10 Sir Oo Kuu Ekaysiinaya Qof Da’adiisa Saxda Ah Ka Yar Oo Qurux Badan

Qof Da'diisa ka yar, qurux badan,Ma doonaysaa inaad qurux badnaato oo aad ekaato qof da’diisa ka yar markasta? Haday jawaabtu “Haa” tahay fiiro gaar ah u yeelo qodobadaan uu daryeelmagazine.com akhristayaashiisa la wadaagayo.

1. Badso Cunista Khudaarta:

Cunista khudaarta cagaarani faa’idooyin badan ayaa ay u leedahay caafimaadka bani’aadamka, khatar ayayna leedahay in qofku uu ka fogaado cunista khudaarta noocyadeeda. Warka fiicani waa in qofka maalin kasta xaddi khudaar ah cunaa uu ka badbaadayo calaamadaha gabowga oo xitaa waqtigooda caadiga ah ka sii dib dhacaya.

2. Hurda Fiican Seexo: Waxaad weydiisa gabdhaha asxaabtaada ah waxa ay ku qurxiyaan jirkooda waxaa hubaal ah in jawaabta intooda badan ay noqon doonto HURDADA. seexo si aad u qurux badnaato. Hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa qof qurux badan. Xusuusnoow ugu yaraan 8 saacadood inaad seexato habeen kasta si aad ugu ekaato qof da’iisa ka yar quruxna aad u hesho.

3. Cab Biyo Badan:

In qofku uu maalin kasta cabbo ugu yaraan laba litir oo biyo iyo dareeraha /sharaabka laga sameeyo khudaarta iyo sharaabka kale  waxa ay saamayn fiican ku leedahay wax-qabadka unuygada maskaxda iyo weliba qaabka muuqaal ee maqaarka. jirka banii-aadamka waxa uu badankiis ka kooban yahay dareere, hadduu jirka ku yaraado biyaha waxaa isbadala muuqaalka qofka, waxaana ka muuqdo da’ uusan qofka gaarin.

Biyaha waxay quudiyaan oo nuuriyaan maqaarka jirka: maqaarka wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan jirka oo biyaha ka faa’idaysto, waana astaanta lagu garto caafimaad ahaan marka qofka uu fuuqbaxo in maqaarka uu mugdi, qallayl, khafiif ah oo jiidjiidmo ayuu noqdaa, waxaana ka luma dhaldhalaalka.

4. Jimicsi joogto ah:

Cilmi baaris ayaa caddeysay in badanaa dadka jimicsada ka nolol dheeryihiin dadka aan jimicsan, muuqaalka jirkooduna aad uga da’a yaraado. Jimicsiga joogtada ahi waxa uu yareeyaa astaamaha duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho iyo murqaha uu daciifo.

5. Ka fogow balwadda:

Cabbista sigaarku waxay kordhisaa cimri deg-dega, sigaar cabbistu waa caado u daran caafimaadka waxayna soo dedejisaa gabowga iyo calaamadihiisa.waa la isku raacsan yahay in sigaarku uu keeno cimri degdeg, taasi waxay ka timaadaa sunta sigaarka ee “Nicotine” iyo fitamiin yarida nuuca “C” oo badanaa ku dhacdo dadka sigaarka caba, kaasoo muhiim u ah difaaca iyo tayeynta jirka. sidoo kale cabbista khamriga waxay toos u dhaawacdaa jirka, waxay waxyeellaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididada intaba.

6. Cun cunto isku dheeli tiran: 

waxaa jira faa’iidooyin aad u badan oo laga helo cuntada isku dheeli tiran (balanced diet), marka uu jirku helo dhammaan nafaqada uu u baahan yahay waxaa uu noqdaa jir caafimaad qaba waxaana hoos u dhaca gabowga jirka

7. Maaree welwelkaaga: Welwelku waxa uu ka mid yahay xanuunnada nafsiga ah ee khatarta ku ah caafimaadka maskaxda iyo jirka labadaba. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in naftiisa uu ka adkaado, mar kastana intii awooddiisa ah yareeyo walwalka iyo niyad-jabka uu ka qaadayo arrimaha nolosha ee sida uu jeclaan lahaa u dhici waaya. Haddii uusan qofku sidaa yeelin sida ay khubarada caafimaadku caddeeyeen waxa uu halis u yahay in isaga oo aan weli da’deedii gaarin ay calaamadaha gabowgu dhaqso uga soo if baxaan.

8. Ka fogow make-up ka badan:

Xeeldheerayaal ku takhasustay maqaarka oo ka tirsan Jaamacadda California ee dalka Maraykanka ayaa caddeeyay in kiriimada la isku qurxiyo iyo waliba waxyaabaha kale ee koofeeradu ama burkiyeerradu ku qurxiyaan jirka ay ku jiraan maaddooyin marka uu jirku barto soo dedajiya kaduudka iyo calaamadaha muujiya da’da. Sidoo kale waxa uu keenaa in uu qofku qaado Allergic uu maqaarku ka qaado qorraxda una adkaysan kari waayo kulkeeda.

9. Iska Ilaali qorraxda badan:

Qorraxdu aroorta hore iyo galab dhaca in ay jirka ku dhacdaa waxa ay u fiican tahay caafimaadka qofka. Laakiin  waxaa jira fallaaraha qorraxda kuwo khatar ku ah caafimaadka oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘ultra violet rays (UV)’ haddii fallarahani jirka gaaraan waxa keenaan gabowga oo qofka ku soo degdega.

10. Iska yaree cunista macmacaanka:

Dadka joogteeyo cunista sokorta, aadne u jecel waxyaabaha macmacaan, waxaa jirkooda ku dhaco wax loo yaqaano “Glycation”, tan oo dhaawac u geysato murqaha, seedaha iyo unugyada jirka khaasatan kuwa maqaarka, tan waxay keentaa in jirku yeesho laalaab, haddii aad macaanka jeceshahay ku dadaal khudrada iyo furutada, iskana ilaali sokorta badan.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *