Ka Faa’iideyso Fursada ku soo marta!

1. Subax kasta markuu waaga baryo Fursad ayaa laguu soo bandhigaa. Adigay ku jirtaa inaad ka faa’iideysato ama lumiso. Inaad wixi shalay kaa qaldamay ku saxdo ama ku sii qaribto

2. Goortii fursad Albaabkaada soo garaacdo ha u oggolaan in Cabsi dib kuu celiso. Ka fur Albaabka oo qabso fursadaa sababtoo ah fursado isku mid ah laba jeer ma soo noqdaan

3. Dadku waa laba qeybood: Kuwa dhibaato ka dhex arka fursad kasta, iyo kuwo fursad ka dhex arka dhibaato kasta. Labadaa midka aad tahay adiga ayaa garanaya

4. Qof kasta mar buu helaa wixi uu weligii jeclaa ama ku riyoon jiray noloshiisa balse nasiib darro marki uu fursadaa dahabiga helo ayuu dayacaa, dib u noqdaa halki uu horay u socon lahaa.

5. Xusuusnow, Fursaduhu marnaba ma lumaan; qof kale ayaa qaadanaya tii aad khasaarisay

6. Wax kasta nolosha ku soo mara waxaad ka dhigan kartaa fursad aad ku guuleysato ama caqabad fashil & guuldarro kuu horseeda. Kala xulashada adigaa leh

7. Waxa ugu dambeeya aan ka shalayno waa fursadihi na soo maray oo aynaan ka faa’iideysan

8. Goortii albaab xirmo mid kalaa furma. Balse waxaan mudo dheer sii eegnaa albaabki xirmay annagoo ka shalayna, waxaana ku guuldareysanaa inaan aragno albaabki kale ee noo furmay

9. Ha iska sugin weligaa in Fursad kuu timaado, adigu abuuro sababtoo ah hadii aadan isku dayin oo ficil sameyn ma jirayso fursad aad ku guulaysato

10. Marnaba ha is dhaafin fursada ah qof ku Jecel, ku daneeya, diyaarna u ah in uu ku daryeelo. Marnaba ha ku ciyaarin dareenka qof ku jecel, ha dhaawicin qalbigooda sababtoo ah hubaashi maalin intaad baraarugto ayaad garan doontaa inaad dayaxa weyday kolki aad xidigaha tirineysay

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *