10 Nooc Oo Ganacsiga Loo Casriyeeyo

casriyeeyo innovationCasriyayntu waa hab wax looga badalayo wixii hore ee jiray sida badeeco ama adeeg. Waxaa jira ilaa 10 nooc oo casriyeyn ah, kuwaa oo aad ka fahmi karto meelaha laga samayn karo isbadal faa’ido u leh ganacsiga. 10-ka nooc ee loo casriyeeyo ganaacsiga, waxa kamid ah kuwan soo socda.

PROFIT | FAA’IDO / SIDA AAD KU HELI KARTO FAA’IDO

Naqshada faa’idada ee casriyayntu waa helida hab cusub oo aad lacag uga samayn karto adeega iyo badeecada shirkadda. Waa si qoto dheer in aad u fahamto waxa macaamiishu ay dhab ahaan u baahan yihiin iyo meesha aad kasoo saari karto daqli cusub iyo fursado qiime leh. Naqshadaha faa’ido doon ku waxa ay badanaa ka hortagaan sida shirkadu daqliga u ururiso, qiima saarida iyo waxa aad ka gadayso macaamiisha. Waxa ay naqshadan dib u eegtaa habab kaa oo aan muddo badan wax isbadal ah lagu samayn.

NETWORK | ISKU XIR / XIRIIR KA AAD LEEDAHAY

Waqtigan casriga ah aad ayey isugu xiran tahay dunidu. Ma jirto shirkad kaligeed samayn karta ganacsi xiriir la’aan. Casriyeyn ta isku xirku waxa uu ka kaabaa shirkada in ay ka faa’idaysato farsama, habka loo shaqeeyo, magaca, adeega, iyo dhamaan wixii kale ee aad ka kaalmaysan karto shirkad kale oo dhan. Tani waxa ay dhalin kartaa in shirkadu hagaajiso nidaad keeda shaqo iyo in sidoo kale ay ka faa’idaysato shirka daha kale.

STRUCTURE | DHISMAHA / NIDAAMINTA IYO ISU DHEELI TIRKA XIRFADA IYO RAASUMAAL KA SHIRKADA.

Casriyeynta Qaab dhismeed ka shirkadu waxa uu ku saabsan yahay nidaamin ta raasumaal ka shirkada- sida; dad ka, raasumaal ka aan dad ka ahayn ( hanti guud ) iyo mid aan la taaban Karin ( sida magaca, macaamiisha , iwm )- qaab gaar ah oo abuuraya qiime. waxaa ku Jiri kara wax kasta laga bilaabo awooda hab maamulka sare ilaa sida shaqaaluhu howsha u qabtaan. Qarashaad ka iyo shaqada shirkada oo dhan ayaa kor loo qaadi karaa iyadoo la marayo cariyeyn qaab dhismeed ka shirkada oo ay ka mid noqon karto qaybta shaqaalaha, cilmI baarista iyo Horumarinta, iyo IT ga. Casriyeynta nuucan ahi waxa ay abuuraysaa hab shaqo wax-soosaar sare leh ama kicinta heer waxqabad dadka kula loolamaya aysan kugula baratami Karin.

PROCESS | HOWSHA / SIDA AAD U QABATO HAWSHA.

Casriyeynta howshu waxa ay ku lug leedahay dhaq-dhaqaaqa iyo wax soosaar ka shirkada aas-aas ka u ah. Inaad casriyeyso qaybtan waxa ay u baahan tahay isbadal weyn oo lagu sameeyo ” sida caadiga ee howsha loo qaban jiray “, lagana dhigayo hab u suurto galinaya in shirkadu ay isticmaasho awood gaar ah, wax soosaar hufan, la qabsi dhaqso ah, iyo dhisida suuq – hormuud u ah xad-dhaaf ( margins ).

Casriyeynta howshu inta badan waxa ay abuurtaa xad-dhaaf ka asal ka ah ee shirkada, waxana ku Jiri kara qaabab dhali kara faa’ido muddo badan.

PRODUCT PERFORMANCE : WAX QABAD BADEECO

Sida aad u horumariso muuqaalada iyo wax qabad ka badeecada.Casriyeynta wax-qabad ka badeecadu waxa ay ka turjuntaa qiimaha, muuqaalada, iyo tayada badeecada shirkada. Casriyeynta nuucan ahi waxa ay ku salaysan tahay samaynta badeeco cusub ama sidoo kale casriyeyn iyo ku darida wax kale oo faa’ido la taaban karo leh.

Dad ku inta badan waxa ay isku qaldaan wax-qabad ka badeecada iyo casriyeynta guud, laakiin waxa muhiim ah in aad xusuusato in ay tahay mid kamid ah 10ka nuuc ee casriyeynta, waana tan uGu fudud ee ay naqshad xadid ku samayn karaan kuwa kula loolamaya.

PRODUCT SYSTEM / HABKA BADEECADA

Habka badeecadu waxa uu abuuraa badeeco iyo adeeg is kaaba. Casriyeynta habka badeecadu wax uu salka ku hayaa sida hal shay/badeeco ama adeeg uu u kaabo / ama uGu xirmo ama jumlo ahaan si wada jira uu u abuuro hab casriya oo is waafaqsan. Tan waxa ay keentaa badeeco ama adeeg wada shaqeeya, is kaba, wada socon kara, is dhex-gala oo leh isku xirnaasho faa’ido dhalin kara marka uusan ahay badeeco/adeeg kali giis ah. Casriyeynta habka badeecadu waxa ay kugu caawinaysaa in aad shisto hab isku xiran oo soo jiita macaamiisha , kaana difaaca kuwa kula loolamaya.

SERVICE/ ADEEGA

 SIDA AAD U KAABTO OO AAD U WAYNAYSO QIIMAHA BADEECA DAADA.

Carsiyaynta adeegu waxa ay xaqiijisaa oo sare u qaadaa , waxqabad ka iyo qiimaha cad ee badeecada. Waxa ay fududaysaa in si sahlan loo tijaabiyo ama isticmaalo. Waxa ay iftiimisaa isticmaal ka iyo qaab ka shaqada ay suurto gal tahay in macaamiishu aysan u fahmin. Waxa ay sare u qaadaa cilad saar ka badeecada iyo xalin ta dhibka ka dhasha isticmaal keeda.

CHANNEL | GAARSIIN 

SIDA AAD U GAARSIIYO BADEECADA MACAAMIISHA IYO DAD KA ISTICMAALA

Casriyaynta Gaarsiintu waxa ay isku xirtaa shirkada iyo macaamiisha. Sida aad u gaarsiin lahayd badeecadaada macaamiisha. In kastoo, marka laga hadlayo gaarsiinta la maro habab badan, waxaa aad muhiim u ah habkii hore ee dukaamaysiga ( goob macaamiishu ka heli karaan badeecada ama adeega). Waxa aad muhiim u ah in macaamiishu aad u gaarsiiso badeecada ama adeegaaga sida ay u rabaan, marka ay rabaan iyo sida ay u rabaan oo ugu raqiisan , wax dhib ahna aysan lasoo darsin macaamiisha.

BRAND | MAGAC

Casriyeynta Magacu waa in macaamiishu ay ku yaqaanaan, ku xusuustaan oo ay weliba ka door bidaan badeecada iyo adeeg gaaga kuwa kula loolamaya ama kuu dhigma. Shirkadaha waaweyn waxa ay leeyihiim “ BALAN” qaad soo jiita dad ka wax gadanaya, isla markaana muujiya astaan aqoonsi gaar ah.

Tani waxa ay ka dhalataa dadaal iyo siyaabo cusub oo la hormariyo taa oo saamaysaa xiriir ka shirkada iyo macaamiisha sida wada-xiriir ka, xayeysiinta, marka adeeg aad samaynayso, goobaha ganacsiga ee macaamiisha ay yimaadaan shirkada iyo si kasta ee shirkada ama dad shirkada matala ay xiriir ula yeshaan macaamiisha.

Casriyaynta Magacu ay ka dhigi kartaa badeecada ama adeega shirka daada mid qiime sare leh, waxana ay gudbin kartaa macne buuxa.

CUSTOMER ENGAGEMENT| DHIIRI GALIN MACAAMIISHA

 SI AAD U ABUURTO XIRIIR XIISE REEBA.

Casriyaynta dhiiri galinta macaamiishu waa faham qoto dheer ee macaamiisha iyo dad ka isticmaalaya badeecada iyo adeeg gaaga. Fahamkaa oo aad u adeegsato xiriir dhab ah ee dhex mara macaamiisha iyo shirkad daada. Xiriir kan waxa uu abuuri karaa kamid ahaansho, caawin , hawl sahlid iyo kalsooni.

W/Q: ABDULKADIR A. ADAN  

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *