Misirka Iyo Faaidooyinka Uu Hodanka Ku Yahay

misirka misirtaMisirku waa geed midhihiisa mar hore oo fog la ogaaday waana cuntada dadka saboolka ah eenan haysan hantik u filan oo ay ku iibsadaan hilib,sidaa daraadeedna waxa lagu magaacabay hilibka dadka sobool ka ah.

Dhinac kale culumada nafaqadu(nutrition) ku maanta waxa ay rumaysan yihiin misirku in uu yahay cuntada ugu faa’idada badan uguna hodansan gabi ahaan, ma taqaana sababtaa?

Bani’aadanku cunista misirka waxa uu ogaaday mudo hore oo fog isaga oo ahaa misirku cuntada uugu muhiimsan ee laga cuno wadanka Hindia,kadibna waxa uu usoo gudbay dalalka Irak, Shaam iyo Masar tii hore.

Misirka ayaa waxa uu lee yahay midabo kala duwan oo kala ah casaan,Buni iyo cagaar ama akhtar isaga oo loo cuno habab kala duwan. Habka uugu caansan ee loo kariyo ayaa ah sida maraqa oo kale kasoo ku faafay dalal badan,jecel yihiin yar iyo wayn sabab too ah dhadhankiisa oo macaan,qiimihiisa oo aad u jaban iyo karintiisa oo aad u fudud.

Culumada nafaqado (nutrition) ku waxa ay sheegeen misirka faa’idadiisa wayni in ay dhaafsan tahay sumcadiisa iyo cunistiisa aadka u faaftay,faa’iidooyinkiisana waxa kamid ah,

-Waxa uu ka kooban yahay (nafaqada dhirta) oo aad u badan (plant protein).

-Qolofta misirku waxa ay ka caawisaa qofka calool adayga.

-Waxa uu yareeya xanuunada wadnaha sababto oo ah waxa uu qani ku yahay fiber.

-Waxa uu ka kooban yahay misirku maadooyinka(Calcium,Phosphorus iyo birta).

-Waxaa ku badan borortiinka

Waxa uu hoos u dhigaa Cholesterol-ka.

-Jidhka waxa uu siiyaa awood.

Daraasad cusub oo la sameeyay dhawaan ayaa daaha ka fayday in cunitaanka misirku uu ka difaaco qofka unugyada Cancer ka,iyada oo ay cadaysay daraasadu in misirku uu ka hortago in unugyada Cancer ku ku samaysmaan jidhka ba’ani aadanka ama qofka.
Daraasadu waxa ay ku talisay in misirka marka la karinayo lagu daro huruuda (turmeric) tasoo inta badan dalalka Aisa ay u isticmaalaan inay cuntada ku daraan gaar ahaan Hindia. Daraasada ayaa ku sababaysay nuucan xawaashka ah marka lagu daro kariyo misirka ay faa’idaynayso kordhinta wax yaabaha ka hortagaya Cancer ka.

Waxa sido kale daraasadani ay ku talisay in la cuno maraqa misirka si looga faa’idaysto faa’idooyinka badan ee kujira, iyada oo waliba bariiska lagu darayo,taasoo bariisku ka caawinayo misirka(acid ka amino) la yidhaado oo kamaqan misirka,iyada oo daraasadu ay sheegtay bariiska iyo misirka midba midka kale ay is dhamaystirayaan cunto ahaan.

Halkaan hoose ka daawo sida maraq macaan oo laga samaynayo misir

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *