10 Talaabo oo sare u qaadaysa Kalsoonida qofka

1. Tuko Salaada Subax. Marki ugu horeysa aad hurdada ka toosto Ku Shugri Allihi ku siiyay fursada labaad ee Nolosha, ka dib Tuko Salaada Subax waqtigeeda, tani waxay ku siinaysaa Kalsoonida ugu sareysa & in aan maalintaa si fiican kuugu bilaabato

2. Jimicso. Jimicsiga wuxuu sare u qaadaa qaab-dhismeedka jirka, wuxuu qofka siiyaa firfircooni. Waa hab fudud waxtarna u leh inuu sare u qaado kalsoonida qofka

3. U labiso si hagaagsan. Hadii aad si fiican u labisato waxaad dareemaysaa fiicnaan naftaada ah & istareex. Ma aha dhar qaali ah, laakiin waa in qofku xirtaa dhar la’eg, aan ku dheganayn oo jirkiisa muujinayn, aadna uga weynayn. Sidoo kale waa in qofku kala gartaa xilliyada dharka, tusaale iyadoo xagaa kulul ah in uusan qaadan dhar qaboobaha loogu talagalay ama midab madow ah si uusan cadceeda u soo jiidan

4. U fakir si wanaagsan. Hadii qofka ay ku bataan sheekooyin negative ah, wuxuu bilaabayaa in uu si xun u fakiro, maskaxdiisana daaliyo. U fakir si postive ah, dhanka wanaagsana ka eeg wax kasta

5. Noqo mid naxariis badan oo deeqsi ah. Dadka oo aad u naxariisato, deeqsi aad noqoto waa waxa ugu sareeya ee qofka siiya farxad taasoo sare u qaada kalsoonidiisa

6. Hel hurdo kugu filan. Jirkaagu wuxuu u baahan yahay 6 -8 saacadood oo hurdo ah habeen kasta. Naf habeenki dhan soo jeeday waxaa ka muuqanaya daal & dhafar, mana heli karto iyo in ay yoolkeeda gaarto

7. Ku dedaal nadaafada jirkaaga oo dhan. Hagaaji wixi cillad jira. Hubi in cidayaha, timaha, ilkaha iyo dhamaan jirkaaga ay nadiif yihiin mar kasta. Nadaafadu waa nolol

8. Ha sameyn is tus-tus & ha lagaa sheego inaad u noolaato taasoo muujinaysa inaadan naftaada ku kalsooneyn, dadka kalena aad ka sugeysid ansixin & sharciyeyn

9. Dhoolacadee mar kasta. Si aad u dhameystirto muuqaalkaaga, dhoola cadeentu waa hab raqiis ah, dadkana lagu kasbado

10. Markaad dadka la hadleyso indhaha ka eeg. (Ha ku gubin, waa eegmo caadi ah!) Madaxa ha foorarin si daciifnimo ah. Mar kasta ugu yeer magacooda. Si fiican u salaan. Hadalkana ha boobsiin

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *