Doorashada Takhasuska Waxbarasho

Ma doonaysaa inaad doorato takhasuska kugu haboon? Haddiiba aanad haynin kii aad kuugu haboonaa sided u dooran kartaa ku ku raali galiya? Maqaalkani wuxuu kaa caawinayaa inaad takhasuskaaga xulato adigoo maraya hab cilmiya oo nidaamsan.

Doorashada maadada aad ku takasusayso amaba aad Jaamacad u galaysaa maaha mid fudud, laakiin ardayda Soomaaliyeed way la fududahay waayo waxaanay helin talo fiican oo ka saacida doorashada kuliyada ay galayaan. Ardaydu markay bilaabayaan Jaamacadaha waxay warsadaan kuwii ka horeeyey, ama waxay eegaan qof imika shaqo wanaagsan haysta, amaba wuxuu arkaa ardaydii oo meel u badan.

Walaw doorashadu ay ku yartahay ardayga Soomaliga ah ama ha joogo wadankiisa gudihiisa amaba dibadiisa ee hadana wixii la hayo ee uu helo karo ayuu u baahan yahay inuu doorasho xikmadaysan ku sameeyo.

Haddaba si aad u samayso doorasho xikmadaysan, waxaa daruuri ah inaad is waydiiso sadexdan su’aalood isla markaana aad uga jawaabto si daacad ah adigoon naftaada khiyaamaynayn.
– Awood ma u leeyahay inaan barato maadadan?
– Ma jecelahay inaan barato maadadan?
– Ma ku helayaa fursad shaqo markaan soo barato?
Haddaba aan hormayno su’aalahan duuduuban isla markaana aan falkino si aan mid walba uga bogano.

1. Awood ma u leedahay barashada maadada aad ku takhasusayso?
Run ahaantii su’aashani waa laf-dhabarta doorashada, hase yeeshee awoodu way noocyo badan tahay. Awoodu waxay noqon kartaa seeskaaga aqooneed inuu kuu sahlayo barashada maado gaar ah. Tusaale ahaan haddaad doonayso inaad Engineering barato oo aanad xisaabta ku fiicnayn, awooda aad u leedahay barashada maadadani way yaraanaysaa.

Sidoo kale awoodu waxay noqon kartaa inaad karayso dhaqaale ahaan ama safar ahaan. Tusaale ahaan haddii maadada aad doonayso aan laga helayn wadanka aad ku nooshahay waxaad u baahan tahay dhaqaale ku gaadhsiiya meesha laga heli karo maadada aad caashaqday. Haddaba haddii aanad heli karin qarashka lagu tagayo, ka Jaamacada la siinayo amaba lagu noolaanayo way adagtahay inaad maadadaa barataa.

Sidoo kale waxaa dhici karta inaad karayso aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba laakiin aanay kuu suuro gal ahayn sababtoo ah waa maado dawladi bixiyo ama la siiyo cid dawladi wadato uun. Tusaale ahaan maalin baa waxa ii yimi wiil dugsiga sare dhamaystay oo talo doonaya. Wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu barto “Military Engineering” ama engineerinka dhinaca ciidamada. Waxaan waydiiyay halka uu ka helayo. Wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu Suudaan u doonto maadaama oo uu ka baxay dugsi af-carabiga lagu barto. Waxaan ku idhi bal soo raadi macluumaadka maadadan iyo sida loo heli karo. Markuu la xidhiidhay dad badana wuxuu ogaaday inaanu iskii u heli karin maadadan.

2. Ma jeceshahay inaad barato takhasuskaa?
Maadada aad dhiganaysaa waxaa suurto gal ah in ay noqoto mid kula xidhiidho noloshaada oo dhan, waayo waxaa suuro gal ah inaad ku shaqaysato inta noloshaada ka hadhay. Sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay inaad doorato maado aad jeceshahay barashadeeda iyo ku shaqaysigeedaba. Waxaan xasuustaa mid ka mida macalimiintaydii. Wuxuu ahaa macalin aad ugu fiican maadada uu dhigayo, laguna ixtiraamo. Sidoo waxaa ka soo gali jiray dakhli wanaagsan oo wakhtigaa ay yarayd in cidi hesho. Haddana wuu necbaa maadada, waxaanu ku dadaali jiray inuu ardayda nacsiiyo. Maalinbaan xasuustaa intuu soo jeestay, oo samuurada tabaashiirtii ku dhuftay yidhi “maxaad ka baranaysaan waxani waa dheertiye”. Dabadeed waxaan go’aansaday inaan si toosa u waydiiyo sababta keentay inuu naco maadadan uu ku shaqaysto dadkoo dhamina ku ixtiraamaan. Wuxuu yidhi “anigoo doonaya inaan cilmiga bulshada iska barto ayuu la-taliyahaygii Jaamacada lafoole igu khasbay maadadan”. Wuxuu sii raaciyay, “maan jeclayn inaan barto, imikana ma jecli ku shaqaysigeeda laakiin duruuftaa igu xakamaysay inaan bariiska kala soo baxo”. Sheekadaa waxaa iiga soo baxay ardaydana aan kula taliyaa inay bartaan wax ay jecel yihiin, si aanay ugu dhicin waxa ku dhacay macalinkaygaas.

3. Ma ku helaysaa fursado shaqo?
Barashada culuumta aan diiniga ahayn inta badan ujeedada loo bartaa waa in lagu shaqayso. Maadada aad baranaysaa waa xirfadii aad mustaqbalka ku shaqaysan lahayd oon yagleelayso. Sidaa daraadeed waa inaad odorosto furaska shaqo eed ku heli karto, mustaqbalka maadadan, iyo sida ay wadankaaga ku tahay. Dr. Darik Suwaydaan baa wuxuu yidhi “wiil reer Kuwait ahbaa wuxuu soo bartay engineerinka kaymaha “forestry engineering”, Kuwait-na ma laha haba yaraatee wax kayn ah. Waa saxare holoca”.

Maalinbaa waxaa ii yimi wiil yar oo dugsiga sare dhamaystay oo aad hankiisu u sareeyo. Wuu ila tashanay. Markaan waydiiyay maadada uu doonayo inuu barto, wuxuu ku jawaabay “Nuclear Science” ama sayniska nukliyeerka. Waxaan uga waramay maadadani waxay uga baahan yahay, meelaha laga heli karo iyo sida lagu heli karo. Dabadeedna waxaan waydiiyay su’aalahan aan soo sheegnay. Markuu ka jawaabayay laba su’aalood ee hore wuxuu yidhi “aqoon ahaan waan karaa, laakiin dhaqaale uma haysto dhulka laga heli karo maadadan. Doonisna waaban u muhanayaa”. Intaa ka dib waxaan ku idhi kaba soo qaad inaad heshay. Hadlkeed kaga shaqaynaysaa? Soomaaliya ma filaysaa inay noqoto dawlad nukliyeer leh? Ma u malaynaysaa in aad wadankaaga ku soo noqon karto haddaad noqoto khabiir nukliyeer? Runtii wuxuu yidhi “taa ismaan waydiin ee doonistayda uunbaan doonayay inaan ka dhabeeyo”. Waxaan uga sheekeeyay cilmiyada kala duwan ee uu qaadan karo, sida lagu helo, furaska shaqo ee uu ku heli karo, iyo wax la mida. Maalin dambe ayuu ii yimi waxaanu igu yidhi “waxaan ogaaday inaan khaldanaa oo waxaan doonayay aanu ahaynba waxa markii hore aan kuula imi, imikana waxaan doortay maado aan filayo inay hankayga dhabaynayso. Hadda wiilkaasi Jaamacad buu ku maqan yahay waxaanan filayaa inuu ka midho dhalin doono rabitaankiisa.

Ugu dambayntii, waxaan ardayda doonaysa inay Jaamacada bilaabaan kula talin lahaa inay naftooda waydiiyaan su’aalahan ugana jawaabaan si daacada oo dhab ah. Taasi waxay u sahli kartaa ugu yaraan inuu doorto takhasuska uu doonayo, haddiiba uu waayona wuxuu garan karaa meesha ku xigta ee uu u badalan karo takhasuskiisa.

W/Q: Abdirahman Ali Hersi

Email: buraale10@hotmail.com

Check Also

Sababaha Keena In Ardaygu Uu Waxbarashada Naco

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *