3 Hab Oo Aad Naftaada U Maalgashan Karto

Maalgashiga aad ku sameyso naftaadu wuxuu noqon karaa maalgelinta ugu macaashka badan oo aad abid samayso. Taasi kaliya kuuma horkici doonto guulo mustaqbal, ee waxay kaloo kuu horseedi kartaa guulo aad ‘hadda’ ku naallooto.

Habka kaliya ee la hubo oo aad ku higsan karto nolol tayo leh, waa adiga oo ahmiyad siiyaa maalgelinta naftaada ee xag qof ahaaneed iyo xag xirfadeedba. Dadaalka joogtada ah oo aad ku  bixiso maalgelinta naftaada wuxuu kaalin weyn ka cayaarayaa go’aaminta tayada noloshaada ee maanta iyo berriba.

Hababka Maalgelinta: 1.  Hormari xirfadahaaga

Siyaalo kala geddisan ayaa jira oo aad ku horumarin karto aqoontaada iyo xirfaddaada. Kuma qasbanid in aad ku ekaato [kaliya] takhasuska aad baratay oo aad ku shaqayso. Bal ka fikir hababkan hoos ku qoran.

  • Kobci tacliintaada – koorsooyin dheeri ah, darajo cilmi oo dheeri ah, shahaadooyin la xiriira cilmiga aad baratay. Internetka waxaa laga helaa koorsooyin online oo bilaash ah (edx.org, coursera.org, udacity.com…).
  • Qaado tababarro, ka qeybgal aqoon-isweydaarsiyo iyo shirar. Ballaari aqoontaada:  qiyaas ahaan waxaa jira macluumaad fara badan oo ku saabsan maaddo kasta oo maanta caqli bani’aadan ku soo dhacda. Akhri buugaag, maqaallo, warbixinno iyo wax wal oo la xiriira xirfadda aad rabto in aad horumariso.

2. Sahmi hal-abuurkaaga

Waxaa jira keyd hal-abuur oo badankeen maskaxahooda dhex ceegaaga asii aan sidey ahayd looga dheefsan. Hal-abuurku wuxuu nagu garabgalaa in aan dhibaatooyinka xal ugu helno si duwan, fudud ama cusub. Hal-abuurku wejiyo badan ayuu leeyahay. ·  

  • Baro af cusub – qaado koorso aad af cusub ku baranayso ama af aad horay u taqiin aad ku horumarineyso.
  • Wax qor – sida buug, sheeko gaaban. Xataa wax ka qor safarro xiiso leh oo aad adigu gashay.
  • Adduunka kugu hareereysan sahan ugu bax – shimbiraha daawo, cadceed-soobaxa daawo, daawo sawir-gacmeedyada abuurta sida dooxooyinka, webiyada, togagga iyo laaca.

3. Nafaqee maskaxdaada iyo jirkaaga

Nafaqeynta maskaxdaada iyo jirkaagu waxay kuu oggolaaneysaa in aad hadda iyo berriba (mustaqbalka) lahaato tamar badan, aqoon badan, naxariis badan, aragtiyo badan, xoog badan iyo in aad lahaato adkeysi jir iyo maskaxba leh. Ballaari maskaxdaada. Si joogta ah in aad waxyaalo cusub u barato waxay maskaxdaada u yeeleysaa firfircooni waxayna kuu suurtogelineysaa lahaanshaha awood maskaxeed.

  • Akhri – wax walba iyo wax kasta.
  • Sahmi dhaqamo cusub –  ka qeybgal mahrajaanno iyo bandhigyo-dhaqameedyo, dhegeyso heeso iyo muusig kala duduwan, safarro u bax ama la saaxiib dad kala dhaqamo duwan.
  • Fur maskaxdaada – dood la gal dadka kaa aragtiyaha duwan.
  • Maskaxdaada ha shidnaato – dheel cayaaraha xujada iyo hal-xiraalooyinka, dheel cayaaraha maskaxda ka shaqeysiiya sida iskaakada (shadranji=chess), shaxda iwm. Ilaali jirkaaga. Ka soo qaad in jirkaagu yahay sidii mashiin saani u shaqeeya. Haddii aad u ilaaliso jirkaaga sidii aad u ilaalin lahayd baabuur qaalli ah, [jirkaagu] wuxuu u shaqeyn doonaa si yaab leh. Xusuusnow arrimahan aasaasiga ah.
  • Sii shidaal tayo leh – macnaha: intii suurtogal ah ku quudi cunno nadiif ah oo wanaagsan. Waxaad tahay waxa aad cunto, waxaad tahay waxa aad jidiinkaaga mariso.
  • Xoog ha u cadaadinin – macnaha: sii jirkaaga bajiino ku filan. Samee jimicsi joogta ah oo ku habboon hab-nololeedkaaga.
  • Joogto u dayactir – macnaha: booqo dhakhtarka marka aad bukooto. Ha ka daahin dhakhtarka oo ha aadin kaliya marka aad bestaa noqoto.
  • Dhalaali inta sare – macnaha: ku dadaal jirkaaga inta sare ee muuqata. Tani loolama jeedo in aad maqaarka dubka isaga dhigto, ee waa si fiican timaha u xiiro, dhar wanaagsan xiro oo ku soo saaraya soo jiidasho iyo kalsoonina kugu biirinaya. Subaxdii indhaa kuulo

Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban
Ku illaali saabuunta. -Hadraawi

  • Maalgashiga aad ku samayso naftaada wuxuu isbeddel weyn ku soo kordhin karaa noloshaada, caafimaadkaaga iyo kartida aad ku xaqiijineyso ujeeddooyinka nolosha. Heerka aad maalgashato naftaada, maskaxdaada iyo jirkaaga, kaliya ma qaabeynayo sida aad ula falgaleyso (ula tacaamuleyso) adduunka kugu weegaaran, ee [xataa] wuxuu ka soo muuqanayaa aragtida aad idigu iska qabto. Qeyb weyn oo mustaqbalkaaga ah waxaa go’aaminaya sida aad ugu heellan tahay iyo awoodda aad damacsan tahay in aad maanta ku maalgeliso naftaada.

Maqaalkan waxaa qortay Royale Scudderi. Waxyaabo yaryar ayaan ku biiriyay kana reebay. Maqaalka oo wada dhan waxaad ka akhrin kartaa bogga lifehack.org

Shaakir Maxamed Cabdullahi

Shakirma.blogspot.com

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *