Fariin Muhiim ah

 

FARIIN MUHIIM AHWiil: Aabe, Shaqada ha aadin maalin kasta. Waqti ila qaado aniga

Aabe: Wiilkeygi qaaliga ah, haddii aanan shaqada aadin maalin kasta, yaa kuu soo iibinaya alaabo aad ku ciyaarto?

Wiilkiisi: Ha aadin maalin kasta laakiin aad Jimce ka Jimce

Aabe: Wiilkeygi, haddii aan shaqada aado keliya maalmaha Jimcaha ah, way iga ceyrinayaan shaqada

Wiilkiisi: Laakiin Aabe, waxaad aadaa Musaajidka keliya maalinta Jimcaha!! Alle miyuu ku ceyriyay weligiis?

Aabihi wuxuu la ooyay isagoo aad uga naxay hadalkaa, una qoomameynaya.

Caruurtu aad bay u fahan iyo garasho fiican yihiin. Waalidku wuxuu u yahay tusaale.
Caruurtu la joogida ayay ka jecel yihiin hadiyad iyo alaabo loo soo iibiyo.
Salaadu waa camalka koowaad ee qofka Muslinka ah laga rabo. Waajibka santa Salaadood gudo maalin kasta, Shaqeyso, waqti fiicana la qaado Qoyskaaga.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *