Xiriirkaaga Xaqdhowr

xiriirkaagaWiil iyo gabar ayaa wada ciyaarayay. Wiilku wuxuu heystay dhawr xabo oo baliil (fataatiir) ah. Gabadhu waxay heysatay xoogaa nacnac ah. Wiilki ayaa gabadha u sheegay inuu siinayo dhamaan baliilihiisa hadey nacnaca wada siiso. Gabadhi way ku raacday. Wiilki wuxuu qarsaday xabadi ugu weyneyd uguna quruxda badneyd baliilaha, inti kale ayuuna gabadha siiyay. Gabadhi waxay siisay dhamaan nacnaceedi sidi ay ballan qaaday.

Habeenkaas, gabadhi si nabad ah bay u seexatay. Laakiin wiilki wuu seexan kari waayay isagoo ka welwelayay kana shaki qabay in gabadhu xoogaa nacnac ah ka reebatay sidi uu isagaba baliishi ugu quruxda badnayd ula haray!!.

(Haddii aadan xiriirkaaga siin boqolkiiba boqol, waxaaad had iyo jeer ka shakineysaa in qofka kale uu ku siiyay boqolkiiba boqol, iyo inuu wax u qarsaday sidaad u qarsatay)

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *