Allaa weyn, Ninkii Aaminaa Awood leh

Allaa weyn, Ninkii Aaminaa Awood lehAllaa weyn, Ninkii Aaminaa Awood leh

Webiga ma qarqin Nabi Muuse CS isagoo ah saqiir kuna sugan xaalad uu aad u tabar daran yahay.
Hadana Webiga wuxuu qarqiyay Fircoon isagoo ku sugan xilligi uu ugu awooda badnaa! Kibir dartiisna uu sheegtay in uu Bini’aadan oo dhan ka sareeyo!!
Haddaba, qof kasta oo Alle ku xiran, daciifnimadiisu ma ahaaneyso mid dhibaato u geysata. Qof kasta oo aan Alle ku xirneyn, Awood kastuu leeyahay, si kastoo hub iyo Ilaalo badan u heysto, ma aahaaneyso mid faa’iido leh oo wax tarta.

Marnaba ha Kibrin oo dadka ha iska Weynayn!
Goortii Shimbirtu nooshahay… Waxay cuntaa Qudhaanjada.
Goortii shimbirtu dhimato… Quraanyadaa cunta shimbirta.
Waqtiga iyo duruuftu way is bedeli karaan xilli kasta.
Hal Geed ayaa sameyn kara malaayiin Tarraq ah… balse Hal xabo oo tarraq ah ayaa gubi kara malaayiin Geedo ah.

Ha liidin, ha dhibsan, hana dulmin qof Noloshiisa.
In badan oo awood is biday, is kibrisay, dadkana dulmiyay ma dhiman ilaa Alle uu ku duleeyay umada hortooda!
Maanta waxaa laga yaabaa inaad tahay qof awood badan. Laakiin Xusuuso, Waqtiga ayaa aad kaaga Xoog badan!

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *