo.

Sigaarku waxuu u xunyahay habka taranka, maadaama uu yareeyo dhumucda xididada jirka, waxaa uu saamayn ku yeelan karaa habka kacsiga labada jinsi.

Ragg badan oo caba sigaarka ayaa la ogaaday inaysan kacsan karin ama ay waqti badan ku qaadato. Sigaarku waxuu yareeyaa soo saarida shahwada ragga waxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyahaya ragga.

Dhafarka badan

Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen, hadduu qofka dhafarkaas u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, diraasad lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqada in ay badakood helin hurdo ku filan ama ay ku badan tahay dhafarka.

Dhafarka wuxuu yareeyaa hamiga kacsiga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii.

Cunista qaadka:

Rag badan oo cuna qaadka ayaa la ogaaday inuu ka khalkhalo ama kaba tago dareenka kacsiga. Qaadka ayaa la rumaysan yahay inuu faragalin ku sameeyo tayada shahwada ragga taasoo keeni karta madhalaysnimo. In badan oo kamid ah ragga cuna qaadka ayaa laga soo xigtay inay isku arkaan shahwada oo katimaada iyaga oo aan ogeyn, arintaan ayaa noqon karta mid khalkhal ku keenta kacsiga ama inuu meeshaba ka baxo dareenka.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *