5 Calaamadood Oo Lagu Ogaan Karo Qofku Inuu Guur Diyaar U Yahay Iyo Inkale

Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso kolka aad guur diyaar u noqoto, heshana qofkii aad isku habboonaydeen.

Kala garo guur iyo aroos. Aroosku waa xaflad maalin iyo labo socota, guurku se waa mas’uuliyad wayn oo illaa iyo gabowga guudka kuu saaran. — Mubarak Hadi

“Qof kasta oo dhallinyaro ah oo aan weli guursan, wuxu maanka ku haystaa sawir qurux badan oo ah qofka uu doonayo in uu nolosha la wadaago. Wanaagsanaan lahaydaa, qofkaa wanaagsan ee uu maanka ku hayo, intuu dhankiisa soo istaago, in uu is-waydiiyo; tolow qofkan wanaagsan ee aad maanka ku hayso, qof noocee ah buu isaguna jeclaan lahaa in uu nolosha la wadaago, dabadeed na uu dharraar kasta ku dedaalo sidii uu u noqon lahaa qof buuxiya shuruudda riyada qofka uu ku riyoonayo.” -Mubarak Hadi

Badanaa dadku markay qof ay jecelyihiin ay doonayaan inay u guuriyaan amaba qofku uu rabo inuu guursado, waxay badanaa dadku ka duulaan labo arrimood oo tan u horraysa ay tan in qofku jidh ahaan uu qaangaadhay oo qofku jeclaysto inuu guursado arrinta labadaanlbna waxay tahay hadduu wiil yahay in reerka uu dhisayo oo dhaqaale kaafin karo. Labadaan arrimood waa kuwo aad muhiim u ah laakiin waxaa jira arrin kasii muhiimsan labadaas qodob oo ah guriga la dhisayo inuu siu jiri karo labada qof ee isguursanaya ma wada joogi karaan, inay nolosha iska weheshan karayaan oo ay isla jaan-qaadi karayaan, waxaana arrintaa lagu micneeyaa qaangaadhka nafsiga ah.

Hadaba muuqaalkaan hoose ka baro 5 calaamadood oo lagu garto in qofku guur diyaar u yahay iyo inkale:

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *