Sidee Caruurtaada Ugu Doori Kartaa Aabe Wanaagsan?!

Aabe wanaagsan, zowjka wanaagsan, Gabdhyahey waxaa suuragal ah in saygaaga uu ku yiraahdo in uu diyaar u yahay in loo dhalo carruur badan,oo weliba uu jecelyahay, markaas waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn-reyn, laakiin ma is weydiisay in uu ula jeedo si dhab waxa uu sheegayo.

Waxaan ku bareynaa astaamaha saldhigga u ah odayga ay tahay in aabe wanaagsan uu u noqdo carruurtaada mustaqbalka:

waa in uu ku daryeelaa oo uu ku dhageystaa

Haddii odaygaada uu ku dhageysanayo goor walba, uuna u imanayo daraadaa markaad wacdid markasta oo aad u u baahatid, haddaba waa midka ku haboon in uu aabbe u noqdo carruurtaada, carruurta waxay u baahanyihiin tixgelin gaar ah daqiiqad walba, hooyada iyo aabahana ma ahan oo klaiya in ay ka fekeraan nafsadooda oo kaliya balse waxaa lagama maarmaan ah in ay daryeelaan carruurtooda.

Aabaha wanaagsan waxaa laga doonayaa in uu garto waxa ay doonayaan carruurtiisa iyo waxa ay jecelyihiin, xitaa haddii aysan u sheegin, waa arrin wanaagsan in uu dareemo baahidooda.

Waa in uusan kaala xishoonin kalgacalka:

Ragga inta badan ma soo bandhigaan dareenkooda gaar ahaan jaceylka iyo caadhifadda, haddii aad dareentid in odaygaaga uusan la gabaneyn jaceylka iyo kalgacalka uu kuu qabo xitaa dadka hortooda ogow waa aabaha ugu wanaagsan carruurtaada mustaqbalka, wuxuuna awood u leeyahay in uu carruurtiisa la dhiso xiriir wanaagsan.

Waa in uu awood u leeyahay in uu xiriirka ka ilaalin karo cadaadiska

Cadaadiska wuxuu dhaawacayaa ama uu si xun u saameynayaa xiriirka wanaagsan, balse haddii odayga uu garanayo sida uu ula macaamilayo cadaadiska arrintaas waxay calaamad u tahay in uu awood u leeyahay in loo dhalo carruur, wuxuuna ku guuleysan karaa cadaadisyada la socda, sidoo kale carruurta waxay la kulmayaan  cadaadis waxayna u baahanyihiin cid ka caawisa sidii ay uga gubi lahaayeen, waxaana dhab ah in aabaha uu yahay ninka ka gudbin lahaa cadaadiskaas noloshooda saameynta ku reebi karo.

Waa in cuntadiisa aad la qeybsan kartid

Imtixaankaan yar wuxuu kuu muujinayaa in odauga wanaagsan wuxuu u dulqaadanayaa codsiyada caruurtiisa, ruuxa aan ku siineyn jab ka mid ah cuntadiisa ma ku haboona in uu aabe u noqdo carruurtaada, in aad la qeybsatid saxankiisa waxay calaamad u tahay in uu kaa fekerayo adiga ka hor nafsadiisa, sidoo kale wuxuu ka fekeri doonaa caruurtiisa ka hor nafsadiisa.

Waa in uu yahay nin dabeecad furfuran

Haddii odayga uu yahayn nin si fudud kuu dareemi karo, jecelna in uu kaala sheekeysto qorshahiisa mustaqbalka waa ninka ku haboon in uu aabe u noqdo carruurtaada.

Waa in uu kula diyaariyaa hawsha guriga sida cunta karinta

Sida caadiga ah shaqooyinka ragga ka mid ma ahan in ay cuntada xaasaskooda u kariyaan, balse haddii odayga uu ka caawinayo xaaskiisa arrimaha guriga sida cunta karinta, dhar dhaqidda, nadaafadda guud, kaaweynta dharka, adeegga suuqa, iyo wixii la mid ah, waxaa shaki la`aan ah in uu sidoo kale caruurtiisa ka caawin doona dhibaatooyinka la soo gudboonaada noloshooda, ka wada shaqeynta guurka ayaaba ka dhigaya labada dhinac in ay ka wada qeyb qaataan wax kasta, waxayna gacan ka geysaneysaa in ay caawiyaan carruurtooda marka dhashaan.

Waa in uu nafsaddiisa kuu huraa

In nafsadda la isu huro waa waajib mararka qaar, haddii odayga uu yahay nin tilmaaman, oo kuu jilicsan, ku daryeelayo, kuna caawinayo markaad xanuunsantahay, iskuna dayayo in uu niyadda kuu dhiso walaacana kaa bi`iyo, haddaba waa qof aan nafsadiisa kaa jecleysaneynin, wuxuuna istaahilaa in uu aabe uu u noqdo carruurtaada mustaqbalka.

Waa in uu yahay ruux aad isku haleyn karto

Waxaa suuragal ah in aad la shaqeysid aadna iskaashataan odey ku jecel mar walba, haddii uu sidaa kuu sameynayo, oo uu kuu qabanayo hawlaha qabyada kaa ah adiga oo aan u sheegin ama aan kaa soo daaheynin, waa ruux la isku halleyn karo, waana midka mudan in uu aabe u noqdo carruurtaada mustaqbalka.

Waa in uu ku jecelyahay adna aad jeceshahay

Haddii ixtiraamka, kalgcalka iyo xiriir wanaagsan uu idinka dhaxeeyo, haddaba waxaad diyaar u tahay in aad dhashid carruur, odeygaagana wuxuu awoodaa in uu ku caawiyo, sababtoo ah wuxuu jecelyahay carruur in aad u dhashid,wuxuuna wax kasta u sameynayaa in uu ku barbaariyo carruurtaada jaceylka iyo akhlaaqda wanaagsan.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *