11 Qalad Oo Burburiya Ganacsiyada Yar-Yar

Qaladaadka ganacsiyada yaryar, ganacsiga
Diyaarinta QORSHE GANACSI waxa ay aas-aas iyo talaabada ugu horaysa u tahay bilowga ganacsiga.

Qorshaha wanaagsani waxa uu kugu caawiyaa in aad hesho qarash kugu filan, In aad diyaariso saaxada guud ee ganacsigaaga, In aad dejiso siyaasada suuq gaynta ganacsigaaga, iyo in aad dhisto maamul haga Ganacsigaaga.

Hadii qorshaha bilowga ganacsigaagu uu qaldamo ama si sax ah aan loo diyaarin , waxaa hubaal ah in ganacsigaagu qasaarayo, oo burbur iyo wareer uu ku dambaynayo. Hadiise la dejiyo qorshe bilow wanaagsan , waxaad ku guulaysanaysaa ganacsi faa’ido dambe dhala oo waara.

Qormadaan gaaban waxa aan ku eegayaa qaladaadka inta badan burburiya ganacsiyada yar-yar ee si hufan aan loogu diyaarin qorshe dhamaystiran. Waa kuwan qaladaadka oo kooban.

1- QORSHE LA’AAN : In aad bilowdo Ganacsi adiga oo aan dejin qorshe hordhac ah.

Qalad ka kowaad ee marka aad ganacsi bilaabayso waa in aadan lahayn qorshe hore ee aad dajisay. Qorshe ah wadadii aad u raaci lahayd inta lagu jiro waqtiga bilowga hore ee aad dhigayso aas-aaska ganacsigaaga. Qorshaha cad waxa uu kusiiyaa faham qoto dheer ee ganacsi ga bilowga ah iyo sawirka guud ee ganacsi gaaga. qof kasta ee aqriya waa uu fahmi karaa qorsha ganacsiga ee cad.
Qorshe la’aan tu waxa ay dhalisaa marin habow iyo in laga luma marka hore siyaasada kala hormarin ta iyo hab u socod ka kala horaynta hawsha. Mana jirto cid maalgashi ku samaynaysa ganacsi aan lahayn qorshe hore.

2-QORSHE LAGU WADA QANCO: Haku fakarin in marka aad soo bandhigto ganacsi gaaga, qof kasta ku qancayo.

Qorshe kasta waxa uu leeyahay figrad kasoo horjeeda ama diidan. Dad kasoo horjeeda ama u arka qorsha haas in uusan mira dhal ahayn. Xusuuso, dad ku isku wada aragti ma ahan. Haka niyad jabin qorsha haaga ganacssi hadii dad ka qaar u arkaan in uusan faa’ido lahayn. Ku koob qorshe haaga baahida ganacsi ee jirta si aad u xaliso dhib kaas. Iska ilaali , Qorshe ganacsi oo aan xad lahayn.

3- QORSHE AAN CADAYN: Qorshe aan si cad u qaaxayn hadaf ka iyo ujeedada ganacsiga.

Qorshaha ganacsigaagu si uu maal gashi u helo, waxa aad u baahan tahay in uu noqdo mid la fahmi karo oo cad. La fahmi karo si , qorshe muujinaya ujeedada iyo hadaf ka ganacsiga. Marka aad soo bandhigto qorshaha ganacsigaaga hadii si cad aysan u fahmin saamilaydu maalgashi ma samaynayaan. Waxaa muhiim ah in qorsha haagu yahay mid cad oo lafhmi karo ujeeda diisa iyo macaamiisha dhabta ah ee aad beegsnayso.

4- QORSHE SI XUN U QORAN: Naqshada guud ee qorshaha oo si xun u qoran.

Hadii tayada bandhiga iyo qoraal ka qorshaha ganacsigu ay liidato , waxa ay kaa fogaynaysaa in aad hesho maalgashi rasmi ah .
Qorshe kasta ee lasoo bandhigo , hadii uusan soo jiidasho hore yeelan dhaqan gal ma noqdo. Arragtida hore ee bandhiga qorshaha ganacsigu mug buuxda ayey ku leedahay helida saamilay heelan oo ku qanca haykal ka guud ee qorshaha.

Markasta ee Qorshe ganacsi aad soo bandhigayso ama aad diyaarinayso, iska hubi Qaabka bandhiga, Qoraal ka, Erayada, iyo macnaha eray kasta ee aad u adeegsato naqshada qorshaha ganacsiga.

5- KU DHEERAASHO QORSHAHA: Ku dheeraasho qorshaha oo lagu wareero.

Qorshe kasta ee ganacsi waxaa muhiim in looqoro si kooban oo macne buuxa leh. Ugu badnaan ilaa 10-15 bog, oo inta badan aad kusoo koobto muuqaal ka guud ee qorshaha ganacsiga ama qaybaha ugu muhiimsan. Hadii faah-faahinta ganacsigu aad u sii dheeraato waxaa dhici karta in ujeedaga guud ee ganacsigu lunto ama aan si fiican loo fahmin. Waxa aad u baahan tahay oo kaliya haykalka guud adiga oo aan qayb gaar ah ka tagin.

6- QORSHE MALE AWAAL AH OO AAN RUNTA KU FADHIN. Cilmi baaris dhab ah aan ku fadhin ee “LA YIRRI” ah.

Inkastoo qorshe kasta ku fadhiyo malo iyo hami la hiigsanayo hadana waxaa loo baahan yahay in lasameeyo baaritaan kusalaysan cilmi iyo xaqiin la taaban karo.waxaa inta badan la ogyahay in male kasta ee ganacsi gundhig giisu yahay guul laakiin guushaasi waa in aysan noqon mid riyo maalmeed ah. Baaritaan dhab ah ayaan rumayn kara riyadda ganacsigaaga.
xusuuso qorshe kasta waa in uu leeyahay qorshe labaad oo hadii kan koowaad uu shaqayn waayo lagu baxsado kan labaad. Weligaa ha isku halayn hal qorshe.

7- SAADAAL QARASHA OO AAN DHAB AHAYN. Qarashka ku baxaya abuurida hore ee ganacsiga oo ka yaraata , qarash ka dhabta ah.

Waxaa lahamiyaa in ganacsi kasta si dardar ah ku bilowdo marka aas-aas ka loo taagayo. Gaar ahaan qarashka ku baxaya bilowga ganacsiga ayaa lagu fakaraa in uusan kala go’in inta uu bilowga yahay. Qasaaraha ugu wayn waxa uu yimaadaa marka ganacsi bilow ahi u istaago qarash la’aan, taas oo qasaare iyo niyabba keenta. Lacagta cadaan ka ah ee lagu socodsiinayo bilowga ganacsiga waa in loo xisaabiyo si xaqiiqda suuqa ah. Waa in qarash kasta meeshii loogu talagalay uu ugu baxo si ku filan. Hadii laga yarayn karo waa faa’ido.
Waa in la sameeyo baaritaan dhab ah, qiimayn suuq, qarash ka guud oo baxaya bilowga ganacsiga oo si xaqiiq ah loo qiimeeyo.
Waxa in badan aan soo arkay ganacsi warshad, Hotel, ama dhisme la bilaabay , qarash ki ka kala go’ay , oo muddo qabyo ah. Waxaa sabab u ah xisaab iyo qiimayn xumo suuq.Ku xisaabtan qarash ka iyo lacagta loo baahan yahay ee hore.

8- TARTAMAYAASHA GANACSIGA OO AADAN AQOON: Tartamayaasha ganacsiga oo aan la aqoon ama la yaraysto.

Qorshe haaga ganacsiga waa in ay ku qoran tahay cidda kugula loolamaysa suuqa. ganacsiyda kale ee kula tartamaya. Markasta si toos ah ama si dad banba waxaa jira ganacsiyo kale oo kugula loolamaya suuqa.

Si kastoo aad u malaysaba, waxaa jira ganacsi kula tartamaya. Waa suurto gal in uusan ahayn mid toos ah …. tusaale ganacsi soo saara badeecada aad soo wado mid la mid ah. laakiin xitaa ku fakir mid u dhigan ta. Waxaa la yiraah daa ” Faraha waxaa badal u ah ama u dhigma qaado”. labba shay oo laysku badalan karo hadii mid ka kale la waayo. sida; Bariis iyo Baasto , Coffee iyo Shaah , Caano xoolaad iyo Caano boore, iwm. Wax kasta oo lagu badalan karo badeecadaada ama adeegaaga.

Isku soo wada doobe, Tartan ka ganacsigu waa kan ka doonaya lacagta Macaamiishaada. Ma dhici karto sida badan in uusan jirin tartar suuq. loolan ka suuqu waa fursada ganacsigaaga. Waa meesha ugu horaysa ee hadii aad ku guulasto , faa’ido aad ka gaari karto ganacsi gaaga. tartan ka suuqu waxa sidoo kale uu muujiyaa in uu jiro suuq laga samayn karo ganacsi.

9- IS WAAFAQID LA’AAN. Naqshada , Qoraal ka iyo hadal ka qorshaha oo aan isku mid ahayn.

Iska ilaali hadal ama qoraal is diidaya ama iska hor imaanaya. Qorsha haagu waa in uu is waafaqsan yahay bilow ilaa dhamaad si loogu qanco. ku dadaal in warbixin ta iyo xogta aad soo bandhig to ay isku mid tahay. Iska hubi in dhamaan qoraal ka warbixin taadu yahay xaqiiq baaritaan dambe lagu samayn karo, sida suuqa, Maacaamiisha, Qarash ka baxayan , Daqliga soo xaroonaya, iyo dhamaan shax-da ku jirta warbixin taada

10- AAN LAHAYN SUUQ GAYN CAD: Ka maran siyaasad suuq.

Qorsha haaga ganacsigu waa in si buuxda u sharaxayo IIBKA, BEEC GAYNTA IYO QAYBINTA. Su’aalaha ugu muhiimsan ee u baahan in laga jawaabo waxaa kamid ah: Yaa wax ka gadanaya ganacsigaaga? Sababta ay u gadanayaan maxay tahay ? sidee ugu gayn kartaa? Suuqu waa meesha ugu muhiimsan ganacsiga si aad u socod siiso badeecada ama adeega aad iibinayso. Hadii aadan lahayn siyaasad dhex galka suuqa ee dhamaystiran waxaa kugu baaraya badeecadii ama deegii aad iibinaysay. Diyaari qorshe aad ku taqaano macaamiisha aad wax ka gadayso, ku kasban lahayd macaamiil , ugu adeegi lahayd sida ugu sahlan oo qarash yar, kula tartami lahayd ganacsiyada kale, u ogaysiin lahayd ama u billi lahayd badeeco ama adeegaaga.

11- IN AAD QARISO CAQABAAD KA. Horumar kasta waxa uu leeyahay caqabad u baahan in laga hor wareejiyo.

Marna ha qarin caqabaad ka ganacsigaa si aad u qanciso dad maalgalinta samaynaya. Cadee , Qeex oo sharax caqabad kasta ee kugu iman karta si aad uga feejignaato ama aad u hesho talo iyo xeelad looga gudbi karo caqabaad kaas marka aad soo bandhigayso qorshahaaga. Ganacsi kasta waxa uu leeyahay caqabad, laakiin hadii aad qariso waxa ay noqon kartaa in aadan waxba ogayn oo xog badan oo dhab ah aadan hayn. marka aad soo bandhigto caqabaad ka ganacsiga waxa ay cadaynaysaa daacadnimo iyo baaritaan dhab ah aad samaysay.

Qodobadan masoo koobayaan qaladaadka qorshaha ganacsiga oo dhan, laakiin waa tilmaamo guud.

Fadlan, Waan soo dhawaynayaa dhamaan dhaliil, saxid , iyo talo siin.

Mahadsanidin

ABDULKADIR A. ADAN

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *