Talo Kooban Oo Ku Anfici Doonta

– Ficilkaagu Waxa uu Muujinayaa Caqligaaga Barkii.
Sidaa darteed waxa habboon waxa aad qabanayso in ay noqdaan wax wanaagsan.

– Hadalkaaguna Waxa uu Muujinayaa Aqoontaada Barkeed.
Sidaa darteed waxaa habboon qofka inuu iska daayo hadalka kiisa foosha xun .

– Muuqaalkaaguna Waxa uu Muujinayaa Noolashaada Barkeed.
Sidaa darteed waxaa habboon Aragtidaada iyo labbiskaagaba in aad wanaajiso.

Waxaadna ogaataa marmarka qaar in aadan u baahanayn qof in aad noolashiisa ka waraysto balse waxaad noolashiisa ka dhex fahmi kartaa hadba waxa uu ka muujisto Ficilkiisa, Hadalkiisa, iyo Muuqaalkiisaba,
Sidaa awgeed waxaa wanaagsan in aan wanaag ka muujino Ficilkeena, Hadalkeena iyo Muuqaalkeenaba,Taasi ayaa waxa ay keeni kartaa in aad noqoto qof wanaaga looga daydo oo bulshadana waxtar uleh.

Hadii dadku ay wanaag kaaga daydaan oo aad wax wanaagsan farto waxaad ku noolaan doontaa noolal uu Alle (Sw ) Raali ka yahay, Maalinta aakhirana Alle (Sw) waxa uu ku siin doonaa abaal gud wanaagsan ( Janno). Insha Allah.

Via: Dhalinta Maanta

Check Also

cimri dheer,

Asbaabaha Ay Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga

Qormadan waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa mawduuc xiise badan oo ay cilmibaadhayaashu daraasado kadib ku soo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *