Astaamaha Lagu Garto Ninka Wanaagsan Ee Guurdoonka Ah

Guurdoonka ah, ninka wanaagsan, mustaqbalRun ahaantii waxaa jira kumanaan ragg ah oo waayay wax daryeela oo fahma qiimaha iyo qadarinta ay u hayaan dumarka. Taasina waxaan dhihi karaa waxaa sababay Ragga intooda xun waayo horaa waxa loo yiri
” Dab ruuxii ku gubtaa dambaskiisa ayuu ka baydhaa ( ka cararaa) ”

taasi oo an ula jeedo ragga intooda yar ee dumarka xumeeya ayaa ka qayla batay ragga intiisa wanaagsan waxa ayna saamayn wayn ku yeelatay in ay dumarka qaarkii ay kala garan waayaan Ninkii wanaajinaya iyo Kii xumaynaya maadaama ragga qiyaanada badan ay dhaawacyo badan ugaysteen dumarka .

Sidaa awgeed waxaan jeclaystay in aan dumarka u sheego una sharxo sifooyinka ay ku garan karaan amaba ay ku dooran karaan Ninka ragga ah ee wanaagsan oo dumarka qadariya waayo Raggu way isku wada dhex jiraan waxaadna u baahan tihiin waxaad kukala shaandhaysaan oo aad ku ogaan kartaan Ragga intooda wanaagsan oo dumarka qadariya iyo intooda xun oo dumarka qiyaana .

Hadaba si aad ukala saarataan waxaan idin siinayaa qaacido amaba qaanuun hadii aad raacdaan aad ku ogaan doontaan ninka aad xariirka la samayndoonto inuu yahay Nin Ragg ah oo wanaagsan misana daacad ah .

Waxaan isku dayayaa in aan ku soo koobo astaamaha lagu garto ninka wanaagsan ee guurdoonka ah. waxa ayna kala yihiin sidan

1- Waa Nin ay kamuuqato waxa uu aaminsan yahay oo ah hab dhaqan ruux muslim ah ,
– Aragiisu waa arag muslim oo ma ahan Nin iska yeel yeela amaba isku ekeeysiiya dadka gaalada ah.
– Hadalkiisu waa hadal muslim oo Kuma hadlo hadalka kiisa foosha xun waa nin hadii uu hadlana u hadla si xikmad ay ku jirto .
– Labiskiisuna waa labis akhyaareed .
– Waa Nin nadaafad badan oo udgoon badan oo aadan dhibsanayn intii uu kula joogo.

2- Waa Nin hadii uu doonayo inuu kula kulmo kuugu imaanaya halki aad dagan tahay oo aan ka dhuumanayn reerkaaga waana nin qiiimaynaya sharaftaada oo aan kugu qasbayn in aad banaanada kula kulanto.

3- Waa Nin hadii aad wada hadlaysaan xilliga salaada ilaaliya oo ay la wayn tahay.

4-Waa Nin mar kasta oo aad wada hadlaysaan ku waaniya oo ku wacyi galiya oo marki aad wada hadashaan kadib aad dareemaysid inuu aqoon kuu soo kordhiyay .

5- Waa Nin hadii uu hadlaayo runta ka sheega intii uu kuu awoodo haba laga yaabee sidaad wax u rabtay in aysan ahayn balse aan isku dayin inuu kugu qanciyo wax uusan awoodin amaba uusan kuu qaban doonin.

6- Waa Nin dulqaad badan oo caradiisa kaa qariya dhibtiisana qarsada waliba iska kaa cafiya hadii uu khalad kaa dhaco.

7- Waa Nin aan marnaba kugu sheegan hadii uu abaal kuu galay oo aad is calfan waydaan haba laga yaabo inuu niyad jab ka qaado hadana waa nin adkaysi badan oo ku qanca qadarka Alle .

8- Waa Nin adigoo maqan iyo adigoo joogaba qaraabadaada xiriiriya oo isku daya inuu qanciyo waalidkaaga .

9- Waa Nin aan isku kaa amaanayn balse wanaagiisa aad ka dhex arki karto sida ay waalidkaaga amaba asaxaabtaada ay u jecelyihiin una qadariyaan isaga.

10- Waa Nin aad u xakameeya naftiisa oo aad ka nabad galayso ishiisa ,Carabkiisa, Gacantiisa iyo hadalkiisaba in ay sharaftaada wax yeeleeyaan.

11- Waa Nin go’aan leh oo aan doonayn inuu wakhtigaaga qaaliga ah kaa lumiyo oo hadii aad xilli kuwada balantaan in aad aqal gashaan aan isku dayayn inuu buriyo ( ka baxo ) balantii aad dhigateen balse waa Nin gacantaada galiya xilliga guurka oo aan jeclayn wakhtigaaga qaaliga ah in uu sheeko kaaga lumiyo.

Akhriso:

Ugudambayntii waxaan leeyahay dumarka raggu mawada siina ee hadi ay dhacday in aad la kulantay Nin xun oo sharaftaada meel uga dhaca kuna qiima tira ogoow waxaa jira kumanaan Ragg ah oo kuula dhaqmay sida boqorad oo kale oo dhib iyo dhibaato kaa dhowraya .

Hadaba hadii aad nasiib u yeelataan Nin alle ka baqaya oo dhaqan wanaagsana leh oo aad ku aragtaan dabeecadahaan wanaagsan waa in aad soo dhawaysaan iskuna daydaan in aadan ku xujayn wax uusan awoodin waayo ragga waxaa ku jira qaar wanaag kula damacsan hadiise aad ku xujayso wax uusan awoodin waxaa dhci karta been inuu kuu sheego si uu kuu soo xera galiyo waana sababta keentay ragga qaarkii in ay qiil uga raadiyaan in ay dumarka been u sheegaan waayo waxa ay leeyihiin hadii aan u daacad warano ( runta u sheegno) nama aqbalayaan taasina waxaa daliil kuugu ah waxaaba laga sameeyay maahmaahyo ah ” Dumar been baa lagu soo xera galiyaa run baana lagu dhaqaa ” . waxaanse aamin sanahay taa in ay xaqiiqda ka fogtahay waayo been waxba kuma dhismaan inteeda badan ee wax bay qaribtaa.
Hadaba si aysan taa u dhicin hadii aad heshaan ruux xaqiiqda kaagala hadla iyo inta ay awoodiisa tahay ha isku dayin in aad ku xujaysaan dhaqaale waayo hadii aad adiga xujayso ee uu taago waxuu isku dayayaa hadii uu xariirkale samaysto inuu been sheego waayo ma doonayo inuu markale guul daraysto , waxaana laga yaabaa inuu been u sheego gabar kale oo walaashaada ah.

Waxaad kaloo ogaataan hantida sideedaba waa wax la abuuri karo , Maanta hadii uusan waxba haysan beritoole ayuu heli karaa balse sidaad ku hesho ruux leh qalbi daacad ah aad bay u adag tahay .

Tusaalena waxaa kuugu filan imisa hablood oo qarash iyo maal badan laga bixiyaay ayaa aragteen misana nasiib darro mudo gaaban gudahood lagu kala tagay.

Taa macnaheedu waxa ay tahay hadii aad Ninka xujeeyso adigoo og noolashaada inta ka dhiman in aad isaga la noolaan doonto waxaa aad u adkaanaysa in la helo qoys jacayl kuwada nool.

Run ahaantii waxaan aaminsanahay dumarka in ay aad u naxariis badan yihiin balse mar marka qaar dhaawac uu gaarsiiyay mid xun oo aan allle ka baqayn ayaa ku kalifta in ay ka rajo beelaan ragga intiisa wanaagsan.

Midna ogaada Noolasha sideedaba waa imtixaan haddii aad lakulanto nin xun waxaa la eegayaa sidaad iskaaga ilaaliso shartiisa , Hadii aad lakulantana Nin wanaagsan waxaa la eegayaa sidaad u tixgelisaan.Waxaan alle ka baryayaa inuu dumarka inoo xifdiyo uu ka dhowro Nin xun ee ceebeeya.

Sidoo kale ragga guur doonka ah waxaan leeyahay mid ogaada Ninkii alle ka baqa oo xarigiisa si toos ah u qabsada maba jiri doonto innan ( gabar) diidayso waayo hadii aad la timaadaan sifooyinkaan wanaagsan ee aan soo sheegay waxaan aaminsanahay dumarka in ay idin tixgalin doonaan waayo innan waliba waxay jeceshahay Nin sifooyinkaan wanaagsan ay ku aragto ee adiga noqo ruux wanaagsan oo alle ku xiran, waxaa xaqiiq ah in aad liibaanysid.

Waxaadna ogaataa hadii aad mid calfan waydaan alle waxuu idin kugu beddali doonaa mid ka khayr badan sidaa awgeed idinku noqda kuwa alle ku xiran, Waad guulaysanaysaan Insha Allah

Waxaan Allah waydiisanaynaa intii guur doon ah inuu u sahlo Lamaane wanaagsan oo jannada u jiida . Aamiin
Intii aan saxay Allah SW ayaa i waa fajiyay , Intii aan khaldayna Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *