6 Beenood Oo Dhalinyaradu Inta Badan Naftooda Ugu Sheekeeyaan Guurka Hortii

Guurka ka hor, dhalinyarada rag iyo dumarba waxaa masaxdooda ku qufulan sawirro malo-awaal ah oo uu ka haysto guurka, laakiin badankoodu ay qaldan yihiin. Sababtu waa waayo-aragnimo la’aanta, iyo Aqoon darro ka haysata arrimahan iyo midda saddexaad oo ah da’da qofka oo yar, welina aanu u bislaan in ay maskaxdiisu kala shiisho arrimo noocan ah. Khubarada cilmi nafsiga oo daraaseeyey xidhiidhka lammaanaha is qaba ayaa caddeeyey in inta badan dhalinyarada damacsan guurku aanay u fikirin si waaqic ah oo caqliyadi hagayso, keliya waxa ay ku nool yihiin is moodsiis iyo malo-awaal.

Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen lix qodob oo dhammaantood ah been balse qof kasta oo dhalinyaro ah maskaxdiisa ku jira marka uu guurka u socdo, qodobbadaas oo aynu akhristayaasheena la wadaagaynaa, waxa ay kala yihiin:

1. Beenta Koowaad: ‘Jacaylku waa nolol’ .. ‘Jacaylku waxa uu sameeyaa mucjisooyinka’ iyo halku dhegyada kale ee macaan ee jacaylka ay ku tilmaamaan: haddaba fikirkaasi ma’aha mid sida ay u dhigayaan u wada bad-qaba, waayo khubarada cilmi nafsigu waxa ay cilmi ahaan ogaadeen in kasta oo dareenka lammaanuhu qayb ka yahay dhismaha qoyska haddana in runtu tahay waxa uu guurku ku dhismaa in aanu ahayn jacaylka oo keliya. Waxa jira wax yaabo aad u badan oo lagama maarmaan u ah dhismaha qoys ku waara badhaadhe, waxaana ka mid ah in lammaanuhu iskaga mid yihiin ama isaga dhaw yihiin, dhinaca qiyamka, heerkooda bulsho, da’da, shakhsiyadda, dhinaca fikirka iyo saadaashaa aragtida.

Haddaba beentan ah in uu jacaylu yahay mucjiso kelideed qoys negi oo badhaadha dhistaa waa sababta keenta in aynu in badan aragno lammaane jacayl adagi ka dhexeeyey, balse guurkooda kadib si fudud u kala tegey.

2. Beenta Labaad: Waxa uu raadinayaa xiddig leh tilmaamo khayaali ah iyo humaag ay maskaxdiisu u malo-awaashay, markaasuu raadiyaa gabadh ama haddii ay gabadh tahay wiil leh tilmaamahaas maskaxdiisa uun uu ka sawirtay; Nafsi ahaan qof kasta oo dhalinyaro ahi waxa uu maankiisa geliyaa sawirka malo-awaalka ah ee inanka ama inanta uu doonayo in uu nolosha la wadaago, kaas ayuu ku eegaa lammaanaha uu nolosha la wadaagayo, isaga oo sheega in inantaasi ama inankaasi yahay ama aanu ahayn kii riyadiisa ahaa. Haddaba waxa ay khubarada cilmi nafsigu caddeeyeen in mar kastaba sawirka malo-awaalka ah ee dhalinyaradu maskaxda gelisaa yahay mid khayaali ah, isla markaana aanay suuro gal ahayn in uu helo lammaane daboola ama dhoweeya sawirkaas iyo tilmaamahaas ay maskaxdiisu u sawirayso, taasi waxa ay keentaa in uu naco ama fahmi waayo lammaane kasta oo uu barto. Waxa ay khubaradu ku taliyeen in aynu ku jirno xilli aanu jirin qof xiddig lagu sheegi karo, xataa in adigu aanad ahayn xiddig la majeerto, sidaa awgeed waa in aanad isku mashquulin raadinta qofka sawirkiisu maskaxdaada ku jira. Keliya eeg in lammaanuhu shakhsi ahaan iyo da’ ahaan kugu dhaw yahay.

3. Hadda diyaar uma ahi ama weli uma bisli guur: Weedhani ma’aha mid isticmaalkeedu ku cusub yahay dhalinyarada, waa arrin ay caan ku yihiin. Isticmaalka weedhani waxa uu ku badan yahay wiilasha oo xataa mararka qaarkood iyaga oo dhaqaale ahaan awooda guurka, cabsi ay ka qabaan masuuliyadda iyo culayska xilka awgeed, ku andacooda in aanay weli gaadhin heerkii guurka. Khubarada cilmi nafsigu waxa ay sheegaan in war-war badan iyo walbahaarkuba yihiin astaamaha dabiiciga ah ee lagu arko qof kasta oo isu diyaarinaya weji cusub oo noloshiisa ka mid ah. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in dhalinyaradu ay u arkaan guurka in uu yahay shuraako iyo dhisidda iskaashi togan oo nolosha wada jir lagu qaabilayo.

4. Guurku waa go’aan qalbiga ka soo go’, iyo Guurku waa sida laydha oo qof waliba marka ay qaaddo ayuu u dhaqaaqaa: Waa aaminsanaan qaldan, waxa ay khubaradu sheegaan in dhalinyaradu qalad weyn fahamtay, waxa aanay ogeyn in go’aanka guurku ka soo baxo caqliga oo kaashanaya qalbiga. Waxa khubarada cilmi nafsigu sheegeen in ay dhalinyarada guud ahaanba waajib ku tahay in ay dib ugu noqdaan aragtida ay bilowga horeba ka haystaan guurka, waa in ay dareemaan in jacayl iyo is faham lammaanaha dhex maraa ku filan yahay in uu go’aan ku gaadho guur. Khubaradu waxa ay sheegeen in aragtidan laga dhadhansanayo aaminsanaan ah in guurku yahay wax iskii isu wada oo marka uu yimaaddo uun la guursanayo, taas macnaheedu waa in go’aanka guursiga loo daayo guurka laftiisu marka uu is keeno uun, waa fikrad si weyn u qaldan. Dhanka kale waxa ay khubaradu sheegeen in go’aan qaadashada guurku ka timaaddo maskaxda iyo qalbiga. Marka ay qalbiga ka timaaddo waa marka uu qofku eego keliya in uu qofkan jecel yahay ee aanu caqli ku darin. Marka uu go’aanku ka yimaaddo caqligana waa marka uu qofku u guursado keliya in uu dareemo in uu u baahan yahay guur. Labadan jeerba khubarada cilmi nafsigu waxa ay ku sheegaan qalad, sida ugu saxsanina waa in go’aanka guurku noqdo mid ka soo baxa caqliga iyo qalbiga oo is kaashanaya.

Khubaradu waxa ay tan u daliishadeen daraasado cusub oo tilmaamay in lammaanaha is ku guursada keliya jacayl ay isu qabaan awgii, intooda badani ay dhaqso u kala tagaan. Khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo la yidhaahdo Dr. Seoul Gore Don oo ah bare-sare oo ku takhasusay cilmiga Bulshada ayaa sheegay in baadhitaan dheer kadib la ogaaday in boqolkiiba 85 ka mid ah lammaanaha qalbiga oo keliyi (Jacaylka) uu isu keenaan ay dhaqso u kala tagaan ama ugu yaraan rafaad is-fahmi waa ku wada noolaadaan.

5. Jacaylka ayaa bogsiiya khilaaf kasta oo yimaadda, isaga ayaana keena is-fahamka: Waa khalad kale oo ay aaminsan yihiin dhalinyarada guur meerka ahi. Khubarada cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yihiin in lammaanaha oo aad ugu kala duwanaada afkaarta iyo aaminsanaantu ay bar bilow u tahay is khilaaf iyo muran aan dhammaan si kasta oo ay isu jecel yihin. Waxa ay khubaradu sheegeen dhalinyarada qaar dhiiranaanta mataankooda ay ku arkaan iyo xataa madax-adayga in ay u arkaan astaan fariidnimo oo ku sii dhiiri gelinaysa jacaylka iyo isku xidhnaanta. Laakiin guurka kadib waxa ay tani ku noqotaa bukaan iyo dhib ay adag tahay in qoyskoodu ka badbaado.

6. Waa in aan waxba la kala qarsan guurka ka hor iyo kadibba: Waa aragti kale oo ay dhalinta qaar ku marin habaabeen, laakiin waxa hubaal ah in runta oo dhan oo la isu sheego ama wax kasta oo nolosha ku saabsan oo la isu sheegaa ay tahay khad cas oo halis gelinaya dhismaha qoyska. Arrinta muhiimka ahi waa in aynu ogaanno in is cafiska iyo isu dulqaadashada arrimaha qaar aanay kuba jirin qaamuuska guurka, gaar ahaan in aanay gabadhu sinaba ku cafiyi karin in ay ogaato ninkeeda oo xidhiidh la leh gabadh kale, ninkuna sidoo kale. Waxa ay arrintan halisteedu sii badan tahay marka lammaanaha midkood lahaa xidhiidho hore oo kan kale xantiisa ogaa. Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay qabaan in ay qalad tahay in lammaanaha midkood isaga oo ku andacoonaya waxba lama kala qarsado uu kan kale uga sheekeeyo wax kasta oo ku saabsan jacayl hore u soo maray, waxa ku filan in uu sheego in xidhiidhkaasi jiray haddana uu dhammaaday, balse aanu tafaasiil kale sii gelin, waxa ay khubaradu si gaar ah uga digeen ragga in ay ka waramaan haba yaraato ee xidhiidhadoodii hore ama ay xataa xaaskooda u sheegaan gabadh kale oo ay ka heleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *