5 Arrimood Oo Raggu Ay Neceb Yihiin Oo Ay Tahay Gabadh Walba Inay Iska Ilaaliso

Lamaanaha isqaba mid walba wuxuu ka fakarayaa siduu u soo jiidan lahaa kan kale una ilaalin lahaa dareenkiisa. Labada qof markay is guursadaan ma aha macnaheedu inay intaas ku egtahay arintu , balse waxaa loo baahan yahay in mid walba ku dadaalo siduu usoo jiidan lahaa kan kale iyo inuu ka ilaaliyo waxyaabaha uu dhibsanayo kan kale.

Hadaba qormadan waxaan kuu soo gubinaynaa arrimo dhowr ah oo ay ragg neceb yihiin kana caroodaan nin kastana uu jeclaan lahaa in xaaskiisu ay joojiso. Sii akhri si aad wax uga ogaato arrimahaas.

Saygaaga oo aad ku dhaleecayso dadka hortooda:

Dhaleecayntu waxay saamayn taban ku yeelan kartaa xiriirka, khaasattan marka aad dadka hortooda ku dhaleecayso. Khaladaadkiisa oo aad ku sheegto dadka kale hortooda waxay dhaawici kartaa dareenkiisa, waxayna saamayn taban ku yeelan kartaa xiriirkiinna.

Nafaaska oo aad u diido:

In nafaas la isa siiyo iyo in waqti lakala qaato aad ayay muhiim ugu tahay xiriirka. Ha ka qasin marka uu naftiisa waqti la qaadanayo ama uu samaynayo waxyaabaha uu xiiseeyo sida daawashada kubadda iwm.

Labo qof oo kala duwan ayaad tihiin, hiwaayado kala duwan ayaad leedihiin, qasab ma ahan inaad la jeclaato waxyaabaha uu xiiseeyo, dadku marka ay badan tahay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin ayay is-dhegaystaan oo is-xiiseeyaan. Kala duwanaanshuhu waa qurux. Sidaas darteed u ogolow saygaaga inuu inuu sameeyo waxyaabaha doonayo inuu qabsado iyo naftiisa, asxaabtiisa iyo dad kaleba waqti la qaato, marka uu dadka kale iyo asxaabtiisa uu waqtiga la soo qaato waxay wanaajinaysaa wada sheekaysiinna waxuu kaaga warramayaa waxyaabihii uu la soo kulmay iyo sida ay maalintiisu ay ahayd, sida oo kale, waad isku xiisaysaan.

Aamuska:

Qofna ma jeclo in laga aamuso. Xittaa haddii ninka u jecel yahay waqti deggan marnaba ma jeclaysanayo inaad ka aamusto. Sababtuna waa inuu dareemayo inuu yahay dambiile iyo inuu kaa xanaajiyay laakiin uusan garanayn waxa uu haleeyay. Ma jeclaysanayo inuu markasta ku weydiiyo “maxaa khaldan?”. Inaad gebi ahaamba joojiso la hadalka lammaanahaaga waxay sun ku tahay xiriirkiinna.

Ragga kale oo aad barbardhigto:

Qofna ma jecla in cid kale lala barbardhigo. Haddii aad markasta ninkaaga barbardhigto ragga kale, waa inaad arrinkaas joojisaa, sababtoo ah, markaad ragga kale la barbardhigto wuxuu dareemayaa inaadan ku jeclayn sida uu yahay. Waxuu dareemayaa inaad u aragto inuu yahay qof liita, wuuna kugu nacayaa. Halka aad kala barbardhigayso ragga kale, ku dhiirrageli oo ku garab sii siduu u noqon lahaa qofka ka fiican qofka uu yahay maanta. 

In ka qariso la hadalka saaxiibkaagii hore:  

Ma ahan khalad inaad la hadasho qof aad soo kala tagteen ama qof aad isjeclaan jirteen oo aad kala harteen haddii aadan ka qarin lammaanahaaga. Haddii aad ka qariso xiriirka oo uu ogaado, wuxuu u arkayaa khiyaano. Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inaadan ku kalsoonayn ama aad wax ka qarinayso.

Akhriso: 5 Dabeecadood Oo Gabadhu Ku Nici Karto Ninka

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *