Sifooyinka Xaaska Wanaagsan Ee Ay Raggu Ku Riyoodaan Inay Helaan

Inta aanan ugudbin tilmaamaha xaaska wanaagsan ayaa waxaynu wax ka eegeynaa sidii dumarkii hore marka ay guursadaan ula dhaqmi jireen ragooda iyo sida dumarka qaar ay manta ula dhaqmaan ragooda. Dumarkii hore waxay ahaayeen marka la guursado kuwo ka dambeeya ragooda aadna u ixtiraama, waxayna ogaayeen marka ay inantu guursato in ay galeyso nolol cusub oo aad uga duwan tii hore loogana baahanyahay mas,uuliyad iyo in ay wax badan kabedesho noloshii ay kunoolayd intii aanay guursan , waana in ay muujisaa gabadhu in ay tahay mid la qabo.

Laakiin dumarka qaar maanta waxaad moodaa in aanay waxba kafahamsaneyn farqiga udhaxeeya gabadha laqabo iyo tan madaxa banaan ee aan wali laguursan, Waxaad arkeysaa gabadh laqabo oo ninkeeda kula dhaqmeysa waxyaabo aan wanaagsaneyn , taa waxaa kadaran gabadh laqabo oo waxaad arkeysaa marka ninkeedu safar aado lahaasaaweysa rag kale iyadoo ka xishooneysa waa la iqabaa, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa DERISKAAGU WAA ILAALO AAN LAGUU DIRIN, waxaana dhacaysa in uu arintaan ogaado sowjkaagu, kadib waxay taasi keeneysaa furiin iyo burbur qoys .

Akhriso: Astaamaha ninka ay dumarka hada jira ku riyoodaan inay nolol la wadaagaan

kadib ragii kale ee ay lahaasaawi jirtay marka ay maqlaan arintaan iyo sida ay uga qarisay in la qabay waxay cuskanayaan maahmaahda odhaneysa SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAAdhO .Halkaasna gabadhii waxaa ugu bilaabanta murug tii ugu darneyd ee abid soo marta iyo calaacal aan wax kaqabasho lahayn. Hadaba si aad uga badbaadid waxyaabahaan una noqotid xaas dhowrsan oo aad u wanaagsan raac qodobadaan  hoos ku xusan oo muujinaya astaanta lagu yaqaan xaaska wanaagsan ama sifaadka sowjada saalixada ah .

1) Waxaa lagu yaqaan sowjada wanaagsan inay tahay qof had iyo jeer adeecda ilaaheed oo haddana saalixad ah .

2) Waxaa lagu yaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jidhkeeda marka uu maqanyahay.

3) Gabadha Wanaasani waa ta uu farxo ninkeedu markasta oo uu eego, haddii uu amrana waa tii adeecda .

4) Waa tii ku sugnaata gurigeeda oo aan ka kabixin hadii ay ka baxdana amarka ka haysata ninkeeda

5) Gabadha wanaagsani waa ta had iyo jeer ku salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn .

6) Waatan marwalba alle uga mahad Celisa ninkeeda maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayay.

7) Marka ay wax waydiisaneyso nin keeda waa tii doorata waqtiga ugu haboon iyo hadalka wanaagsan.

8) Gabadha wanaagsani waxay astaan uleedahay dabeecad wanaag badan.

9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu yahay kuwo laga arkayo cowradeeda.

10) Ma aha mid ninkeeda ku qaylisa marka ay wada hadlayaan.

11) Waxay kuwaanissaa ninkeeda inuu xadhiidhiyo waalidkiisa, walaalihiisa , rixikiisa iyo saaxiibbadiisa .

12) Gabadha wanaagsani waa mid khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13) Waa tan runta kadhigata dhar , kana fogaata beenta .

14) Waa ta ku barbaarisa carruurteeda jacayka ilaahay iyo rasuulkiisa ,kuna saacidin carruurta wax aanu ninkeedu raali ka ahayn oo xumaan ah , sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood .

15) Waa ta aan cadho badnayn aqoona lab-lakaca.

16) waxay aad uga fog tahay kibirka,is-cajabinta iyo isla weeynanta

7) waa tii had iyo jeer ka laabata indhaheeda aragga xumaanta , hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18) Waa tan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda .

19) Gabadha wanaagsan Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka aduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay .

20) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata , hadii wax ka xumaadaanna aan quusan .

21) Gabadha wanaagsan Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada alle kufaral yeelay .

22) Gabadha wanaagsan Waatan si buuxda u og in ninkeeda yahay sayidka gurigeeda, isaguna uu yahay kan maamula.

23) waa midda ka xusta rabigeed ( carrabka iyo qalbigaba) , had iyo jeerna aan iloobin,

24) Waa midda had iyo jeer sheegsheegin wixii ay ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

25) Waa tii qirata dambigeeda haddii uu khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.

26) Waa tii aan soomin soon sunne ah, ninkeeda oo raali ka ah mooyee .

27) waa midda aan isu ekaysiin ragga , xagga hadalka, socodka iyo

Dharxidhashada.

28) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda , isla markaana kudhibin wax aanu awoodin.

29) Waa midda mar walba ogsoon weeynaanta xaqa ninkeeda , kuna raali galisa ninkeeda wixii aan macsi ahayn oo dhan.

30) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo jidhkeeda ninkeeda mooyee .

31) Waa tan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan .

32) Waa midda aanu soo gelin gurigeeda qof aanu Ninkeedu raali ka ahayn.

33) Ma-diido ninkeeda, haddii uu ugu yeedho Sariirta

34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda muuqata xagga ( naddaafada iyo labiska) iyo tan qarsoon xagga ( diinta $ taqwada ) .

35) Waxay kaloo caan kutahay ma aha tii fidisa sirta ninkeeda $ gurigeeda .

36) Waa midda aan ku kalifin ninkeeda wax aanu awoodi Karin oo aduun ah.

37) Ma aha mid hub kadhigata , quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.

38) Waa tii had iyo goor ka shukri naqda wax walba oo ay hesho , haba ahaadeen wax yar .

39) Waa midda aan kadalbin furiin joogta ah , ninkeeda sabab la,aan .

40) Waxay ninkeeda umuujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.

41) Waa midda ku- taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo uu falayo , lana garabtaagan waanooyinka wanaagsan iyo dhiira gelinta suuban.

NASRA MOHAMUD ELMI ( NASRA DEGAN )

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *