Sidee Ninku u Kordhin Karaa Jaceylka Xaaskiisu Ay U Qabto?

Xaaska, jaceyla lammaanaha, soo jiidashada dumarkaBismillah, As-salamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh, Mahad dhamaanteed waxay usugnaatay allah, Naxariis iyo nabad galyo hagaadho rasuulkeena Muxamed salalahu calayhi wasalam, iyo inti raactay jidkiisa. Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa cabsida alle, walaalayaal alle oo laga cabsado, loona hogaansamo ayaa aakhiro iyo aduunba guul lagu gaari karaa. Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba oga digayaa in aan allah kucaasino oo jidkii uu noo jideeyey aan ka leexano.

Walaalayaal mowduucaan maantay ka hadlayno waa “ Sidee ninku u kordhin karaa jaceylka xaaskiisu ay u qabto”,

Ninyahow hadii aad doonayso in ay xaaskaagu kujeclaato laimow arimahan soo socda:

  1. Allah kacabso, wuxuu ku amray oo dhana la imow
  2. Ku dadaal in aad nabi muxamed salalahu calayhi wasalam ku dayatid
  3. Gurigaaga markaad soo gashid salaanta islaamka ku salaan xaaskaaga
  4. Xaaskaagu markastoo ay ku fiiriso udhoolacadee, habna sii markaad magaalada ka timaado
  5. Xaaskaaga ugu yeer magacyo quruxsan, tusaale in aad dhahdo “farxiya cadeey”
  6. Xaaskaaga howsha qaarkeed la qabo sida in aad dharka soo dhaqdo
  7. Xaaskaaga ka ilaali waxyaalahay necebtay, sida Muraanka iyo hadalka Qalafsan
  8. Ka ilaali xaaskaaga in aad gabdho la hadasho ayadoo kuu baahaan , oo ku arkaysa.
  9. Usheekee xaaskaaga mar kastoo aad magaalada ka timaato.
  10. Iskuday habeen walba in aad xaaskaaga u sheekayso atleast ONE HOUR, Sheeko macaan.
  11. Xaaskaagu hakaahesho xaqeeda gogasha si joogta ah if you are not sick.
  12. Xiriiri xaaskaaga dadkay jeceshahay, sida hooyadeed, iyo qaraabadeeda.
  13. Xaaskaaga aad ugu naxariiso markay uurka leedahay iyo markay umusha tahay, aadna ula joog.
  14. Xaaskaaga isku day isbuuci in aad maalin hadiyad u keento, sida “Perfume” orsimple think.
  15. Xaaskaaga isku qurxi markaad guriga joogto, perfume marso, dhar nadiif ahna xiro,
  16. Mararka qaarkood xaaskaaga cunta banaanka uga keen ama banaanka isku raaca.
  17. Hadii aad awoodo xaaskaaga soo wada xajiya, ama wadankii wada aada.
  18. Xaaskaaga u gacan furnow oo iska ilaali Bakhaylnimada” Dangerous bay kutahay jacaylka
  19. Xaaskaaga ha ku aragto adoo quraanka akhrinaya, ayadana ka dhagayso una akhri.
  20. Xaaskaaga isla subciya hadii aad quraanka taqaanaan,

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *