10 Sababood Oo keena In Hadafkaagu kuu Hirgeli Waayo

Hadafkaagu, riyadaada, hirgelinta hadafka(1.) Hadafkaagu kuuma xaddidna.

Marar badan waxaad arkaysaa qof ku leh inaan wax bartaan rabaa, haddana waan u dhaqaaqi la’ahay. Inaan wax bartaan rabaa. Inaan hanti yeeshaan rabaa. Inaan dadkayga wax taraan rabaa. Intaasoo dhamiba hadafyo xaddidan ma aha, ee waa riyooyin guud. Riyada iyo hadafkana farqi baa u dhexeeya. Cid waliba way riyootaa oo wax bay doonaysaa inay maalin uun gaadho, laakiin riyadaasi wuxuun bay rumowdaa kolka hadaf loo baddalo, hadafkaana shuruudihiisa la buuxiyo. Shuruudaha hadaf-dhigashadana waxa ugu horreeya kolka hore in hadafkaagu xaddidan yahay. Dhowr tusaale aan hoos idiinkula wadaago oo tilmaamaya waxa ay ku kala duwan yihiin riyada hadafka u eeg iyo hadaka xaddidan:

Tusaalaha koowaad.

Riyada hadafka u eeg: “Waxaan rabaa inaan wax barto.”

Hadaf xaddidan: “Haddu Eebbe yidhaahdo, waxaan rabaa inaan 2022 aan ka qalin jabiyo kuliyadda dhaqaalaha”

Tusaalaha labaad.

Riyada hadafka u eeg: “Waxaan rabaa inaan wax akhriyo.”

Hadaf xaddidan: Haddu Ilaahay yidhaahdo, 2018 waxaan akhrinayaa 25 buug oo ku kala saabsan cilmu nafsiga, taariikhda iyi shareecada.”

Tusaalaha saddexaad.

Riyada hadafka u eeg: “Inaan miisaanka iska dhimaan rabaa”

Hadafka xaddidan: “Haddu Eebbe yidhaahdo, 90 ka cisho ee soo socda, waxaan iska dhimayaa 15 kiilo.”

Ma aragtaa waxa ay ku kala duwan yihiin labadaa nooc hadaf? Aad bay u kala duwan yihiin. Way kala saafan yihiin. Way kala xaddidan yihiin. Weliba mar kasta oo aad sii saafto ama aad macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida aad ku gaadhaysid aad ku darto, way ka sii wanaagsan tahay.

Sababta ugu horreysa ee aad yoolkaaga ama hadafkaaga aad u xaqiijin la’dahay waa xaiddid la’aan. Riyadaada u baddel hadaf xaddidan.

(2). Ma lihid sabab xooggan.

Waxaan horay u soo tilmaannay in mid ka mida sababaha uu hadafkaagu kuugu hirgali la’yahay ay tahay inaanu kuu xaddidnayn. Sababta labaad ee uu hadafkaagu kuugu hirgeli la’yahay na waa inaadan lahayn sabab xooggan oo muujinaysa inay dhab kaa tahay inaad hadafkaa gaadho.

Hadafkaagu si uu kuugu xaqiijismo, waxaad u baahan tahay inaad leedahay sabab xooggan oo aad u doonayso inaad hadafkaa hirgeliso. Waa inay kuu sawiran tahay waxa ay xaqiijinteedu noloshaada ku soo kordhinayso. Sidaa si la mida waa inay kuu sawirran tahay haddii aad yoolkaa xaqiijin waydo, waxa aad ku waayayso iyo waxa ay ku badayso. Ahdaaf badan oo aynnu leenahay waa uun iska rabnaaye, ma naqaanno sababta dhabta ah ee aan u rabno. Sidoo kale inooma sawirna waxa ay nolosheenna ka baddelayso ama aan ku waayayno haddaan xaqiijin waynno.

(4) Isuma aragtid inaad soo hirgelin karayso.

Qofku sidiisaba, ma xaqiijin karo hadaf aanu rumaysnayn in uu xaqiijin karo. Haddii aan is kale u dhigo, qofku wuxuun buu soo hirgelin karaa wixii uu isu arko in uu soo hirgelin karo. Waa inaad kolka hore suuraysan karto inaad gaadhi karto hadafkaaga, dabadeedba aad la timaaddo dedaalkii lagaaga baahnaa inaad ku soo hirgeliso.

Laakiin si kastoo aad u dedaasho, haddii aanad rumaysnayn in aad hadafkaa soo hirgelin karto, natiijadaadu wuxuun bay noqonaysaa mid liidata. Waxa jirta qaacido 4 geesood ah oo odhanaysa: Aragtida aad ka haysato awooddaada, waxay saamayn ku yeelataa ficilkaaga, ficilkaaguna wuxu saamayn ku yeeshaa natiijada ficilkaaga ka dhalanaysa, natiijadaasuna waxay sii xoojisaa aragtidii aad kolkii horaba awooddaada ka haysatay. Tusaale, haddii aad isu aragto in luqdda Ingiriisiga kugu adag tahay oo aanad baran karin, aragtidaadaasi waxay yaraynaysaa ficilka iyo dedaalka aad ku bixninaysa barashada luqadda Ingiriisga, ficilkaa yarna wuxu saamayn ku yeelanayaa oo dhalayaa natiijo yar, natiijadaa yarna waxay sii xoojinaysaa aragtidaadii hore ee ahayd Ingiriisugu wuu igu adag yahay oo ma baran karo. Sidaa uun bay marba marka ka dambaysa u sii xoogaysanaysaa aragtidaa uu qofku iska haysto illaa ay aakhirka ku kallifto in uu isaga hadho in uu Ingiriisiga barto. Ingiriisiga tusaale uun baan usoo qaataye, wax waliba oo aad doonayso inaad xaqiijiso, waa la mid. Waxaanad suuraysan karin inaad gadhi karto, hirgelin kari maysid. Waa inaad aragto si aad u gaadho.

Haddaba, haddii uu jiro hadaf aad doonayso inaad xaqiijiso, welina aad xaqiijin kari la’dahay, is waydii in dhibtu tahay aragtida aad awooddaada ka haysato inaad yookaa xaqiijin karto iyo in kale.

(6) Diirad-saaryo la’aan (Lack of focus)

Hawl walba oo aynu doonayno in aynu si wacan u qabanno ama hadaf kasta oo aynu rabno in aynu gaadhno, wuxuu inooga baahan yahay diirad-saaryo, weliba hadafba hadafka uu kasii sarreeyo ayuu kasii diirad-saaryo doonis badan yahay. Diirad-saaryadaadu hadday kala tagtagsan tahay oo aad hadba meel u boodayso, way adkaanaysaa inaad hadafkaaga u heshid tamar badan oo aad ku hirgeliso. Tamarteennu waxay hadba aaddaa halka ay diirad-saaryadeennu aaddo. Haddaad waxyaabo badan mar qudha ku wada foogan tahay, oo aadan mudnaan siin hawsha kuugu muhiimsan, tamartaaduna way qaybsamaysaa, taasina waxay sababaysaa inaadan si wacan u qaban hawshii kuugu muhiimsanayd ee kuu taallay. Dhallinyaro badan, iyagoo hadafyo waawayn hiigsanaya, ayay haddana rabaan shimbirtii sooshal miidhiyaha ka dhex dawaaqdaba in ay faallo ka bixiyaan. Haddii sawaxanka sooshal miidhiyuhu hagayo diirad-saaryadaada, goormaad tabar u helaysaa hirgelinta hadafkaaga?

Hawshaa aad doonayso inaad qabato, ha uga tallaabin hawl kale illaa aad iyada ka dhammayso. Haddaad se hadba mid kale ku booddo, dhugmadaada iyo diirad-saaryadaadu way qaybsamayaan. Dhagaha ka awdo sawaxanka sooshal miidhiyaha, oo ku fooganow hawsha ku hortaal ee tamarta kaaga baahan. Xilligan aynnu maanta nool nahay waxa la yidhaahdaa dhugmadu (attention) waa dhaqaalaha cusub ee dunida. Waayo cid waliba waxay isku hawshay siday ku soo jiidan lahayd dhugmada dadka si ay uga iibiso waxa ay gadayso. Mar haddii dhugmadeennii sidaa la isugu haysto, diirad-saaryadeenuna ilaalin bay u baahan tahay si tamarteennu aanay u aadin meel aan inoo muhiim ahayn.

Haddaba, diiradda saar oo mudnaan sii hawsha kuugu muhiimsan, illaa aad ka hirgelinaysana ha u boodin hawl kale. Sidoo kale, ilaali dhugmadaada, yaan lagaa xadin. Waayo dhugmada iyo diirad-saaryadaadu waxay hagaan tabartaada, tabartaaduna hadday qaybsanto, hawl wacan qaban kari maysid, hadafkaaguna waligii qabyuu kaa ahaanayaa.

(5) Wakhtigu kuuma xaddidna

Waxa la yidhaahdaa farqiga u dhexeeya riyada iyo hadafka, waa wakhtiga oo xaddidan (deadlines). Waxaa laga yaabaa inaad taqaan waxa aad rabto iyo sababta aad u rabta. Waxaa laga yaabaa inaad qaadatay go’aan adag, sidoo kalana waxa dhici karaysa inaad isu aragto inaad leedahay kartidii iyo karaankii aad ku fulin lahayd. Laakiin haddaanu hadafkaasi lahayn xilli xaddidan oo aad bilaabayso iyo xilli aad ku dhammaynso, way adkaaganysaa inaad hadafkaa xaqiijiso, waayo maalinba maalin bay kugu ammaahanaysaa, sidaad u leedahay berri baan bilaabayaana waxaad is arkaysaa wakhtigii oo tagay iyo adigoon hadfaakgii gaadhin. Waxba lama dhammaystiro haddaanu jirin xilli cayyiman oo hawshaa la guda-gelayo iyo xilli xaddidan oo lagu dhammaystirayo.

Muddo cayyimiddu waxay dardar gelisaa nafta, waxayna u diiddaa caajiska. Sidoo kale waxay kuu fududaynaysaa inaad yeelato diirad-saaryo iyo mudnaansiin. Ha dhigan yool haddaanad u samaynayn muddo cayyiman oo aad doonayso inaad ku xaqiijiso. Tusaale, waa uun riyo haddaad tidhaahdo waxaan doonayaa inaan 15 jus xafido, waxaad se riyadaa xaqiijin kartaa kolka aad tidhaahdo: 2021 marka la gaadho, waxaan rabaa inaad 15 jus xafido. Tusaale labaad, waa riyo uun haddaad tidhaahdo waxaan doonayaa inaan ganacsi furto. Waxay se riyadaa hadaf la xaqiijin karo noqon kartaa marka aad tidhaahdo: Waxaan doonayaa inaan December 2019 furto ganacsi noocaa iyo noocaa ah. Waad ila garataan filayaa? Haye, waa si wanaagsan haddaba.

(7) Qorshe qeexan ma lihid

Waxaa la yidhaahdaa: haddii aad ku guul-darraysato inaad qorsheyso, waxaad qorshaysay inaad guul-darraysato.

Hadafku waa sida meel kuu bar-tilmaansan oo aad doonayso inaad gaadho oo kale. Waxay ka dhigan tahay sido adigoo doonaya inaad magaalo hebela aadid. Marka aan doonayo inaan Hargaysa ka safro, una safro Laascaanood oo aan horay ugu safrin, waxaa la iiga baahan yahay inaan iswaydiiyo oo aan qorshaha ku darsado arrimo dhowra: gaadiidkii i geyn lahaa, qarashkii igu bixi lahaa iyo sidaan ku keeni lahaa, ciddii ama qalabkii i hagi lahaa, halkii aan ku degi lahaa, halkii aan ka shiidaal qaadan lahaa iyo waxyaabo kale oo badan oo muhiima. Marka aad doonayso inaad gaadho yool aanad horay u gaadhinna waa sidaas oo kale.

Waxaad u baahan tahay inaad is waydiiso inaad diyaarsatay aqoontii, xifradihii, caadaadkii (habits), jadwalkii, istaraatiijiyadihii aad caqabadaha kaa hor imaanaya uga hor tagi lahayd iyo wixii yoolkaa gaadhiddiisa kaa caawin lahaa oo dhan.

Halka aad ka dhaqaaqayso iyo halka aad doonayso inaad gaadho, waxa u dhexeeya fagaag (gap) wayn oo ay tahay inaad tallaabo tallaabo u qorshayso. Inta badan waxaynnu dhigannaa hadafka oo qudha (halka aynu u soconno), isma se waydiinno muxuu hadafkan iiga baahan yahay oo hawl ah, oo aqoon ah, oo istaraatiijid, oo xirfad ah oo caado cusub ah. Ahdaafta qaar baa waxay kaa rabaan inaad xirfado u barato. Tusaale haddaad doonayso inaad ganacsade noqoto, waxaad u baahan tahay inaad barato xirfadda xisaabinta (accountant), xirfadda iibinta (sales), xirfadda suuq-gaynta (marketing) iyo xirfado kale oo badan.

Sidoo kale, ahdaaf badan oo kale waxay kaaga baahan yihiin inaad caado cusub abuurato. Tusaale, haddaad doonayso inaad buug qorto, waxaa lagaaga baahan yahay inaad abuurato caado cusub oo ah inaad maalin walba wax qorto muddo 66 maalmood ah.

Sidaa daraadeed, hadaf kasta oo aad doonayso inaad gaadho, qorshee oo iswayddii inaad diyaarsatay aqoontii, xirfadihii, caadooyinkii, istaraatiijiyaddii, jadwalayntii iyo wax wal oo kaa caawin karaya gaadhidda yoolkaaga.

Qalinkii Mubarak Hadi

Facebook: Mubarak Hadi

Youtube: Mubarak Hadi

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *