Sidee ku Kasban kartaa Qof Aad Jeceshahay Oo Kaasii Jeeda

Dunidaan aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qomiyado kala duwan kuwaas oo aan isku diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balase wax ay kawada siman yihiin jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo waxyaaba kale. Qarniyadii hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan aadna u qiimeeyaan.

Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen jaceylka halka kuwa kalana dhibaatooyin badan kala kulmeen. Dadka baalka lama ilaabaanka ah ka galay taariikhda jaceylka waxaa ka mid ah jaceylkii Cilmi boodhari iyo Hodan, Qeys iyo leyla, Cantar iyo ceebla. Qarnigaan aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku yahay wax jira, halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay wax aan jirin oo ku kooban afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.

Laakiin waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka bilowda ka helitaan iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa, dadka aaminsan in jaceylku aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa waa kuwa aan fahansaneyn wax uu yahay jaceylka oo aan wali wax jeclaan. Inta aanan ugudbin dulucda maqaalka oo ah (sidee ku kasban kartaa qalbi kaa janjeera?) ayaa waxa laga yaabaa in ay dad badani, is weydiinayaan su,aasha ah waa maxay qalbi kaa janjeera? Qalbi kaa janjeera waa qof aad gaclootay oo isagana aanan u soo jeedin jaceylkaaga ama ku mashquulsan qalbi kale.

Dhalinyaro badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood ku degdegay in ay u soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaadeen iyagoo aan isweydiin maxaa kaaga imaan kara. Waxa dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu soo dhaweeyo soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis, iyadoo qofkii jaceylka hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay jaceylkiisa oo uu helay qalbigii uu gaclooday.

Laakiin muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku guul dareystay kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay. Taasina waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo gaadho dhaawac xanuun badan. Qaar kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay qarsadaan jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi lahaayeen u soo bandhigida qofkii ay jeclaadeyn.

Taasina ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya jaceylka iyo rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa waxaad qarsato weey ku qarsadaan. Hadaba akhristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay qalbigiisa, waxaad kaga bogankartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasbankarto qalbi kaa janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan

1. Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.

2. Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.

3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.

4. Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.

5. Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.

6. Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.

7. Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin laheyd adigoo hadalo macaan kulahadlaya.

8. Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon ugu diraya aalada casriga ah ee internetka.Hadiise aad hal wadan wada joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.

9. Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.

10. Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.

11. Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.

12. Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa kobcinta jaceylka.

13. waxaad ogaataa in kalsooniduna waad ku kasbankartaa

14. walagamaan in aad faraxsanaato  intaat qalbiga kajeeda aad soo jeedsan

Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran waad kasban doontaa qalbigii insha Allah.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *