5 Calaamadood Oo Lagu Ogaan Karo Hadii Xidhiidhka Lamaanuhu Soo Afjarmayo

1.        Mustaqbalka oon laga fikirin:

Lammaanaha khilaafka ka dhex jiro amma xidhiidhkoodu u dhaw yahay inuu soo afjarmo, waxayna badanaa ka hadlaan waxyaabahay iskaga soo horjeedaan, iyagoon ahmiyad badan siinin mustaqbalka iyo ubadkoodu siduu noqon doono, iyagoo labadooduba jecel yihiin inay meel kala fog ku nooladaan, taas oo dhibaato dhalin karta.

Habkan waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu ogaan karo inuu calaamad u yahay xidhiidh-furanka labada qof waa iyadoon si wadajir ah la isula qorshayn hawlaha mustaqbalka dhici doona amma siday noloshooda u maarayn lahaayeen.

2.        Lammaanaha oo khiyaamada iyo daacad-darradu ku badnaato:

Furaha xidhiidhka wanaagsan wuxuu ku fadhiyaa daacadnimo iyo is-aaminaad. Haddii lammaanuhu is khiyameeyaan waxay guul-darro ku tahay ujeeddooyinka xidhiidhkoodu u dhisan yahay, sidaa darteed ka taxadir in khiyaamo iyo is-aaminaad-darro dhexdiinna soo gasho.

Dariiqaddaas waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu ogaado in labada qof xidhiidhkoodu aannu sii waarayn.

 

3.        Labada qof oo aan dareenno farxadeed isu muujin:

Lammaanaha oo cadho iyo farxad la’aan isu muujiya, sidoo kalena marka indhaha iska qadaan faro-taagtaag iyo qaylo iskala horyimaad waxay soo gebagebayn kartaa xidhiidhkooda jacayl ee ay isu hayaan.

Haddaba, astaantan waxay badanaa ku badan tahay dadka isqaba, kuwaas oo xaaska iyo saygeedu mararka qaar sanifaad iyo cadho wejiga ah isu muujiyaan, taasina waxay gaysiisaa qofka kale inuu u maleeyo inaan lammaanihiisu ku niyad-samayn guurkiisa iyo la noolaanshihiisa.

Astaantan iska jir si aanad ugu dhicin in xidhiidhkaagu soo gebageboobo oo aanad u noqon qof gacantiisa iyo dabeecdadiisa jacaylkiisa ku burburiya.

Hababka kale amma dariiqooyinka kalee loo baahan yahay inaad iska ilaaliso waxa iyagana ka mid ah:

4.        Ma illowdaan xumaantii iyo dhacdooyinkii waqtiyadii hore idin dhexmaray?

5.        Waxaad badanaa idinka dhex abuuran xin iyo isu fiirsi badan.

Ibraahim khadar Siciid

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *