Faa’iidooyinka Saliida Saytuunka Iyo Sida Loogu Qurxiyo Jidhka & Timaha

Saliida olive ama saliida saytuunka waxa ay ka baxdaa waddama bariga dhexe ama waddama cimilada kulul leh. Saliida olive oil waa mid markeeda hore Quraani ah oo Allah (swt) ku xusay geedkeeda Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo waliba waa mid Sunnada Nabigeena suuban (scw ) aad uugu dahab ah. Waxtarkeedana aan halkan lagu soo koobi karin habka Rasuulka (scw) iyo asxaabtii Allah ka raali noqdee ay uuga faa´iidaysan jireen. Wanaaga ay geedkan zayntuunka (olive) waxa uu Allah (swt) kaga hadlaya suuradahan [surah at-Teen; 95: 1-2], surah al-An’am; 6: 99, 141, surah an-Nahl; 16: 11, surah an-Nur; 24:35, surah al-Mu’minun, surah at-Tin; 95: 1, and surah Abasa; 80: 29.

Haddana markale waxa uu Allah (Ta’cala) ku xusay geedka zaytuunka aayadan: [23:20], (24:25)

Saied Al-Ansari Allah ka raali ahaadee wuxuu Nabiga (scw) ka soo wariyey in uu yidhi: Cuna, kuna duuga jidhkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan. (At-Tirmidhi, Ibn Maja)

Khalid Bin Sa´d Allah ka raali ahaadee waxa uu yidhi: Waxaan imid Madiinah aniga iyo Ghalib Bin Al Jabr. Kadibna Ghalib ayaa aad u xanuunsaday intii aan safarka ku jirnay. Kadib waxaa noo imid Ibn Abi Atiiq, kadibna waxa uu noo sheegay in Caisha (Allah ka raali ahaadee ),in ay tidhi Nabiga (scw) waxa uu nabaray daawo. Daawadaas oo ah midhaha Kalonji. (xabasuuda). Waxa uu yidhi Khalid Bin Sacad (Allah ka raali ahaadee ) waxa aan burburinay dhawr midh oo midhaha ah kadibna waxaan ku darnay saliida zaytuunta. Kadibna waxa aan Ghalib siinay , kadibna halkaas buu Allah (swt) Ghalib ku caafiyey.

Maxaa ku jira saliidan caafimaad?

Waxa ay qani ku tahay dufanka jidhka u fiican een cholesterol ka xun lahayn, vitaminer.
• Vitamin A iyo E oo aad u sareeya
0 carbohydrates
0 proteins
100% fat of which 80% is an unsaturated fat (the healthy fats) and 10-15% is polyunsaturated
High content of antioxidants, phenol, polyphenol, phenolic acids, hydrocarbons

Saliida saytuunka waliba waa saliida uuga soo dhaw dufan ka dabayciga ah ee uu Allah jidhkeen ku abuuray. Sidaa darteed bay saliidan cunideeda iyo isticmaalka maqaarkuba dahab u yahay. Waxa kale oo ay qani ku tahay inay ay leedahay maado ka qayb qaadata dib u dhisida maqaarka, waxayna jidhka ka difaacda la dagaalanka free redicals oo ah waxyaabo sun ah. Waxa kale oo ay saliidani cajiibku tahay in ay jidhka qaboojiso sida marka uu jidhku hafeefanayo, ama cadceedu soo gubto, in ay maqaarka qaboojiso. Waxaa loo siticmaali karaa in ay jidhka qaboojiso xiliga xumadi jirto. Waxaa kale oo loo isticmaali kara marka uu madaxa ama dimaha guntoodu qalasho oo toxob/ agool gunta madaxu yeesho in lagu qooyo wasakhdana lagaga suuliyo. Haddii inta layara diiriyo saliida saytuunka timaha aflaaqada leh ama dhaawucu gaadhay la mariyo way caawinaysaa.

Noocee baa saliida uugu fiican?

Saliidan qaarkood waxaa ku qoran cold pressed oo ah si qabow baa loo tuujiyey, qaarkood waxaa ku qoran pure oo ah in wax kale lagu darin ama 100 % organic oo ah 100% si dabayci ah bay u baxday iyadoon wax geedaha carbiya lagu mudin. Haddaba nooca uugu fiicani waa inay tahay 100% organic and pure.

Saliida saytuunka marka aad soo iibsanaysid soo iibso mid dhalada ay ku jirtaa tahay dhalo madow ku jirta. Ula jeedaduna waxa ay tahay saliidan quality geedu waxa uu waara marka lagu kaydiyo shay madow, lana dhigo meel qabow oo madow. Hanna cunin ama isticmaaliin saliid in badan dhacsanayd waayo waxtarkeedii baa dhacay oo cilad bay keeni kartaa.

Xagga cuntada

Marka cuntada lagu darsanayo waxaa inta badan ay idhaahdaan cilmi baadhayaasha caafimaad in saliidu ayna ku fiican nayn in wax lagu kariyo ama lagu shiilo. Dabka aadka u kululi waxa uu ukeenayaa saliida saytuunka in uu nusqaamiyo waxtarkeedii, marka uu wax tarku nusqaamo waxaa dhici karta in wax kale isku badalo. Sidaa darteed ayey saliidani ku fiican tahay in lagu daro marka cuntada dabka laga soo dhigo ama waxyaabo kale oon dab u baahnayn lagu darsan karo.

Xagga ka hortaga cudurada ama daawaynta cudurada

Waxaa saliida saytuunka looga hortagi karaa cudurrada wadna, maadama ay saliidu hoos u dhigayso triglyceride ka dhiiga iyo waliba ka hortaga HDL cholesterol ka xun ( LDL) ee xididada dhiiga subag jufan ku noqda. Waxa ay saliidan hoos markaa u dhigaysaa cholesterol (LDL) xun iyadoon hoos u dhigayn cholesterol (HDL) ka fiican . Haddii uu cholesterol ka xun iyo triglyceride ka dhiigu ay bataan waxa ay keeni karaan cudurada ku dhaca wadna iyo agagaarkiisa iyo in ay curuuqda dhiigu isla xidhaan dufan awgeed. Ciladahaas oo keeni kara xididada guntama ama wadnna istaag ama madaxa oo dhiig ku furmo iwm.

Waxa ay cilmi baadhistu tusaysaa dadka qaba dhiigkarka , haddii ay isticmaalaan saliida saytuunka in badan inaysan u baahnayn daawooyin faro badan. Arrinkanina maaha mid aad adigu ku dhaqmi kartid dhakhtarka oon kiula scon.

Waxa ay saliidana ka hortagtaa cudurada sida cancer, sida breast, prostate, and rectal cancer.
Xagga macaanka waxa ay saliidana ay kontorooshaa sonkorta dhiiga. Maadama dhiigkarka iyo macaankuna xidhiidh leeyihiin ka hortag badan ayey saliidani arikaas ku leedahay.
Xagga dheefshiida :Haddii cunto nadiif ah oo u badan khaluun iyo khudaar iwm aad cuntid ood waliba aad raacisid saliida saytuunka waxa ay ka hortagtaa cancel ka caloosha, waxa ayna kor u qaadaa caafimaadka beerka iyo waliba waxa ay ka qayb qaadataa nadaafada jidhku uu iska saara sunta jidhka gasha. Waxa kale oo ay saliidana dheefshiida faaiido way ugu tahay si ay in dheefshiidu si sahlan cuntada nafaqda uugala bixi karta. Waxayaaba kale ee ay saliidu uugu fiican tahay xaga dheefshiida waxaa ka mid ah in ay ka hortagto xanuunka xamaytida, nabarka caloosha iyo calool istaaga xagga midhicirada.

Saliidan saytuunka waxa kale oo ay ka hortagtaa xanuunada lafaha ku dhaca . Waxa kale oo saliidu kobcisaa maskaxda kana hortagtaa iloowshaha.

Siyaabaha kala duwan ee jidhka loogu daryeeli karo saliida oliven oil:

Step 1
Haddii aad isku dartid:
3 qaado oo sonkorta madow ama buniga ah (brown suger )
2 dl oo saliida saytuunka ah
Inata aad isku laaqdid marka aad maydhatid jidhkaaga oo qoyan hadii aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigaysaa. Qalaylkana way ka hortagaysaa.

Step 2:
Haddii aad isku dartid:

3 qaado oo coffee buushiga oo kale ah ( nooca mashiinada filtaraysan lagu kariyo)
1 qaado oo coffee budada ah (nooca biyaha toos loogu laaqo)
2 dl oliven oil

Inata aad isku laaqdid haddii jidhka oo dhan aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigaysaa. Qalaylkana way ka hortagaysaa. Wixii wasakh oo saarnaana wuu kaa daadanyaa

Step 3:
Hadii aad isku dartid:

1 xabo oo avocado ah

1 dl oo saliida saytuunka (oliven oil) ah

Inata aad isku laaqdid ood timaha marisid ama jidhka aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga iyo timahaaguba helayaan dhalaal iyo qoyaan aad u macaan oo qalaylka baa ka ba aya.

Step 4:
Haddii aad iski dartid:

Koob natural yoghurt
1 xabo oo advocado ah
1 dl oo oiliven oil ah
1 oo beedka ama ukunta inta huruuda ama jaalaha ah

Marka aad isku leegdid waxa aad marsanaysaa timaha. Waxaad timahaaga sidan uugu kaalmaynaysaa inay protein helaan, inay qoyaan helaan, inay nafaqo helaan, in ay jajabka iyo aflaaqada ka ba aan, in ay quwad yeeshaan oo ay bataan iyo in ay aad u dhalaadhalaan. Umaha baahnid inaad ku daysid in ka badan 40 min. 40 min baa ku filan in duxdu madaxa guntiisa gasho,, intaa wixii ka badan timaha uun baad cabudhinaysaa in ay neefsadaan.

Step 5:
Haddii aad isku dartid:

2 qaado oo rose water ama maa al ward
2 qaado oo oliven oil
2 dhibcod oo liin dhanaan ah

Waxa aad wajigaaga iyo qoortaba aad ku barin kartaa cutub oo aad kaga nadiifinaysaa dead cells iyo wasakhda. Waxa ayna ku siinaysaa qoyaan iyo dhalaal. Waxaad ku daynaysaa 15 min kadibna biyo cad kaga maydh

Step 6:
Haddii aad isku dartid:

1 qaado malab ah
1 qaado oliven oil ah
1 beedka ama ukunta intiisa cad ee xabka ah

Waxa aad wajigaaga kaga hortagaysaa dada, inuu kaa gaboobo, in uu kaa qalalo iyo in ay bilicdiisu dhacdo iyo waliba in aad wasakhda ka na diifisid. 15 min baa kugu filan , biyo cadna kaga maydh.

Step 7:
Haddii aad isku dartid:

1 qaado oo boorash tuman ama ridqan
1 qaado oo oliven ah

Waxa aad wajigaga u heshay perfec face scrub. Kuna qoynaya, kuna dhalaalinaya, kaana ilaalinaya qabowga iyo dhaawiciisa.
Biyo cad kaga maydh 15 min ka bacdi.

Step 8:
Haddii aad isku dartid:

1 muus ah
10 midh oo timir aad xashtay
4 qaado oo saliid oliven ah
Jeex liin dhanaan ah

Haddii intan oo dhan aad isku dartid oo aad gacmaha iyo lugaha ku radisid. Waxa aad gacmaahaga ka nadiifinaysaa madowga, qalaylka iyo in ay kuu dhadhaalaan. Lugahana waxaad ka suurinaysaa safanka, dildilaaca iwm. Laakiin lugaha bac baa lagu xidhi karaa. Ha ku seexan laakiin xoogaa waad ku joogi kartaa, kadibna si fiican tuwaal uugu xoq oo wasakhdoo dhan ka daadi , biyo cadna ku xalee. Kadibna Saliid saytuun waxba lag darin ku duuq oo ku daa. 3 wiig ka bacdi isoo ducee insha Allah lol markaad quruxdaada is daawatid.

Halkan kuma soo koobi karo hababka kala duwan oo looga faaiidaysan karo saliida saytuunka oo daryeelka jidhka laagu dhisi karo. Dhamaan waxyaabahan kor ku soo sheego dhan, waxa ay u baahan yihiin ugu yaraan 2-3 cisho in aad wiigii isticmaashid si aad natiijado fiican u gaadhid iyo waliba mudo waa inaad waddaa. Balse wixii xasaasiyad ama alergic aad ku leedihiin idinkaa iska dayn doonaa inshaAllah. Ogowna wax walba ha iskula dagdagin ee horta meel jidhkaaga ah ku tijaabi oo iska eeg alergic..

Waxaan inshaAllah sharixi doonaa mudooyinka soo socda saliidahan kala duwan:

Argan oil (Marocan Oil)
Black seeds ( xabasuud)
Saliid macsarta
Avocado oil
Castor oil
Pappa oil
Coconut oil
Rose mary oil
Wheatgerm oil

Iyo qaar kale oo badan waxtarka ay leeyihiin iyo habka loo isticmaalayo.

Baarka Allahu fiikum

Waa inoo next topic inshaAllah

Umm Cafiifah

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *