10 Qodob oo kaa dhiga mida shaqadeeda ku guulaysata

ibada ahmed
Maxaa shakhsiga ka dhiga mid shaqad uu hayo si weyn uga dhex muuqda? Muxuu shakhsigu ku kasban karaa shaqadiisa iyo dadka ay wada shaqeeyaan?

Tobankan qodob ee soo socda ayaa ah sirta ama taatikada ku gaarsiin karta guusha shaqada.

1. Qeex shaqada (define success) markaad waraysiga kowaad ku jirto ama marka aad shaqada bilowdo. Qofka guuleystaa waxa uu shaaca ka qaadaa waxa laga filaayo inuu shaqada ku biiriyo, waxaa suurto gal ah inaad manager kaaga waydiiso “ sidaan ugu guuleysan karaa shaqadan?” (how I can be successful in this role?). xattaa haddaanay shaqo cusub ahayn ha ka daahin inaad boos kaaga sida ugu suurto galsan ee shaqadaada iyo kooxdaadaba aad wax ugu biirin karto.

2. Noqo wakhti dhawre (be on time): markaad kulan ka habsaanto si aan toos ahayn waxaad u leedahay “ma ixtiraamaayo qiimaha wakhtiga” xattaa haddii ay dadka kale wakhtiga dhawri waayaan waa inaad adigu dhawrtaa, ogow wakhtigu waa lacan.

3. Isticmaal fariin cad ( e-mail etiquette) inkasta oo e-mail ku yahay agab faa’iido badan wakhtigan hadana waxaa suuto gal ah in fariintaad qortay si fiican loo fahmi waayo ama si qaldan loo fahmo, markaa haddii wax degdeg ah kugu yimaado waa inaad isticmaashid telefoon ama fool ka fool, daryeelmagazine.com ayaa ku leh ogow xidhiidhka tooska ahi waa waxa ugu sahlan ee aad ku xallin kartid mushkilladda. Ogaw weligaa ha dirin fariin adigoo kacsan ama xanaaqsan illaa aad degto.

4. U dhaqan sida togan (stay positive) ma ku raaxaysataa inaad la shaqaysid qof had iyo jeer xanaaqsan ama caraysan? Inaad si furfuran u shaqaysaa waa hibo. Maalin kasta waxaa isugu kaa yimaada arrimo badan oo is diidan oo adiga xal kaa sugaaya iyo inaad fur-furto. Ku hay maskaxda in kelmadaha toosani ay aad ugu awood badan yihiin xidhiidhka tooska ah.iyo sidoo kale xidhiidhka qoraalka ahba ee u dhexeeyada dadka wada shaqeeya.

5. Iska ilaali xanta shaqada (skip the gossip) xantu sideedaba waa xaaraan waxa loo xaaraan timeeyeyna waa xumaanta ku jirta, markaa wax xun ama uu diidanyahay haka sheegin shaqada iyo cidda aad wada shaqaysaantoona. Habka keliya ee aadk u heli kartid saaxiibtinimo dhab ah oo daacad ah waa inaad wanaagga qofkuun sheegtaa ama iskaba aamustaa.

6. Hambalyee naftaada (congratulate your self) qofka guuldaraystay had iyo jeer ugu canbaareeyaa naftiisa iyo wax uu qabtay, markaa si aan caadadaa u bedelno waa in aan u hambalyaynaa nafteenna markaan shaqo wanaagsan qabanno.

7. Ha u hadlin naftaada (it’s not personal) waxaan qabannaa hawlo intaan shaqada ku jirno ha u nisbayna naftaada oo keliya oo ha oran waxaa saan qabtay ama ku idhi ee waxaad adeegsataa erayo guud oo ay  ka mid yihiin waxaanu samaynay ama aanu ku niri iwm sida haddii hawshu ay guuldaraysato aanay ahayn inaad ku guuldaraysatay keligaa ha u qaadan wax qabadka iyo guusha shaqadana keligaa.

8. Yaree arrimaha shakhsiga ah (limit the personal on work time) ka waran haddaad ku mashquusho arrimaha kuu gaarka ah intaad shaqada ku jirtid, ka waran haddaad facebook ku mashquusho ama daawato halkii aad shaqada.

9. Daba gal samee (flow through) haday noqoto inaad shaqabato, qabo,hana illaawin inaad daba gasho, haddaad dhamaystirto shaqadaad bilawdo, waxay kaa dhigaysaa qof la isku halleeyo, la aamino oo aan la bedelin.

10. Isticmaal fadlan iyo mahadsanid (say please and thank you) labadan kelmadood ee fududid waa kelmedo awood badan dhinacan xidhiidhka afka ah iyo ka qoraalka ah labadaba. Runtii imisa xiiso ah ayaad dareentaa haddii qof kugu su’alo fadlan kuguna maca salaameeyo mahadsanid? Dhamaanteen bani aadan baanahay, hadaad doonayso wanaaga dadka kale tani(labadan kelmadood) waa habka ugu sahlan ee aad ku kasban kartid.
Abdirahman Osman Gaas

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *