Waa Maxay Astaamaha Uurka Cusub, Sidee Loo Ogaadaa, Maxaase Khatar Ku Ah Uurka?

Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.

Waa maxay astaamaha uurka cusub?

Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili hore soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo
  • Naasaha oo barara ama danqada
  • Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela
  • Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.

Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu horeeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.

Sidee lagu ogaadaa uurka?

Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.

Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.

Qorshaha daryeelka uurka

Waxaa lagaa rabaa inaad la socod siisid dhaqtar isla xiliga aad ogaatid inaad leedahay uur, sababtoo ah dhaqtarka wuxuu miskahaaga ku sameynayaa baaris caafimaad si loo xaqiijiyo uurka, mararka qaar waxaa lagu saarayaa kombiyuutarka Ultrasound si kormeer loogu sameeyo minka. Dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu ku sameeyo qiimeyn khaas ah dumarka la darsan halis caafimaad, sida dumarka ka weyn 35 sano, iyo dumarka qaba xanuunada wadnaha iyo sokoroowga.

Waxaa muhiimad caafimaad uleh uurka baaris joogta, iyo in si deg deg loo ogaado wax walba oo halis gelin kara caafimaadka canuga. Kombiyuutarka Ultrasound wwuxuu ogaan kkaraa jinsiga canuga kadib 16 todobaad marka ay ukunta ku dhegtay minka. Waxaa kaloo la ogaan karaa in uurkujirka uu si fiican ukorayo iyo in kale, dhaqtarka wuxuu ku siinayaa talooyin caafimaad, sida cunooyinka u wanaagsan uurka, iyo jimicsiga aad sameyn kartid xiliga aad uurka leedahay, waxay cunada Wanaagsan iyo jimicsiguba muhiimada weyn u leeyihiin  adiga iyo uurjiifka. Waxaa kaloo muhiim ah inaad qaadatid Vitamin badan, sababtoo ah waxaa u baahan jirka koraya ee uurjiifka.

Maxaa khatar ku ah uurka.

Waxaa la ogaaday in dumarka da doodu ka yartahay 30 sano ay ka uur qaad fiican yihiin dumarka da daas kawayn, khatarta waxaa kamid ah:

  • Inaad ilmo badan sidid
  • Dhiig kar
  • Cudurada wadnaha
  • Kansar
  • Sokoroow
  • Cudurada kelyaha
  • Infekshan

Inta badan uurka Wanaagsan wuxuu qaataa 40 isbuuc, laakin dumarka qaar waxay ku dhalaan in ka yar ama kabadan, ilmaha dhasha 40 isbuuc kahor waxay la dhashaan dhibaatooyin caafimaad, sida miisaankooda oo yar, iyo joonis, mararka qaarna xubnahooda ma wada dhamaystirna.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *