10 Astaamood Oo Aad Ku Ogaan Karto Haday Si Dhab Ah Kuu Jeceshahay

Nin ayaa wuxuu Weydiiyay Nin kale oo Caaqil ah, sideen ku Ogaan karaa in Xaaskeyga ay ii Jeceshahay si dhab ah?

Ninkii Caaqilka ahaa ayaa yiri waad Ogaaneysaa haddii ay Sameyso 10 Sheey oo aad jeceshahay. Ninkii ayaa yiri ii Sheeg 10ka Sheey.

Ninkii Caaqilka ahaa ayaa yiri:-

-Haddii ay Jeceshahay in ay wax ka Ogaato Qaabka aad Dadka ula Dhaqanto, Ogoow wey ku Jeceshahay.

-Haddii aysan kaa Caroon markii aad ka Hortimaado Fikirkeeda.

-Haddii ay kula Murugooto marka aad Murugeysan tahay.

-Haddii ay kula Tashato mar walba ka Hor inta aysan Go’aan Gaarin.

-Haddii ay ku Faraxdo marka aad Hadiyad u Keento, wax yarba ha ahaatee.

-Haddii ay kaa Welwesho marka aad Maqan tahay.

-Haddii aysan wax Dan ah ka laheyn, Lacagta ku soo Gasha.

-Haddii ay mar walba ku Dadaasho waxa ku Farax Gelinaaya, waxa aad Dhibsaneysana kugu soo Hadal qaadin.

-Haddii ay mar walba Mowduuc keento, si ay Kuula Sheekeysato oo kaliya.

-Haddii ay kula joogto mar walba inta aad Guriga joogto, marka aad Qolka soo Gashaba ay kaa soo Daba Gasho.
Wabillaahi Towfiiq.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *